HomeNatiijada Hordhaca ah ee Codbixintii Doorashada Baarlamanka Jabuuti oo muujisay Inay aad...

Natiijada Hordhaca ah ee Codbixintii Doorashada Baarlamanka Jabuuti oo muujisay Inay aad isugu Dhowyihiin Muxaaradka iyo Mucaaradku

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jabuuti (SLpost)- Natiijada hordhaca ah ee doorashada barlamaanka dalka Jabuuti oo lagu dhawaaqay, ayaa tilmaamaysa in isbahaysiga UMP ee talada dalkaas haya uu ku horreeyo tirada kuraasida Baarlamanka.

Doorashadan oo shacabka dalkaasi codbixinteeda u dareereen Jimcihii shalay, ayaa natiijadeeda hordhaca ahi tilmaamaysaa inay aad isugu dhow yihiin isbahaysiga talada haya ee UMP ee isbahaysiga mucaaradka ee USN.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti Xasan Dharaar Hufane ayaa sheegay in isbahaysiga talada haya ee UMP uu helay 49% codadka la tiriyey, isbahaysiga ugu weyn ee USN oo helay 47.54% halka xisbiga CPU uu isaguna helay 3%.

Doorashada JabuutiXukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay in doorashada ay u dhacday si xor ah, laakiin mas’uul u hadlay xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaa sheegay in doorashada la musuqmaasuqay.

Afhayeenka xisbiga USN, Daahir Axmed Faarax (Daaf) ayaa markii natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqay waxa uu wariyeyaasha ugu sheegay inaanay ku qanacsanayn natiijada, isagoo sheegay inay muraaqibiintii u joogtay goobaha codadka laga dhiibanayay  ay hayaan tirada codadka.

Doorashada oo ay ahayd tii ugu horreysay ee xisbiga muraadka ahi sida weyn uga qayb-qaataan, ayaa lagu wadaa in natiijadeeda lagu dhawaaqo laba maalmood ee soo socda.

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories