HomeNatiijada Ciyaartii Galabta ee Tartanka Xulalka Gobollada Somaliland iyo Ciyaaro Adag oo...

Natiijada Ciyaartii Galabta ee Tartanka Xulalka Gobollada Somaliland iyo Ciyaaro Adag oo Berri dhacaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Ciyaar aad u xiiso badan oo ka tirsan tartanka Gobollada Somaliland, ayaa maanta Garoonka Hargeisa Stadium ku dhex-martay xulalka gobollada Sanaag iyo Saaxil oo ka wada-tirsan Group B, waxaanay Guushu raacday xulka gobolka Sanaag.

Xulka Gobolka Sanaag ayaa Laba Gool iyo Hal kaga badiyey Xulka Gobolka Saaxil oo ay dhex-martay ciyaar aad u xamaasad badan. Labada xulba waxa ay soo bandhigeen hannaan ciyaareed hufan kuna dhisan Weerar iyo Weerar Celis.

blankQaybtii Hore ee Ciyaarta ayaa lagu kala nastay Hal gool oo uu Gobolka Sanaag u saxeexay Ciyaartoyga lagu magacaabo Shulaac.

Markii la isugu soo noqday qaybta labaad ee Ciyaarta ayaa Labada Xul waxay la gole yimaadeen qaab ciyaareed farsamadiisu sarayso. Hasa Yeeshee Kubad si fiican looga soo Shaqeeyay ayaa Ciyaartoyga Xulka Gobolka Sanaag u sita Nombarka 11 uu ku hubsaday Goolka Gobolka Saaxil.

Xulka Gobolka Saaxil ayaa qaybtii labaad ee Ciyaarta waxaa Kaadhka Cas ka qaatay mid ka mid ah Ciyaartoygooda.

Daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray Ciyaarta ayaa Xulka Gobolka Saaxil Waxay la yimaadeen Goolkoodii Madiga ahaa oo uu u Saxeexay Ciyaar-yahanka lagu magacaabo Cabdicasiis Boqorka waxayna Ciyaartu ku soo dhamaatay 2 Gool iyo 1 ay Guushu ku raacday Xulka Gobolka Sanaag.

Tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta ee xulalka Gobollada Somaliland, waxa barbar-socday tartanka Basketball-ka oo ay xulalka gobolladu ku ciyaaraan garoonka Tima-cadde ee magaalada Hargeysa.

Tartanka Ciyaaraha goboladda Somaliland oo Jimcaha Berri galaya maalintii saddexaad, waxa gelinka dambe ee Berri dhici doona laba ciyaarood, waxaana Isku haleeli doona xulalka gobollada Awdal iyo Badhan oo ku wada Jira Group C iyo Gebilay iyo Sool oo ku wada tirsan Group D.

Shaxda Isku-aadka Xulalka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland

Shaxda Isku-aadka Xulalka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland
Shaxda Isku-aadka Xulalka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories