HomeNatiijada Ciyaar maanta dhexmartay Xulka Kubadda Koleyga Caasimadda Jabuuti iyo Kooxda Asluubta

Natiijada Ciyaar maanta dhexmartay Xulka Kubadda Koleyga Caasimadda Jabuuti iyo Kooxda Asluubta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Kooxda Kubadda Kolleyga ee Ciidanka Asluubta iyo Koox ka socota Waddanka Jabuuti oo ku ciyaaraysa Magaca Caasimadda dalkaasi, ayaa maanta gelinki dambe ciyaar xiiso lihi ku dhexmartay garoonka kubadda Koleyga TIMA-CADDE ee magaalada Hargeysa.

Ciyaarta laba kooxood dhexmartay oo ay ka soo qayb-galay xidhiidhada Kubadda koleyga ee laba waddan, masuuliyiin iyo dadweyne tiro-badan, ayaa lagu furay Heesaha Calamada ee labada Waddan, waxaanay ku bilaaban tahay jewi deggen.

Kooxda ka socota waddanka Jabuuti oo ka mid ah Kooxaha waaweyn ee ka dhisan waddankaasi, isla markaana ay ku jiraan ciyaaryahano xulka qaranka Jabuuti u safta, ayaa ciyaarta tan oo kale ah dorraad la yeelatay kooxda ciidanka Qaranka ee Gaashaan.

KOOXDA ASLUUBTA
KOOXDA ASLUUBTA

Ciyaarta dhex martay labada Kooxood oo ahayd mid xirfad iyo wanaag aragnimo ku dhisnayd, isla markaana labada dhinacba ku soo bandhigeen Ciyaar wanaag iyo hufnaan, ayaa ku bilaabantay dar dar iyo weerar iyo weerar celis, iyadoo intii ay socotay Taageerayaasha labada kooxood Xamaasad iyo Dhiiri gelin la garab taagnaayeen ciyaaryahanada.

Ciyaarta ayaa Haafkii hore lagu kala nastay 26 Dhibcood oo Kooxda Jabouti leedahay iyo 21 Dhibcood oo Asluubtu keensatay, hase ahaatee qaybtii dambe ee Ciyaarta ayaa Asluubtu la timi waji cusub oo ciyaareed iyo awood ka balaadhan sidii hore waxaanay shabaqa ku hubsadeen todoba iyo Soddon dhibcood oo Dareera , halka Jabouti City laftoodu ay taasi mid la mid ah sameeyeen, isla markaana Goolal badan keensadeen.

Dedaal kasta oo ay labada kooxood u galeen hanashada guusha Ciyaartan saaxiibtinimo ee dhex martay waxay ku dhamaatay Ciyaartu 58 dhibcood Asluubtu keensatay iyo 48 Jabouti city la timi, iyadoo Miisaanka Ciyaarta laga dheehan karo dhibcaha lagu kala badiyay oo aad u badan.

Ciyaarta ayaa intii aanay furmin, waxay tababarayaasha labada Kooxood mid waliba guusha dhamaadka Ciyaarta Kooxdiisa u rajeeyay, waxaanay sheegeen inay kalsooni badan ku qabaan tayada Ciyaaryahanadooda.

KOOXDA KUBADDA KOLEYGA JABUUT
KOOXDA KUBADDA KOLEYGA JABUUT

Kooxda ka socota waddanka Djabouti oo isu diyaarinaysa ka qayb-galka tartan Caalamiya oo ka dhacaya qaarada Afrika Bilaha soo socda, ayaa dadka ciyaaraha ka faaloodaa saadaalinayeen inay u awood sheegan doonto Asluubta maadaama oo ay ku jiraan rag Kaalin sare kaga jira Ciyaaraha Kubadda Kolayga Jabuuti, isla markaana ay tahay Koox heerkeedu gaadhsiisanyahay ilaa heer ay ka safanayso Garoomo Caalamiya.waxase taasi meesha ka saartay natiijada Ciyaartu ku dhamaatay oo ay guul daro kala caraabeen.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda ciyaaraha, Dhalinyarada iyo dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye oo furitaankii Ciyaarta iyo gabagabadii ciyaartan ka hadlay , ayaa sheegay in Kooxda Asluubtu ka mid tahay Kooxaha ugu waaweyn ee waddanka ka dhisan, isla markaana ay hore uga soo qayb-galeen tartamo kala duwan.

Guddoomiyeyaasha Xidhiidhadda Kubadda Koleyga ee dalalka Somaliland iyo Djabouti oo kulankan goob-joog ka ahaa ayaa iyaguna hambalyo u diray labada kooxood ee ciyaartu dhex martay, waxaanay bogaadiyeen isu imaanshiyahooda Hargeysa iyo xidhiidhka saaxiibtinimo ee u furmay.

Ciyaartoygan ku ciyaaraysay magaca Caasimadda Jabuuti oo todobaadki hore socdaalkooda ku yimi Hargeysa iyaga oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha xidhidhka kubadda Koleyga Jabuuti iyo tabobarahooda oo u dhashay dalka Cuba, ayaa dorraad ciyaartoodi u horreysay la qaatay kooxda kubadda koleyga ee Gaashaan oo ku ciyaarta magaca ciidanka Qaranka, ayaa waxa ay halkaas guushu ku raacday kooxda Gaashaan oo keensatay 44 dhibcood halka kooxda Djibouti City Council ay keensatay 42 dhibcood.

SOMALILANDPOST.INFO

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories