HomeNairobi: Suuqa Westgate Oo Dib Loo Furayo Maalmaha Ciidda

Nairobi: Suuqa Westgate Oo Dib Loo Furayo Maalmaha Ciidda

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Nairobi, (SLpost)- Xarunta Ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi, ayaa la sheegay in dib loo furi doono 18-ka bishan, waxaana dib u furistaasi ay ku soo beegmaysaa muddo labo sano ku dhow oo suuqaasi uu xidhnaa.westgate

Agaasimaha guud ee xaruntaas ganacsi Alex Trachtenberg, ayaa sheegay in dib furista Westgate ay imaanayso ka dib muddo saddex iyo labaatan bilood ah oo lagu guda jiray dib u dhiska iyo casriyeynta dhismahaas, haddana ay hawshiisii soo dhamaatay.

Wuxuu intaas ku daray maamuluhu in weerarkii lagu qaaday Suuqaas uu ka tagay khasaaro sababay burbur xoogan oo soo gaaray dhismahaas iyo mid mood iyo maalba lahaa. Isagoona intaas ku daray inay dib ugu soo dhaweynayaan Westgate dadkii ka adeegan jiray.

Taariikhda la shaaciyay in dib loo hawl-galin doono xaruntaas ganacsi, ayaa ku beegan maalinimada Sabtida ah ee soo socoto, waana maalmaha Ciida oo fasax guud ka ah waddanka Kenya.

Dib u furista suuqaas waxaa la sheegay iney la bilaabi doonaan shaqadooda xarumo ganacsi oo caan ah sida; Nakumatt, ArtCaffé iyo Ashleys oo hore ugu dhex yaallay dhismahaas.

Waxa sidoo kale iyaguna dib u uga hawl-gali doona dukaamo, Makhaayado, Goobo la isku qurxiyo, kuwo lagu qaxweeyo, meelo carruurta lagu ciyaarsiiyo iyo xarumo Madadaalo oo xarumo ku lahaa dhismaha Westgate, isla markaasna wada shaaciyay inay diyaar u yihiin sii wadida shaqadooda.

Atul Shah oo ah agaasimaha maaraynta ee Suuq weynaha Nakumatt , ayaa sheegay in shirkaddoodu ay bilaabeyso ka shaqeynta gudaha Westgate, wuxuuna intaas ku daray iney todobaadka soo socdo dhamayn doonaan dhigida iyo rakibadda qalabkooda, dhawaana ay toos u hawl-gali doonaan.

Suuqa Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi oo weerarkii lagu qaaday bishii sagaalaad ee sanadkii 2013 ay ku dhinteen inta la og yahay 71 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen boqolaal kale, ayaa waxaa dagaal socday afar maalmood fuliyay afar nin oo la sheegay inay ka tirsanayeen ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

Qaybo kamid ahaa dhismaha Westgate, ayaa la dumiyay kadib markii xoogagii qabsaday laga saari waayay muddo afar maalmood ahayd.

23 bilood kadib weerarkii Westgate Al-shabaab weli waxay sii wadaan weerarada ay ka fuliyaan gudaha waddanka Kenya, iyagoon dad badan ku dilay weeraro ka dhacay gobolka Waqooyi Bari iyo Gobolka Xeebta Kenya.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories