HomeNairobi: Somaliland iyo Saaxiibbada Beesha Caalamka oo Isku hor-fadhiistay Kulan Arrimo muhiim...

Nairobi: Somaliland iyo Saaxiibbada Beesha Caalamka oo Isku hor-fadhiistay Kulan Arrimo muhiim ah lagaga hadlay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Nairobi (SLpost)- Wefti sare oo ka kooban wasiirro iyo masuuliyiin xukuumadda Somaliland ka tirsan, ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula yeeshay Wakiillo ka socda saaxiibbada beesha Caalamka ee taageera horumarka iyo dimuqraadiyadda Somaliland.

Weftiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Ciise Keyd oo ay weheliyaan Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya Dr Edna Aadan oo Arbacadii toddobaadkan socdaal ku tagay magaalada Nairobi, ayaa maanta la kulmay Wakiillo ka socday beesha caalamka oo kala ah Denmark, Midowga Yurub, Finland, Germany, Netherlands, Sweden, Boqortooyada Ingriiiska iyo Maraykanka.

blank
Bidix: Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL, Wasiirka Maaliyadda JSL, Dr Edna Adan iyo Ismaaciil Shirwac (Xuquuqda Sawirka: Star Media Group, Kenya)

Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah iyo Horumarinta ee Safaaradda Somaliland ku leedahay Nairobi, Ismaaciil Shirwac, ayaa war-murtiyeed uu ka soo saaray ku faahfaahiyey arrimaha ay ka wada-hadleen weftiga Somaliland iyo Beesha Caalamka, waxaanu sheegay in kulanku qayb ka yahay Barnaamijka Sanduuqa Horumarinta Somaliland, kaas oo weftigu warbixinno ka siinayeen beesha caalamka geeddi-socodka horumarka iyo isbeddellada ay xukuumadda Somaliland ku tallaabsatay.

“Weftigu waxa kale oo ay u caddeeyeen sida ay uga go’an tahay Somaliland inay sii xoojiso hannaanka dimuqraadiyadda iyo qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah,” sidaas ayuu sheegay Ismaaciil Shirwac.

Dhinaca kale, beesha caalamka ayaa soo dhaweysay ballan-qaadka Somaliland ee qabsoomidda Doorashada iyo sida ay madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaradka uga go’an tahay in doorashada madaxtooyada la qabto sannadka 2022. Waxa kale oo beesha caalamku soo dhaweysay sida ay xukuumadda uga go’an tahay ballanqaadka ah in la hubiyo in qorshaha horumarinta qaranka ee soo socda uu yeelan doono qorshe kooban oo mudnaan iyo qiimo ugu fadhiya dalka.

War-murtiyeed ay beesha caalamku magaalada Nairobi ka soo saareen maanta, ayaa sidoo kale lagaga hadlay muwaadiniin u dhashay Soomaaliya oo xukuumadda Somaliland dhawaan ka mastaafurisay magaalada Laascaanood oo muddo 30 sanno ka badan qaarkood qaxootinimo ugu noolaayeen.

Tallaabadan ayey beesha caalamku ku tilmaantay baro-kicin khasab ah oo Sharci-darro ah, sida lagu sheegay war-murtiyeed ay maanta soo saareen.

“In kasta oo saaxiibbada beesha caalamku ay ammaanayaan dimuqraadiyadda wanaagsan iyo horumarka dhaqaale ee Somaliland ku tallaabsatay sannadihii u dambeeyay, barakicinta khasabka ahi waxay leedahay dib-u -dhac khatar ah, waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa inay joojiso barokaca khasabka ah iyo xad -gudubyada sharci-darrada ah ee la arkay toddobaadyadii la soo dhaafay,” sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka beesha Caalamka oo sidoo kale xukuumadda Somaliland ugu baaqay in la ilaaliyo ganacsiyada iyo hantidii ay lahaayeen dadka la mustaafuriyey.

Waxa kale oo war-murtiyeedka beesha caalamka lagu sheegay in weftigu Somaliland u sheegeen saaxiibbada caalamka sida ay Somaliland uga go’an tahay ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ah ee bani’aadamka, ku-dhaqista Sharci loo siman yahay dhammaan dadka ku nool gudaha Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa horaantii bishan October magaalada Laascaanood ka fulisay hawl-gallo dad sharci-darro ku jooga dalka kaga  mustaariyey magaalada Laascaanood, iyadoo xukuumaddu fulinta tallaabadaas ku tilmaantay mid lagu xoojinayo amniga magaalada Laascanood iyo rabitaan shacbiga magaalada ka yimi.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Somaliland ee Nairobi, wefti Somaliland waxa ay saaxiibbada beesha Caalamku u sheegeen sababaha ku kallifay go’aanka magaalada Laascaanood lagaga mastaafuriyey muwaadiniinta u dhashay Soomaliya.

“Waxaanu u sheegnay saaxiibbada beesha caalamka in go’aanka Somaliland lagaga mustaafuriyey dadkaasi uu ku yimi arrimo dhinaca amniga la xidhiidha iyo codsiyo ka yimid bulshada deegaanka iyo maamulka degmada Laascaanood,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay inay jiraan Xogo sirdoon iyo talo-wadaag dhexmaray bulshada iyo Maamulka Gobolka, kuwaas oo ay sheegtay inay caddeyn buuxda u noqdaan in Dadka la mastaafuriyey khatar ku ahaayeen ammaanka degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories