HomeNairobi: In ka badan 100 Qof oo ku Le’day Dab ka kacay...

Nairobi: In ka badan 100 Qof oo ku Le’day Dab ka kacay mid ka mid ah Dhuumaha Shiidaalka qaada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankNairobi, (SLpost)- Sida ay sheegeen Booliska Dalka Kenya dad ka badan 100-qof ayaa ku dhintay magaalada Nairobi, ka dib markii ay qaraxday dhuun ka mid ah dhuumaha Shiidaalka qaada.

Qaraxa dhuunta Shidaal ayaa ka dhacay xaafadda Lunga-Lunga oo ah xaafad warshadeed, iyadoo ciidamada la dagaalama dabka ay isku dayeen inay damiyaan dabka oo aad u xoog badnaa, ayaan ku faafin xaafado kale.

Dhuumaha Shidaalka ee qarxay waxay ku yaallaan xaafad ay dadku ku badan yihiin oo u dhexeysa faras-magaalaha Nairobi iyo garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyata. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in tiro ka badan 80-qof oo dhaawacyo kala duwan qaba loo qaaday Cusbitaallada si loo daweeyo. Sarkaal u hadlay gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa sheegay in dadka badankoodu ay yihiin kuwo si xun u gubtay.

blankIllaa iyo hadda lama oga sababta keentay qaraxa dhuumaha Shidaalka xambaara, iyadoo sidoo kale aanay ka hadlin saraakiisha dowladda Kenya. Ciidamo badan oo isugu jira Boolis iyo Milateri ayaa buuxiyay xaafada uu dabku ka kacay, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in dhimashadu ay marayso 150-qof inkastoo dowladdu ay sheegtay inay hayso 100-qof oo dhintay.

“Xaaladdu aad ayay u xun tahay, waxaa jira dad badan oo dhintay markii ay gubteen,” ayuu yidhi ku-xigeenka Afhayeenka Booliska Kenya, Charles Owino oo la hadlay warbaahinta. “Waxaa jira maydad badan oo weli maqan.” ayuu raaciyay hadalkiisa.  Goob-jooge lagu magacaabo Joseph Mwego oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu maqlay qaylo, ka dibna qarax weyn, markii uu eegayna uu arkay qiiq iyo uuro madow oo cirka isku shareertay.

Maaha markii ugu horreysya ee ay dad badan ku dhintaan Dalka Kenya dab ka dhashay Shiidaal, waxaase la xusuustaa in sannadkii 2009 ay ku dhinteen 100-qof deegaan lagu magacaabo Molo oo ku yaalla galbeedka Kenya ka dib markii uu dab ka kacay booyad shidaal oo gadoontay.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories