HomeNAFTAADA BARO

NAFTAADA BARO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qof walba waxa qiimihiisa dadnimo kor u qaada oo uu isku arkaa inuu dadka agtooda miisaan ku leeyahay, hadba inta  uu ixtiraam iyo qaddarin ka helo dadka noloshiisa muhiimka u ah. Halka aad naftaada gaadhsiisana waxa ay marwalba ku xidhantahay, hadba inta aad ka filayso inay dadka kale ku gaadhsiiyaan. Marka aad rumaysantahay in dadka agtooda aad u ku weyntahay siday kuugu fikirayaan, qadarinta iyo aqbalaadda aad u haysaana way sarraynaysaa.  Habka kaliya ee aad shakhsiyad caafimaad qabta ku gaadhi kartaana waa adiga oo fahma naftaada iyo dareenka gudahaaga.

1.     Si aad si dhab ahugu hanato naftaada ama si aad iskaga joojiso/gudubto ka
warwarka wixii hore u dhacay, waa inaad naftaada wax uga sheegtaa hal qof, sida lammaanahaaga ama saaxiib aad kuugu dhow, adiga oo u sheegaya hal mushkilad oo dhib kugu haysa, ujeeddada aad ugu sheegaysaana waxa weeyaan inaad laabtaada ka saarto oo qof kale kula wadaago.

2.     Marka aad dareenkii ku gubayay u sheegto qof kale ayuunbaad noqonaysaa qof si fiican ugu haya dhibtiisa. Haddii qofkaa kale sifiican kuu dhagaysto , kuna dhalleecayn, waxna ku odhan, waxaaf fursad u haysataa inaad ogaato qofka aad tahay iyo sababta aad u samaynayso waxa aad samaynayso.

3.     Waa inaad naftaada ku aqbashaa sida ay tahay, meelo wanaagsan iyo meelo xunba leh, meelo aad ku liidato iyo meelo aad ku fiicantahay, oo aad leedahay dhammaan astaamaha banii aadanku leeyahay.  Marka aad naftaada dib u eegto ama si fiican ugu fiirsato, waxaad ogaanaysaa inaanad marnaba sida la doonayo wada ahayn. Haddaad taa ogaatana waxaad gaadhaysaa heer aad naftaada ku qanacdo kuna kalsoonaato sida Ilaahay, (ceeb ka nasahnaaye) u abuuray.

4.     Arrin kale oo muhiim ah ayaa iyaduna waxay tahay in qofku marwalba ku dadaalo hawlkasta oo uu hayo inuu xoogga saaro wixii togan(Positive)  iskana yareeyo afkaarta taban( negative).

Haddii aad naftaada soo qaadato, ka fikir bal waxyaabaha aad hibada u leedahayee aan cid kale lahayn, sida xirfad kuu gaar ah ama shay aad kalidaa awooddo inaad samayn karto. Arrintaas oo kale waa mid kaa dhigaysa qof dadka kale arrin kaa duwan, kuuna samaynaysa guul aad leedahay, ama shaqada dhankeeda ha noqoto ama noloshaada gaarka ah ha ahaatee.

5.     Ka fikir mustaqbalkaaga waxa kuu suurtagal ah iyo in awooddaada wax qabad aanay xad lahayn. Inaad samayn karto wax kasta oo aad is tidhaahdo same iyo inaad tagi karto meel kasta oo aad doonto inaad tagto, una baahanyihiin oo kaliya inaad hadaf ka dhigato, qorshe u samayso, kolba tallaabo qaaddo, sidii aad uga dhabayn lahaydna u tafaxaydato.

 

 

C/raxmaan Claahi Warsame

cbdrxmngeni@gmail.com

Hargeisa Somalilaan

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories