HomeNacaybka Somaliland: Wax ba dhawranmaynee Allow dhagaxyo soo daadi miyaa xaalku?

Nacaybka Somaliland: Wax ba dhawranmaynee Allow dhagaxyo soo daadi miyaa xaalku?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Duulka Soomaalida la yidhaahdo haddii ay Ilma Aadan yihiin wuxuu dhalay isaga oo gaboobay, jilbaha haysta oo asaasaq ah ayuu ku leeyahay ninka daaqadda maankayga dhinaca bari kaga taalla iga soo eegayaa. Wax uu la yaabo oo hadal gunaanadkaas keeni kara ka soo saaray ayuu daymooday, inuu qoraallada Cali X. Cabdalla(A.H. Abdulla) daalacday na waa u dhowdahay.

In qofku ra’yigiisa iyo wuxuu rumaysan yahay difaaco oo gaashaanka ula diyaar noqdo waa arrin la garan karo, haddii se warmahaagu birimageydada joogto ugu tallaabaan waxa kugu godan far mar walba goldalooladaada tilmaamaysa.

Cali wuxuu bisha Sebtembar lixdeedii weerar ku ekeeyay Shiikh Aadan Siiro, weerarkaas waxa ugu dhawaaq dheeraa isbarbardhigga iyo masaynta gaalka kitaabkii Quraanka ahaa gubay iyo wadaad Muslin ah, weli ba khabiir looga dambeeyo siiradii Nebi Muxamad(NNKHA) loo aqoonsan yahay. Gulufka Shiikha ku dhacay ku ma iman khudbaddii uu ka jeediyay qaadhaankii Somaliland looga ururiyay dadka abaaruhu ku halakadeeyeen Soomaaliya. Qoraaga ayaa taas inooga markhaati kacaya, difaaca Shiikhu u galo dalkiisa(Somaliland) ayaad fahmaysaa inuu ladh soo kicinayo.

Ladhkaasi haddii uu, sida qoraagu inaga dhaadhicinayo, daarran yahay difaaca midnimo Soomaaliyeed ama waxa loogu yeedho Jamhuuriyaddii Soomaaliya waxa keenay colaadda fog ee qof aad leedahay dhulkiisa uu goosanayo waannu wada leenahay la gaadhsiinayo inuu la siman yahay nin kitaabkii Quraanka gubay la ma fahmi karo, kollay anigu fahmi kariwaayay.

Lix iyo labaatankii bisha Sebtembar ayuu Cali X. Cabdalla soo rogaalceliyay mar kale. Bartii looga bartay ayuu ka miisay, weli ba kolkan baro sii dheereeyay. Sheekadu markan waa Mahiga iyo gabadh shaqaale u ah, xaflad iyo calankii Somaliland na waa ku lammaan yihiin. Wixii hore ba meelaha Somaliland lagu hadalhayo Cali uga biniixi jiray ayaa mar kale sidii Gaaraabidhaanka ugu bidhaamay. Tani se waa qadhaadh iyo raarah miidhan, in qoraagu meel fagaare ah oo haldoorkii Soomaali Maxamed xaadir yahay marta iskaga furo ma ahayn.

Khaliif Shiikh Maxamuud(AHN) wuxuu ahaa gabyaa weyn, halka laga raacay na way nu wada ognahay. Kolkii haddii dooddii midnimada, Soomaalinnimada, gobolkayga waan xoraysanayaa iyo arrimaha fariidnimada Soomaalidu isku mooddo ee ragganimada loo yaqaanno maqaamkooda qoraagu ka baxay oo hablo iyo arrinkooda galay gabaygii Khaliif lagaga kacay ka ma duwana.

“Marwadaad qabtiyo hooyadaa, laga masaalaaye.. Maxaa ceebta mooskaaga taal, magane kuu geeyay”, Dharbaaxo Jaan erayadiisii Khaliif daaduunshay ayay ka mid ahaayeen. Waxa aan fiirshay mareegta ku guntan maqaalka Cali ee inoo tilmaamaysa dhaanishka uu Mahiga ciyaarayo, waxa aan isha mariyay faallooyinka ku hoos qoran maqaalkaas iyo halka ay doodda ula fadkudiyeen.

Waxa kolkaas iiga dhurmay goobtaas in aan nafta Cali laba isku helin: rabitaanka midnimo ummadeed iyo toocsiga qayb bulshadii aad midaynaysay ka mid ah, weli ba heerka maqaalka dambe gaadhsiisan yahay ee in caarkii tilmaamahiisa lagu xarragoonayo la la shir yimi.

Qabso oo qofku waa xor; wixii uu doono ee maankiisu soo tuujiyo ayuu la shir iman karaa, Muslinka ayaad gaalayn kartaa sida Cali u simay Shiikh Aadan Siiro iyo ninka kitaabka gubayay, caarka ayaad qiimo ridi kartaa sida tiiqtiiqsiga inanta quruxdeeda mukur ahaan maqaalka labaad u tilmaamayaa muujinayso, waxaas oo dhan XOR baad u tahay.

Mid se xor uma tihid midnimada iyo mar ba maqluub iyo qumaati ta aad shaadhkeeda u xidhanayso, maaha diin ama mabda’a lagu takrifalo oo mar ba sida faalku adiga kuugu kacayo loo adeegsado. Maaha gabbood kolka aad sharaf iyo sumcad bulsho meel ka dhac ku samaysid aad odhanayso waxa ay dhantaalayeen midnimadii oo dheecaanka hibadoodu waa ii xalaal.

Ogsoonow in gobannimada dunta naftaada laga falkiyay ka muuqanayso sida aad u la dhaqanto bulshada kugu xeeran, xitaa haddii aad laan kasta oo nolosha geedkeeda ah ku muransan tihiin ama ra’yi ahaan aad ku kala duwan tihiin.

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK edleh@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories