HomeNabsi Jaceyl - W/Q: Faadumo Buuni

Nabsi Jaceyl – W/Q: Faadumo Buuni

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Waxay ii ahayd iyadu noloshayda dhammaanteed. Waxay ii horseeday wannaag dhammaantii. Markasta waxay ilaalin jirtay wadnahayga in aanuu dhaawac soo gaadhin. Noloshada gabi ahaanteedba way bedeshay. Ka hor iyada barashadeeda waan noolaa, nafina way igu jirtay balse maan ahaan jirin qof jooga haddana jiifa.

blankIimay ogolaan jirin inaan iyada dhiggeeda nolol la qaybsado waayo? Waxay ku kalsoonayd jacaylkayga balse maxay iigu taallaa? Waxan ka daynwaayey hagardaamo iyo handidaad, waxan ka dayn waayey “Cidkalaad la socotaa.” Waan rumaystay inay cid kale oon aniga ahayn xidhiidh la leedahay, balse waxay ahayd Male-Awaal wax uu ku dhisanyahay aanuu jirin. Anigaa Durmaan aan arki waayey meel laga garaacayo, raacay.

Xidhiidhkayagu wuxuu socday, 4 sano. Bulsho badan baa xidhiidhkayaga ogayd. Balse afartaa sanoba waxay iyada u ahayd inay haysato ninkii noqon lahaa, ubadkeeda aabbohood, kii ay dugsan lahayd dhaxanta iyo duufaanada xoogga badan. Kii daryeeli lahaa iyada iyo intay u dhashayba, kii u noqon lahaa, walaal iyo wehel, aabbo iyo ardaa la fadhiisto, adeer iyo aayo nololeed. Balse maxay ku taalaa aniga waxay ii ahayd dhuumaalaysi iyo dheeldheelin carruureed.

Intaan ballamiyo ayaan haddana u jari jiray, oon u sheegi jiray marka danbana been iyo balaayo aan la mahadin. Geeri aan dhicin baan u sheegi jiray, “Wiil aanu saaxiib nahay Ayeydii baa mardhawayd dhimatay.” Iyo wax aan dhaamin ayaan u sheegi jiray, halkaan dhinaca kale kaan ayeydiibaa dhimatay leeyahay aanu wada ciyaarayno oon la joogo! Markalena waxaan u sheegaa in Alleenkii gacantu (Mobile) uu biyo igaga dhacay deedna aan la ismaqlayn. Markalena waxaan u sheegi jiray inay Tuugi iga qaateenba oonan wax Alleen ah haysan. dhallinyarooy ba’. Haddaan beentaa muddo ku waday waxay go’aansatay inay ii soo iibiso Alleen si aanay codkayga marnaba u waayin si xidhiidhkayaga wax kastoo dhib u keenaya u joojiso. Jacaylooy ba’.

Waxan ilaabay inay tahay walaashay oo kale isla markaana ay la walaalo tahay nin sidayda oo kale ah. Waxan ilaabay in anigaba walaashay sidaa laga yeeli karo balse aanan u dulqaadan karayn inay marnaba sidaasi ku dhacdo. Hase yeeshee waanigaa maantaba walaashay qayrkeed aan beentaa u dhoobdhoobayo.

Inay qof aanad jeclayn uma soo jeedsatid, ilayn qof aanad doonayn ma danaysid. Balse aniga intaasoo keliya ma ahayne waxa ii dheeraa inaan ahaa Damiir laawe, aan wixii dantiisa ah aqoon, waxaan ahaa Doqon garanwaayey Dahab uu haystay inuu daryeelo. Waxan noqday nin ay qaadday dhallinyaranimo oo shalmad raaca tii dhaqaaqdaba daba gala. Sidaan u lahaa “Tani tay ma aha.” Ayaan is arkay anigoo dhulka ka tegay cirkana gaadhin. Waxan is arkay in aanan haysan Geed aan ku tiirsado, waxan is arkay anigoo Dheemantaydaan haystay ee dhib oo dhan iga ilaalin jirtay aan ka daldoorsaday. Waxan garan waayey goor aan ku idhi, “ Xidhiidhkeenna ma doonayo inuu sii xidhnaado.” Talo waa “Mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydee” Waxan xasuustay markay iyadoo ka murugoonaysa arrintaa iigu halcelisay, “ Nafsi Jacayl yaanu ku helin hadhoowna ha isqoomamayn.”

Waxa ka soo wareegtay kala maqnaanshihii aniga iyo Dheemantaydii muddo 2 sano ah. Midna mid lamuu xidhiidhin oo iyadu siday iila soo xidhiidhi miyey damiir laadahay sownigii anigu u jaray xidhiidhka! Balse Doqoniimadayda ayey ahayd. Maantaba meel aan iska soo qabto ma garanayo. Xidhiidh inay leedahay ma ogiye, lama guursan iyada. Maxay guursan, guurba way ka marooro dillaacaysaaye.

Dheeman waxay ahayd Marwo la isku daawado, marwo jecel wanaag oo dhan iyo inay dhaqato reer, marwo dhaldhalaanka adduunku u muuqan. Marwo aan danayn lacagta iyo hebel lacag ku raac. Balse waxay ahayd marwo tixgalisa nolol ku dhisan jacaylka, kalsoonida. Waxay ahayd marwo saldhigeeddu yahay Runta oo ka shaqaynin isku dirka dadka daryeel la’aanta dadka baahan. Maxayse iigu taalaa maantaan gartay arrinkaas oo garawsaday. Nafsi jacayl ayaa igu dhacay oon dhibtiisii dheefayaa. Dhallinyarooy ba’ inay talo iskuma kaa sheegto.

Dhammaad

W.Q: Faadumo Buuni
Hargeysa, Somaliland

Fiiro gaara: Sheekadani waa sheeko la iiga sheekeeyey isla markaana ku cabbiray qalinkayga

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories