Home“Nabaddu awooddii ay lahayd xukuumaddan maanta joogtaa ma galiso; nabadda dhaqaale ayaa…”...

“Nabaddu awooddii ay lahayd xukuumaddan maanta joogtaa ma galiso; nabadda dhaqaale ayaa…” – Ex-wasiir Duur

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi dusha ka saaray masuuliyadda wax-ka-qabasho la’aanta colaadda soo noq-noqota ee deegaanka Ceel-Afweyn, waxaanu ku eedeeyey inay ka gaabisay doorkii looga baahnaa inay ka gaysato dedaallada nabadeynta.

blankMaxamed Nuur Carraale oo soo qabtay Xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu ku baaqay in wada-jir looga hawl-galo xal-u-helidda colaadda soo noq-noqonaysa ee Beelaha deegaanka Ceel-Afweyn.

“La garan maayo guusha ay iska gaadhayaan aan ka ahayn dhiig, qax iyo burbur, way innaga hadhi wayday, inaynu sug maaha, waxaynu u baahannahay, inaynu is-weydiinno maxaa qaldan oo meeshani u bogsan wayday,” Sidaas ayuu yidhi Ex-wasiir Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo hadalkan ka jeediyey munaasibad kulmisay siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo shaqsiyaad kale oo maanta ku qabsoontay Hargeysa.

Mr Duur waxa uu isbar-bardhigay doorka ay ka qaadan jireen dedaallada nabadeed ee xukuumadihii dalka soo maray, waxaanu si gaar ah u tilmaamay in xukuumadda xilligan jirta ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka gaabisay doorkeedii nabadeynta.

“Nabaddu awooddii ay lahayd, xukuumaddan maanta joogtaa ma galiso; nabadda dhaqaale ayaa la gelin jiray, gurmad baa la gelin jiray, socod baa la gelin jiray, intiiba way maqan tahay. Intii shacabku waxaad mooddaa laba jeer ee culimada aynu dirnay inay ku eegtahay. Siyaasadna igama aha ee waxaan leeyahay aan ku darsanno dareennada jira,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Nuur Carraale (Duur).

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories