HomeNabad gelyada Somaliland,waa Deeq Rabbi innagu galaday,ee qof walawba Subxaanaw waa mahadaa...

Nabad gelyada Somaliland,waa Deeq Rabbi innagu galaday,ee qof walawba Subxaanaw waa mahadaa dheh – Eng Mohamed Farshaxan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Eng Mohamed AliMarka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba. Waxaan Allaha awoodda weydiisanayaa ,inuu innaga yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana,xaqa  u hiiliya, dulmigana ka fogaada.

Bal aan qaddar is dul taago , Rabbi hadduu qadarana aan wax ka idhaahdo   sababta & ujeedada aan u holaday Qalinkayga afka fiiqan ,ee ka madhan dharabta Qabyaalada , runta & waaqaca dhabta ahna, aan cidna uga aabo yeelin.

Nimcooyinka Rabbigeen (SWT) uu bixiyo,ee qasanadihiisa aan dhammaadka lahayn ceegaaga,lama soo koobi kaaro,maamulkooda & maareyntoodana,cidna kama talo galiyo.Nabad gelyadu,waxay ka mid tahay badeecadihiisa Qaaliga, een cuud & mood toona aanay kuu goyn karin,balse Alleh cidduu doona u fidiyo…Haddaba,anigoo Nabad gelyadaa Rabbi Somaliland siiyey ka duulaya, waxaan leeyahay ,qof walawba Subxaanaw waa mahadaa dheh.

Waxaan shaki ku jirin,in Nabad gelyada Jamhuuriyada Somaliland ka jirtaa,aanay waddamo badan oo caalamka ka mid ahi aanay haysan,kol ay ku tahay kuwa awooda buuran sheegta.Taana waxaa u daliila,  dhacdooyinka  dhiilada & murugada xanbaarsan , ee maalin walbba war baahintoodu soo gudbiyaan. Haddaba, Su’aashu waxay tahay,Dal xasiloonidii dalkiisa & dadkiisa u maaro waayey,inuu Dal kale Nabad galyadiisa wax ka sheego,miyanay ka dhignayn,”Maroodigu takarta saaran ma arkee ,kan kale takarta saaran ayuu arkaa.”

Midda kale,Waxaa cashar ugu filan,annagana sharaf &  karaamo noo ah, in   Madaxweynahayagu,
mudane, Mujaahid Axmed Maxamed Maxammud (Siilaanyo), iyadoo aanqori & taangi toona aanay hareer
socon,inuu tamashleeyo Caasimada Somaliland ee Hargeysa,shacabkiisana ku gacan qaado.
Bilaa caleek,miyaanan odhan karin ,waxay istaahishaa mahadhadii uu ka tagay Gabayaagii
weynaa ee Salaan Carabay,  uuna lahaa,” Waxba yaanu xeerkay i marin, xoolana i siine,
Xaasha’e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe.”

Aan u dhaafo, Shaqsiyaadka Nabad gelyada Dalka ka been abuura,saxaafadda beelaysan,
Abwaan isku sheegyada & dha dhamo raacyada ku qadhaabta Qaran dumiska,Qabyaaladda,bulsho kicinta,xaalad abuurka,una adeega cadawga Somaliland…waxaan iyaga leeyahay, Nabad gelyada & Qaranimada Somaliland abid liici mayso,Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo),waa Halyey Qaran,oo Dalkiisa & shacabkii soo doortayba, ay  cisi, sharaf & karaamaba u hayaan,ee qoomamo la’aada.

Intaan tawaada & qalinku isku idlaan, bal aan qormadan ku soo afmeero,Nabad gelyada Somaliland,waa Deeq Rabbi innagu galaday,ee qof walawba Subxaanaw waa mahadaa dheh,Dal kale iyo cid kale toona ,karaamadeena waxba uma dhimi karaan.

Waxaan idinku dhaafayaa,naftayda & tiinana Allah uga baryayaa,inuu xaqa ku sugo,khaatimadana kheyr ugu khatimo.

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories