HomeNaafada iyo Agoomaha Ciidanka Qaranka oo cabasho la hortagay Wasaaradda Gaashandhigga

Naafada iyo Agoomaha Ciidanka Qaranka oo cabasho la hortagay Wasaaradda Gaashandhigga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 05 March, 2012 (SLpost)- Qaar ka tirsan Naafada Ciidammada Qaranka iyo Aagggoomaha Ciidanka ee Somaliland ayaa maanta cabasho  la hortagay xaarunta Wasaaradda Gaashandhigga ee magaalada Hargeysa.

Naafada iyo Agoomaha Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa sheegay in mushahar iyo gunno  ay qaadan jireen laga jaray. Sidoo kale waxay tilmaameen inaanay ahayn markii ugu horreysay intii Xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo talada haysay ee ay dhawr jeer waayeen Mushaharka iyo gunnada ay qaadan jireen oo uu ka mid yahay Raashin.

“Maantana waxa la yidhi mushaharkii iyo raashinkiiba naafada iyo aggoomaha ciidanka qaranka waa la joojiyey.” Sidaas ayuu yidhi mid ka mida  dadkii Naafada ahaa ee cabashada la hortagay Wasaarada gashaandhiga Somaliland

Waxa kale oo isagauna  ka hadlay mid ka mid ah Aggoomihii cabashada Wasaaradda gashaandhigga la hortagay, waxaanu yidhi; “Dhammaan dadka halkan taagan waxaanu nahay dad Curyaamiina (baaralaysa) oo qaar ayaa lugaha go’aan iyo qaar dhulka jiifa oo waxa kale oo nagu jira qaar la Agoon ah oo Aabbayaashood Ciidammada ku dhinteen, xitaa dagaalkii ugu danbeeyay qaar ayaa Aabbayaashood ay ku dhinteen. Waxa dhacday in nalaga jaray raashinkii yaraa ee giraamka ee Ciidamadu ay qaadan jireen iyo mushahaarkii, oo waxaanu helnay arrin run ah, oo ah Ciidaamadu way qaateen raashinkii, markaa kaayagii xagguu ku maqan yahay ayaannu nidhi.?”

“Waxa la yidhi kiinii waa la jaray oo ma tihiin dad shaqeeya oo waxaad tihiin dad laga maarmay ayaanu u aragnaa u jeedada.Sidaaas ayuu yidhi mid ka mid ahaa dadkii iyagu Wasaarada gaashandhiga la hortagay Cabashada.” ayuu hadalkiisa raaciyey Ninkaa ka mid ahaa Naafada iyo Agoomaha cabashada la hortagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Geesta kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Cabdikariim Xaashi Cilmi oo maanta la hadlayay koox ka mid ah Agoomaha iyo Naafada oo cabashada la hortagay Wasaaradda, ayaa sheegay inaanu jirin wax mushahar ah oo laga gooyay, hase yeeshee maamulkoodii loo wareejiyay Hay’adda Abaabul-ka-saarka Qaranka ee NDC.

“Horta wax laga jaray lama sheegin ee waxa loo wareejiyay qorshe dawladeed sidaan ognahay waxa lagu wareejiyay meel la yidhaahdo NDC, mushaharkiina halkaas ayey ku lanahanayaan wixii ka danbeeya immika.” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaarada gashaandhiga.  “Rashaainka ay wax ka sheeganayaan haddii ay leeyihiin, haddii ay wax ka sheegeen raashinka laga jaray, raashin laga jaray ma jiro waxa loogu badalayaa lacag ahaan.” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarada gashaandhigga Somaliland Cabdikariin Cilmi.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories