HomeMuyuusigga Iyo Heesuhu Ma Xaaraan Baa? - Qaybtii Seddexaad

Muyuusigga Iyo Heesuhu Ma Xaaraan Baa? – Qaybtii Seddexaad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maxamed Cabdi daa'uudSheekh Maxamed Al-Qasaali isaga oo halkaas ku dhaafay xigashadii uu ka soo qaatay Ibnu Xasm, waxa uu yidhi:

“Ilaahay marna ma dhaleecayn qofka mar-mar u leexda ciyaarta, isaga oo ka nasanaya hawlaha cul-culus ee uu hayo. Waxba kuma jabna hadduu muslinku iska daawado bustaanada (ubaxa, midhaha iyo xareedda leh) si uu ugu raaxaysto, ama uu mararka qaarkood iska soo dal-xiiso. Waxaa xaqiiqo ah in heesuhu yihiin hawraar. Teeda sani san tahay, ta xunina xuntahay. Waxaa jira heeso lagu dambaabayo, oo la qaado habeeno laydhka layku dansaday isaga oo haddana walacda haya. Oo waxa keli ah ee aad maqshaa yahay xoolo ciyaya oo is roorsanaya iyo baahiyaha xaaraanta ah. Waxaa jira heeso si fiican loo guto, oo leh ujeeddo san. Kuwaas oo xadantaynaya jacaylka ama xammaasad diini ah (mid wadani ah) ama mid dagaalba”.

Sheekhu halkaas marka uu marayo waxa uu tusale u soo qaatay hees carbeed oo ay qaaddo Um-Kaltuun oo ah fannaanad u dhalatay dalka Masar. Waxaan jeclaystay in aan ku badalo kuwo Somaali ah. Matalamba waxa ay Somalidu ku maahmaahdaa “nin aad dhashay kuma dhalin”. Ujeedadu dhalis ma aha, ee waxay tahay; Sidaad u jeceshahay ubadkaaga iyagu kuuma jecla. Heesta Maxamed Mooge qaado, ee uu allifay Dr. Maxamuud Jirde oo xanaanada xoolaha ku takhasusay … Heestaas ayuu dhakhtarku jacaylkiisii gabadha ku mataalayaa kaas waalidka oo kale ee haddana ilmihiisii ka dhoohan yahay. Waatan heestii abwaanku;

Urugoodayoo, Aafo iyo ciil Igu urura oo. Adiguna kalgacal, Igu eegtayoo. Marka ayra geel, subaxdii ilmaa, laga eeridhabo, Sow uurka iyo Kashka kama ogoo, olol-reen ma dilo. Anna umal jacayl, sow ima hayoo, araggaa ma tebo, araggaa ma tebo.

Aniguba ifkani, aynigaa haween, kaa eegtayoo. Anfacada dartaa uma oonsadee. Geel jiray abaar, looga ooda rogo, marka ilo biya leh, lagu soo ag-furo, udug iyo ugbaad sow kama ushaan. Anna umal jacayl, sow ima hayoo, araggaa ma tebo, araggaa ma tebo.

Illeyn waa adduun, Waagii ifaba, indhaa ku raboo. Aayaha dambena, lama sii ogee. Ugxantiisa diin, Markuu aaso ee, awaaraha ku rogo, sow eegmadiyo, isha kuma korshoo, ubad uma noqdaan. Anna umal jacayl, sow ima hayoo, araggaa ma tebo, araggaa ma tebo.

Erayadaas luulka ah ee Dr. Maxamuud Jirdeh ka soo laliyay buurta Daalo, ee Maxamed Moogana codkiisii malabka ahaa ku tumay ceelka Hargeysa. … Billaahi calaykum! Miyaanu milmayn qalbigii dhagax dixeedka ahaa? Haddaba waa taas xikmadda abwaanku.

Mar kale, murtidii Xasan Ganay iyo Codkii Xasan Aadan bal ila eega;

Cashaduu ilaahay, cirka taagay udub li’i, ciidana ka dhigay gogol, wabiyada cartamayiyo, cidhifyada bad kaga xidhay, iyo buuraahaa culus, cimrigeed aduunyada, waxa jiray col iyo nabad, caydh iyo nin xoolo leh, iyo laba is caashaqay. Caawana kamay tagin, caynkaynu ku ogeyn. Adna calafka kuu qoran, cuuna seegi maayee, caashaqa ha baayicin.

Xalaytaba caweskii, Canabay daruuruuhu, cimidh bay ahaayeen, caawana lagu ma oga. Wakhtigii ku ciiliyo, cisigiyo wanaaguna, way is daba caraabaan. Waxaa kuu cadayn kara; caamiyaha indhaha la’. Iyo, ma ogtahay, curyaankaba, cago loo ma waayine. Caynkaa wax loo yidhi; kuwa cararayee ladan, inay ku cibro qataan. caashaqa ha baayicin.

Marka aan maqlo heestaas, waxa aan xusuustaa Quraanka Aayadda 32aad Suuradda Al-Nuur: “U guuriya doobabkiina iyo shabadihiina. Iyo kuwa dhawrsoon ee aad adoonsataan. Haddii ay caydh yihiin Ilaahay baa fadligiisa ku xoolayn doona. Ilaahayna waa ka wax og, ee isagu waasiciya (fakiya cidhiidhiga). Ha dhawrsadaan kuwa guursan kari waayaa (oo ha sugaan) inta uu Ilaahay Iyaga Xoolaynayo.”

Halkaas waxa ku jira ballan-qaad Ilaahay, haddii dhalinteena laga helo dhawrsanaan. Waxaanan filayaa inaad ila garateen xidhiidhka ka dhexeeya aayadaha Quraanka ah iyo heesta Af-Somaliga ah. Sidaas ayuu hadalka xumina marka lagu heeso u xun yahay, kiisa wanaagsanina u wanaagsan yahay.

Dhinaca kalena, sidaas ayaanay u jirin aayad ka tirsan Quraanka oo xaaraan ka dhigaysa heesaha iyo muusiga. Waxa sidoo kale ah Xadiiska Nabigeena Suuban . Ma jiro xadiis qudha oo lagu kalsoonaan karo oo fanka xaaraantimaynayaa.

Waxaan galiilyoodaa marka aan xasuusto hiddaha iyo hibada Ilaahay siiyay reer waqooyiga ee curinta maansada, xigmadda iyo hagidda dadyawga Afka Somaliga ku hadla. Markaan maqlo wadaad yar oo bayd-gaaba, oo afka ka kabeynaya abwaanadii. Aniga oo isleh, waar, malaha afkii baa juuqda gabay, ayaan isku maaweeliyaa Abwaan Hadraawi oo xadhkaha soo goostay oo u heesaaya hablaheena gobta ah iyo doorka wacan ay nolasha ku leeyihiin. … Bal ila eega farshaxanka murtidiisa ashqaraarka leh:

Ma geyoon ma gamashiyin, Ma gommodin ma gaagixin. Ma gabloobin maan gudhin, Mana gabin halkaygii, Gabaygiina maan deyn, Geeraarradaydii, Imminkaan gardaadshoo, Weli maan gunaanadin.

Murti nimaam gunteediyo, Baran gogol-dhiggeedoo, Gonda-degi aqoonoo, Garab-daar lahayn baa, Gawl-gawla hadalkoo, Kolba dhinac garoocdee. Sida Webi Ganaanoo, Cirka godollo maaloo, Biyihii ku gaaxdiyo, Gebiyadii ku soo degey, Ku darsaday gufaaciyo, Guullaama diriroo, Geli-jabay habeenkii, Kolba gacan ma soo rogay. Qudhaciyo galoolkii, Gunta xididka maw jaray, Dhulka wada galaal iyo, Gabbalaha ma kaga tegey.

Afartaa geddaydii, Dhaha laygu garan jirey. Gurmashada dagaalkiyo, Gulufkiyo colaadaha, Goobaha naf waagiyo, Halka laysku gawraco, Marka gorodda lays daro, Haddaan dumarku goonyaha, Guubaabo kicinayn, Sida galowga dhiilloon, Illayn geesi qayrkii, Birta kuma gumaadeen.

Gu´ hagaagay oo da´ay, Dhulka geedo jiifaan, Gurya-samo barwaaqa ah, Haddii geeddi lagu furo, Dhallinyaro is gurataa, Gurdan raaca fiidkii, Gole weyn ku kulantoo, Cagta garan-garteediyo, Isu geysa jiibtoo, Googooska luuqdiyo, Gedda sacabka loo jaro, Hablahaa u gaaroo, Garashada codkoodaa, Qof gaboobey kicisoo, Gelbiskiyo mashxaraddaa, Gama´kaa ilaashee, Haddaan gabadhi boodeyn, Illayn gegi ciyaareed, Wax ma dhaanto geeriyaad!

Haddaan guudka laga jirin, Gudihiisa xaabkiyo, Cayayaanka laga gurin, Marwo dumar garka u xidhan, Illayn guri dugsoon ma leh!

Gaadaha habeenkii, Kelidaa galgalashiyo, Ged-geddoonka dhalisoo, Adigiyo go´aagaa, Hadba dhinac u guuroo, Barkintaad gabbood iyo, Gaashaan ka dhigataa, Haddaan guud haldhaaley, Kolba gacan la saareyn, Illayn gogoshu wehel ma leh!

Kuma galo adduunyada, Ninna goonni-socodkoo, Marwo garasho dheer baa, Ninka raga u gudinoo, Iyadaa guddoonkiyo, Gadh-hayaa naftaadiyo, Gaadiidka reerkiyo, Gurgurshaaga noqotoo, Arrin kula gorfaysee, Haddaan gaari kula jirin, Illayn noloshu guul ma leh!

Gocashada xanuunka leh, Waxaan uga gol leeyahay, Go’i waa barbaareey, Haddaad gabadh caddaaniyo, Dhulka gaalo keentaan, Midaan kuu garaabayn, Dhibta kaa gargaarayn, Xilka kaala gubanayn, Gacal haddaad ka dhigataan, Guumays shisheeyaa, Haddaad gacanta qabataan, Hablaheenu guur iyo, Gayaan yay ka sugayaan?!

Gocashada xanuunka leh, Waxaan uga gol leeyahay, Go’i waa barbaareey, Gobi waxay ku dhaqantaa, Garab waxay ka dhigataa, Gallad waxay ku dheeftaa, Samo waxay ku gaadhaa, Gololladaa haweenkee. Hiddaheena gaarka ah, Hablihii gabowgiyo, Geerida ku sugi jiray, Hablihii garayskiyo, Xidhan jirey guntiinada, Hablihii gu’ iyo dayr, Sida baarqab golongolay, Dhexda xadhig ku goyn jirey, Hablihii garaaraha, Gaatan-socodka laafyaha, Sida gorayga ciideed, Gelbin jirey tallaabada, Hablihii gun iyo baar, Isha gacalo-eegtaa, Gama’ aanay ledi jirin, Hablihii guhaadiyo, Qarsan jiray gaf mooyee, Hablii talada guunkiyo, Gunti jirey xishoodkee, Hadalkoodu gaabnaa, Hadday godollo soomaan, Ama gaajo liitaan, Cidi aanay garan jirin, Hablihii gammaan faras, Iyo geela ugubka ah, Guur-doon ka bixin jirey, Hablihii Gargaariyo,Guuleed ku curan jirey, Goldaloolo iyo ceeb, Hablihii ka guban jirey, Hablahaan gankoodiyo, Hilbahooda gadi jirin …, Haddii aad gujeysaan, Guul guul ku laysaan, Godol qudha ku mooddaan, Gabbalkooda dumisaan, Hadba tooda goosha ah, Ganacdeeda jabisaan, Dadku gabanna xooriyo, Garracyaley yidhaahdaan, Inagoo gumowniyo, Dhaqan guurey weeyee!

Gocashada xanuunka leh, Waxaan uga gol leeyahay, Godob aabbe falay baa, Ubadkiisa gocondhiyo, Gumar shidan ku noqotoo, Gebi dheer ku dumisee. Ninka inan ma geyda ah, Golqaniin ku maalee, Gurrac kaga danaystow, Waxaad gaaxsanaysiyo, Gashigaad cunaysiyo, Xumahaad geleysaa, Ruuxay ka go’an tahay, Gabadhaada weeyee, Gefka aad falaysiyo, Waxaad geysanaysaad, Galab kale ka sheekeyn!

Afartaa garaariyo, Gaashooyin mariyee, Waxaa iga gunaanada, Gabigeed adduunyada, Gobol-gobol u qaadoo, Hablo weerar geli kara, Hablo geela dhicin kara, Hablo geesi dili kara, Gobonimana hanan kara, Hablo talada goyn kara, Garta madal ka niqi kara, Garashana iskaga mida, Quruxdana ka wada gob ah, Geesteena mooyee, Gayi kale ma joogaan.

Haddaba, wakaa Hadraawi, ee ma macneeyay diinta iyo dhaqankeena guunka? Allay leh ee Haa! Sidaas marka aan leeyahay, ma jecli dhalinteenu inay ku hadaaqaan heesaha Maykal iyo Madoona. Mana jecli inay noqdaan saaray ku waalan heesaha iyo muyuusiga. Xataa cuntada, haddaad badsato ayaa xaaraan ah. Waxaan door bidayaa hablaha iyo inamada Quraanka xifdiyay ee waliba macnihiisa dhuuxay. Immikase aan u kacno oo aan u hiilino hoobalada uu wahabku foolay, ee yaayuulka ku asqoobay, ee laga fadhataystay Tiyaatarradii iyo guryihii fanka ee ay ku lahaayeen magaalooyinka waawayn. Aan karaamayno hal-abuurkeena. Kuwaas oo Ilaahay mooyee gargaar maamuus ka sugaya ummaddeena.

Wa Billaahi At-Tawfiiq.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories