HomeMuxuu yahay Xilka Dowladda Jabuuti u magacowday Orodyahan Mo Farah?

Muxuu yahay Xilka Dowladda Jabuuti u magacowday Orodyahan Mo Farah?

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Djibouti (SLpost)- Orodyahanka u dhashay dalka Ingiriiska, asal ahaanna ka soo jeeda Somaliland Mo Farah, ayaa loo magacaabay Safiirka Wakaaladda Dekadaha iyo Aagga Cashuurta ka Xorta ah ee dalka Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa magacaabista Xilkan Shaacisay Jimcihii la soo dhaafay oo taariikhdu ku beegnay 9-kii bishan October oo madaxweynaha dalkaasi xadhigga ka jaray mashruuc lagu horumarinayo Dekedda weyn ee dalka Jabuuti, taas oo laga dhigayo Aag Cashuuta ka xor ah.

blank

“Waxaanu ku faraxsanahay in uu Mo Farah nagala soo qeyb-galo xaflada lagu daah furayo dib u cusbooneysiinta Dekeda Jabuuti. DPFZA (Djibouti Ports & Free Zone Authority) waxay ku faraxsan tahay in Sir Mo uu noqdo safiirkayaga cusub oo aan rajeyneyno inaan iska kaashano mashaariicda mustaqbalka” . Sidaas waxa lagu sheegay qoraal uu weheliyo Sawir ay wada-jir u galeen madaxweynaha Jabuuti iyo Orodyaha Mo Farah oo ay weheliyaan masuuliyiin kale, kaas oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ee wakaalada Dekedaha iyo Free Zone-ka Jabuuti isla maalintii ay qabsoontay xafladda Daah-furka mashruuca ballaadhinta dekedda Jabuuti.

Maalin kaddib munaasibadda daah-furka mashruucan oo ku beegan 10-kii bishan October, ayaa qoraal lagu baahiyey barta Twitter-a ee DPFZA, ayaa lagu xusay qado-sharaf ay Wakaaladdu u samaysay Mo Farah si loogu dabbaal-degayo xilka safiirnimo ee loo magacaabay Mo Farah.

blank“DPFZA waxay maata soo agaasintay qado-sharaf lagu weyneynayo safiirkayaga cusub, Mo Farah. Xidhiidhka u dhexeeya Jabuuti iyo Sir Mo Farah waa mid qoto dheer, waxaananu ku hanweynahay inaan si wada jir ah uga wada-shaqeyno inaan soo bandhigno kheyraadka Afrika.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka lagu baahiyey barta Twitter ee Wakaaladda Dekedaha iyo Aagga Cashuurta Xorta ka ah ee Jabuuti.

Warbaahinta Caalamka qaarkood oo ka faallooday warkan, ayaa arrin xiiso dheeraad ah ku lammaan tahay ku tilmaamay in Orodyahan Mo Farah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland uu noqdo Safiirka Dekedda Jabuuti oo tartan kula jirta Dekedda Berbera oo dhowrkii sanno ee u dambeeyey laga wado dib-u-ballaadhin iyo Casriyeyn ay ka wadday shirkadda DP World oo maalgeshi ballaadhan ku samaysay.

Qorshaha Horumarinta Dekedda Jabuuti, ayaa la mid ah Mashruuca horumarinta Dekedda Berbera oo yeelanaysa Aag Cashuuraha ka xor ah, kaas oo ah Suuq Ganacsi oo bilaa cashuur ah.

blankXilka Safiir-sharafeedka ayaa ah inuu qofku hay’ad ama shirkad danaheeda gaarka ah ugu metelo fagaarayaasha Caalamka, iyadoo laga faa’idaysanayo magaca iyo sumcadda uu dunida ku leeyahay.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa Jimcihii la soo dhaafay daah-furay mashruuc lagu horumarinayo Dekedda Jabuuti oo la qorsheeyey in laga dhigo Suuqa Ganacsi ee ugu weyn Bariga Afrika, sida ay sheegtay Wakaaladda Dekedaha Jabuuti.

Ma jiro war ka soo baxay Orodyahan Mo Farah oo uu ku xaqiijiyey inuu masuuliyadda Xilkan u qaaday Dowladda Jabuuti.

Somalilandpost.net

contact@somaliladpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories