HomeMuxuu Yahay Ololaha Lidka Ku Ah Heshiiska Ethiopia ee Gudaha Somaliland Ka...

Muxuu Yahay Ololaha Lidka Ku Ah Heshiiska Ethiopia ee Gudaha Somaliland Ka Socda? – WARBIXIN

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gudaha Somaliland waxa ka socda olole ka dhan ah heshiiska iskaashi ee dhexmaray Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Dowladda Ethiopia, waxaana la tuhunsan yahay inay Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaysa dalal shiisheeye ay gacan ku leedahay ololahan oo loo adeegsaday shaqsiyaad u dhashay Somaliland.

Dowladda Soomaaliya oo taageero dhaqaale ka helaysa qaar ka mid ah dalalka Bariga Dhexe, ayaa bilowday olole sal-ballaadhan oo ay ku car-qaladaynayso heshiiska is-faham ee dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.

Ololaha Dowladda Soomaaliya oo isugu jira dacaayado laga faafinayo hesiiska iyadoo la adeegsanayo warbaahinta kala duwan iyo Lacago tiro badan oo la sheegay inay bixiyeen dowladaha Qatar iyo Masar, si lagu ogaaday xogo laga soo xigtay ilo-wareedyo ka ag-dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Dagaalka ka dhanka heshiiska Ethiopia iyo Somaliland oo ay taageerayaan dowlado samayn ku leh mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaalida, ayaa la sheegay in loo adeegsanayo shaqsiyaad magac leh oo u dhashay Somaliland, kuwaas oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Xogtani waxay sheegaysaa inay jiraan lacago laga soo dhex-mariyey Shaqsiyaad isugu jira Culimo iyo Siyaasiyiin ku sugan gudaha Somaliland, kuwaas oo durba ka hawl-galay sidii ay u kicin lahaayeen bulshada isla markaana u gaadhsiin lahaayeen hawsha loo wakiishay.
Barnaamijkan lagaga soo horjeedo heshiiska Ethiopia iyo Somaliland, ayaa bilowgooda la dareemay Jimcihii shalay, iyadoo gudaha dalka laga dhaq-dhaqaaqjiyey madax-dhaqameedka, siyaasiyiin iyo warbaahin arritan si taban uga Hadlay.

Ololaha laga bilaabay gudaha Somaliland oo isugu jira mucaaradad laga soo horjeedo iyo dacwaayado laga faafiyey heshiiska Ethiopia oo warbaahinta la mariyey, ayaa daba-socday khudbad dheer oo madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud Jimcihii shalay kaga hadlay heshiiska.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo Khamiistii dalka dib ugu soo laabtay kaddib Socdaal maalmo qaatay oo uu ku tagay dalka Ethiopia, waxa uu sheegay in heshiiska Somaliland iyo Ethiopia ka kooban yahay 11 Qodob, waxaanu ballan-qaaday inay xukuumad ahaan sharciga u marayaan dhammeystirka heshiiska iyagoo marka ay diyaariyaan horgeyn doona Goleyaasha Sharci-dejinta.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Ethiopia wada-gaadheen heshiis is-faham oo Dowladda Ethiopia lagaga kiraynayo dhul-xeebeed cabbirkiisu yahay 20km muddo 50 sanno, taas beddelkeedana Ethiopia noqonaysa dalka u horrreeya ee aqoonsada madax-bannaanida Somaliland.

Marka laga yimaaddo hadalka madaxweynaha. waxa Khamiistii iyo ilaa Jimcihii shalay bilaabtay olole ay gudaha dalka ka wadaan shaqsiyaad u dhashay Somaliland oo fasiraad hadalka madaxweynaha ka duwan ka sheegay heshiiska, iyagoo feker ahaan ay is-shabahaan aragtida madaxda iyo siyaasiyiinta Somaaliya kaga fal-celiyeen heshiiska.

In kasta oo sharciga u dejisani dambiile u aqoonsanayo muwaadin kasta oo ka soo horjeesta Danaha Qaranka, haddana waxa suurto-gal ah inuu gudaha dalka ku sii xoogaysto duullaanka dibadda laga hagayo ee ka dhanka ah heshiiskan Ethiopia, kaas oo kacdoon majaro-habaabin ah ka dalka ka abuuri kara haddii aanay xukuumaddu qaadan tallaabada ku haboon.

By Somalilandpost Media Inc.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories