HomeMuxuu Yahay Heshiiska Dhexmaray Ururka AAOIFI iyo Baanka Dhexe ee Somaliland Oo...

Muxuu Yahay Heshiiska Dhexmaray Ururka AAOIFI iyo Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Shirweyne Caalami ah Lagu Marti-qaaday?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Manama (SLpost)- Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Md Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa dalka Bahrain Kaga qaybgalay Shir ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen Baanka Dhexe ee waddanka Bahrain, Ururka AAOIFI iyo Baanka Horumarinta Islaamka.

Shirka oo 27-kii bishan November oo ku beegan Axaddii shalay ka furmay caasimadda dalka Bahrain ee Manama, waxa ka qayb-galay ergooyin tiradoodu ku dhaaftay 500 oo ka kala socday hay’adda maaliyadda ee dalalka xubnaha ka ah ururka AAOIFI oo ay ku midan yihiin hay’adaha maaliyadda ee 45 waddan.

Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa si buuxda uga mid noqday Ururka AAOIFI (The Accounting and Auditing Organisation for Islamic Financial Institutions) oo soo saarta Hagayaasha halbeega u ah hay’adaha maaliyaddeed ee ku shaqeeya shareecadda Islaamka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland, waxaanay xubinimada Somaliland ee Ururka AAOIFI ku timi kaddib markii Baanka Dhexe ee Somaliland Buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Xubinimada Somaliland ee ururka AAOIFI ayaa lagu hirgeliyey heshiisyo laba geesood ah oo dhexmaray labada dhinac, waxaana sida war-saxaafadeedka lagu sheegay heshiisyadani u kala baxayaan laba qaybood oo ku kala saabsan dhinacyada iskaashiga iyo Waxbarashada.

blank“Intii uu shirku socday, waxa uu Baanka Dhexe ee JSL heshiisyo kala duwan la galay Haayadda AAOIFI kaas oo kale ahaa:

Heshiiska Koowaad

  1. In Baanka Dhexe JSL uu noqdo Goob lagu galo Imtixaanada Fellowship Programs-ka ay bixiso Hay’adda AAOIFI si loo kobciyo dhanka aqoonta sida:
  • CSAA (Certified Sharia Advisor and Auditor)
  • CIPA (Certified Islamic Professional Accountant)
  • CPFAS, (Certified Proficiency in Financial Accounting Standards).

Heshiiska Labaad

  1. In Ha’yadda AAOIFI la dhisto Baanka Dhexe JSL Guddida Culimada (Central Sharia Supervisory Board) ee uu yeelan doono Baanka dhexe
  2. In Baanka Dhexe JSL iyo Hay’adda Calaamiga ah ee AAOIFI iska kaashadan dhinaca cilmi baadhista.
  3. In hay’adda caalamiga ee AAOIFI ay u qabato barnaamijyo kor loogu qaadayo tayada Shaqaalaha Baanka Dhexe.” Sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland.

Shirweynahan ay wada-jirka u qabteen ururka AAOIFI iyo Baanka Horumarinta Islaamka (IsDB) oo noqonaya kiisii 17aad oo Isniinta maanta lagu soo gebo-gabeeyey caasimadda Manama ee boqortooyada Bahrain, waxa ka qayb-galay inta badan guddoomiyeyaasha Bangiyada Dhexe ee dalalka Islaamka, wakiillo ka socday hay’adaha maaliyadda ee ku shaqeeya shareecada Islaamka iyo 15 urur-goboleed oo wada-shaqayn la leh Ururka AAOIFI oo ka shaqeeya Horumarinta Culuumta Xisaabaadka iyo Hanti-dhowrka ee Waafaqsan Shareecadaha Islaamka.

blankUrurka AAOIFI oo xaruntiisu tahay caasimadda Manama ee dalka Bahrain, ayaa Sannadkii 1990-kii lagu aasaasay dalka Algeria, waxa uu dhiirrigeliyaa isla markaana kobciyaa Aqoonta shareecada Islaamka ee ay ku shaqeeyaan hay’adaha maaliyadda ee Islaamiga ah.

Ururka AAOIFI oo ay xubno ka yihiin hay’ado maaliyadeed oo ka hawl-gala 45 waddan, ayaa ka shaqeeya horumarinta culuumta Xisaabaadka iyo Hanti-dhowrka ee waafaqsan Shareecada Islaamka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories