HomeMuxuu Xisbiga WADDANI kaga qayb-qaatay Taakuleynta iyo Gurmadka Abaaraha Gobollada Bari?

Muxuu Xisbiga WADDANI kaga qayb-qaatay Taakuleynta iyo Gurmadka Abaaraha Gobollada Bari?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Burco (SLpost)-  Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo isaga iyo weftiguu hoggaaminayaa ay socdaal ujeedkiisu yahay gurmadka Abaaraha deegaanada bariga Somaliland u joogaan magaalada Burco, ayaa ka hadlay qaadhaan raashin ah iyo deeqo lacageed oo biyo dhaamis ah ba ku wareejiyey guddida abaaraha heer qaran ee Xisbiga WADDANI, waxaana uu sheegay in abaaraha ka jira deegaanada barigu ay yihiin kuwo mudan in mucaarad iyo muxaafad ba si wada jir ah looggu gurmado isla mar ahaantaana ka Xisbi ahaan ay wixii taageero iyo taakuleyn ba ah soo gaadhsiinayaan guddida Abaaraha heer gobal iyo heer qaran ee Somaliland.

108a9029Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta la hadlay ka dib kulan ay wada qaateen badhasaabka Gobalka Togdheer iyo guddida abaaraha Somaliland, waxa uu sheegay inaanay xisbi ahaan xukuumadda kula tartami karin bixinta qaadhaanka loogu gurmanayo gobollada Abaaruhu saameeyeen ee Bariga dalka.

“Waxaana aanu halkan u nimi in aanu xogogaal u noqono xaaladda ba’an ee abaaraha gobalka oo aanu doonayno in aanu dareenkaa la qeybsano shacabkayaga wixii taakulo ah ee Tamar ah ee Xisbigu awoodo na ka geysto, ujeedada aanu halkan u nimi waa xaaladdaa ba’an ee abaarta ee ka taagan goballada bari gaar ahaan gobalka Togdheer, gobalka Sanaag iyo gobalka Sool ba, markaa Xisbi ahaan waxa aanu go’aansanay in aanu xog-oggaal na u noqono wixii taakulo ah ee taageerayaashiisu soo ururiyeena aanu kaga qeyb-qaadano oo aanu ku wareejino guddida abaaraha heer qaran iyo guddiyada ka dhisan goballada,” ayuu yidhi Md Cirro, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “markii aanu la xidhiidhnay ee aanu xog waraysanay guddida iyo maamulka gobalka ba si fiican bay nooggu xog warameen, waxa kale oo aanu la xidhiidhnay guddidii abaaraha heer qaran ee Somaliland, guddidii abaarahu waxa ay soo wakiisheen badhasaabka gobalka Togdheer oo reer Burco u bixiyeen Qabyo-tire, anagu na magacaas waanu la qaadanay oo odey Qabyo berigii hore saaxiib baanu ahayn isku xisbi na waanu ahayn intii aanu KULMIYE galin, runtii aniga oon hortiisa uun ka lahayn gobalku aad bay u qiimeeyeen shaqaddiisa, anna shaqaddaas badan waan ku oggaa markaanu isku xisbiga ahayn, waana u mahadnaqaynaa badhasaabka gobalka Togdheer,” sidaas ayuu Md Cirro.

Isagoo ka hadlayay xaddiga qaadhaanka ay xisbi ahaan ka geysteen taakuleynta Abaaraha, waxa uu yidhi, “Markii aanu la xidhiidhnay guddidii abaaraha heer qaran waxa ay soo wakiisheen badhasaabka gobalka Togdheer, deeq yar oo aanu sidnayna waxa aanu u nimi aanu ku wareejino badhasaabka, deeqdaas na waxa aanu ugu tallo-galnay saddex gobal oo ah goballada Togdheer, Sanaag iyo Sool ba, dhammaan goballadii ka farcamay gobaladdaasna waa ay ku hoos jiraan. Deeqda aanu maanta halkan ku wareejinaynaa waxa weeye 2000(Laba Kun oo Dollar) oo Kiish oo Raashin ah iyo 100(Boqol) Booyaddood oo biyo ah, Rasiidhka lagu soo raraayo Raashinka waa kaa iga guddoomay Badhasaabku, waxa kale oo aanu biyaha ugu tallo-galnay $20,000(Labbaatan Kun oo dollar), Labbaatankaa Kun ee dollar ee biyaha aanu ugu tallo-galnayna waxa aanu ku wareejinay iyada na badhasaabka.”

“Waxa kale oo aanu doonaynaa in aanu saddex siyood aanu uga qeyb-qaadano abaaraha, qeybta koowaad waa qeybtaa aan wareejiyey ee ah qeybta Xisbiga WADDANI oo laga soo ururiyey dad khayr qaba oo halkan aynaan magacyaddooda oo dhan ku sheegi karin oo taageerayaasha gobalka ah. markaa qeybta kale waxa weeye maamuladda goballada oo aanu u xil saarnay iyagu na isu xilqaameen in ay taakuleyn kaga qeyb-qaataan abaaraha Somaliland, wixii ay iyagu na ururiyeen waxa aanu ku wareejinaynaa guddida gobalka oo ah deeq dhan 100 kiish oo raashin ah(Boqol Kiish),” Sidaas ayuu yidhi Md Cirro.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories