HomeMuxuu Xidhiidhka Cusub Ee Nairobi Iyo Muqdisho Yeeli Karaa Heshiiskii Dhexmaray Somaliland...

Muxuu Xidhiidhka Cusub Ee Nairobi Iyo Muqdisho Yeeli Karaa Heshiiskii Dhexmaray Somaliland Iyo Kenya?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Soomaaliya, ayaa Khamiistii Shaacisay inay dib u soo celisay xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee ka dhexeeyay Dawladda Kenya, kaasi oo ay hore u goysay Dawladda Muqdisho.

Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa xidhiidhka Kenya goysay Sannadkii hore Dabaqayaadiisii, ka dib markii ay ku eedaysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sidoo kalena ay uu cuslaaday kiiska badda ee labada dhinac ka dhexeeya.

Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta Kenyatta
Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta Kenyatta

Xilligaasi, Dawladda Soomaaliya waxay Muqdisho ka eriday Safiirkii Kenya u joogay, halka u yeedhatay Safiirkii u joogay Nairobi.

Laakiin, Khamiistii oo Taariikhdu ahayd 6-da bisha May, 2021 ayay Dawladda Muqdisho ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, ka dib markii sida ay sheegtay ay ku heshiiyeen inay is ixtiraamaan.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa isagoo arrintaa faahfaahinaya wuxuu yidhi “Labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dal, iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.”

Laakiin, Warka ah in Dawladda Soomaaliya soo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, iyadoo sheegaysa inay ku heshiiyeen in la ilaaliyo Midnimada dhuleed ee labada dal, ayaa waxay arrintaasi ku soo beegmaysaa xilli aanay Dawladda Kenya fulin heshiis ay la gashay Somaliland, kaasi oo ay ka mid ahayd inay Xafiis Wakiileed ka furato Magaalada Hargeysa, isla-markaana masuuliyiinta Dawladdu ay Baasaaboorka Somaliland ku tagaan Kenya iyo arrimo kale oo ay ka mid ahayd in diyaaradaha Kenya ay duulimaadyo ka bilaabaan Hargeysa.

Dadka qaarkood ayaa hore u qabay in Kenya sababta ay Somaliland heshiiska noocaas ah ula gashay ahayd inay ku cadaadiso Dawladda Soomaaliya, kuwaasi oo hadda shaki ka muujinaya in ka dhabayso fulinta heshiisyadii ay la gashay Somaliland, maaddaama oo ay Soomaaliya kula heshiisay in la ilaaliyo waxa loogu yeedhay ‘Midnimada dhuleed’, kaasi oo u muuqda in Soomaaliya kaga hor-tagayso xidhiidhka Kenya la samaynayso Somaliland.

@Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories