HomeMuxuu Xaaji Cabdi-waraabe ka yidhi in go’aankii Guurtida mid ka duwan ka...

Muxuu Xaaji Cabdi-waraabe ka yidhi in go’aankii Guurtida mid ka duwan ka soo baxo Wada-hadallada u socda Mucaaradka iyo Xukuumadda?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

cabdiwaraabeHargeysa (SLpost)- Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaa xukuumadda iyo Mucaaradka ugu baaqay inay xal kama dambays ah ka gaadhaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay Go’aanka Golaha Guurtidu muddo-kordhinta ugu sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada, waxaanu soo jeediyey in laga heshiiyo isla markaan si toos ah loo abbaaro qodobka laysku hayo ee khilaafku ka taagan yahay.

Xaaji Cabdikariim oo ka hadlayey wada-xaajoodka u dhexeeya Xukuumadda iyo Mucaaradka oo uu ku tilmaamay tallaabo ka tarjumaysa Isu-tanaasulka iyo wada-xaajoodka looga bartay Somaliland xilliyada ay yimaaddaan khilaafaadka siyaasadeed, waxa uu sheegay in xaaladda siyaasadeed Somaliland cidhiidhi ku jirto xilligan, isla markaana loo baahan in xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ahi isu-tanaasulaan isla markaana heshiis ka gaadhana khilaafka jira.

“Gogosha uu madaxweynuhu mucaaradka u fidiyey wuu ku mahadsan yahay, Xisbiyada mucaaradka ee aqbalayna way mahadsan yihiin, waa dabeecaddii laynagu yaqiinnay. Muranku waa imanayaa, waase inaan lagu kala tagine, waa in la wada-hadlaa. Maantana meel cidhiidhi ah baynu maraynaa, waxaan idinku wacdidayaa si wanaagsan haloo heshiiyo oo isu tanaasula, annaguna guurti ahaan xukunka aanu ridnay mid aanu xaq u lahayn buu ahaa; in Guurtidu meesha ka baxdo iyo in qalinkeedu soo galo, labadaas uun weeyi,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariim oo maanta magaalada Hargeysa ugu warramayey telefishanka Royal.

Xaaji Cabdikariim oo ka hadlayey haddii wada-xaajoodka Xukuumadda iyo Mucaaradku laga soo saaro heshiis burinaya go’aankii Golaha Guurtida, waxa uu ku jawaabay, “Waa la heshiin doonaa, siday u dhigaan madaxweynaha iyo qoladaasi ayay u socon doontaa, annagu goynay (Go’aanka Muddo-kordhinta) oo way na dhaaftay,” Sidaas ayuu yidhi Xaaji Cabdikariim Xuseen.

Xildhibaan Cabdikariim Xuseen waxa uu sheegay inaanay beesha caalamku oggolayn madax-bannaanida iyo dowladnimadam, sidaas awgeed loo baahan yahay inaanay khilaafyada siyaasadeed waxyeelayn dhismaha dowladnimo ee Somaliland. “Caalamku ma oggola inaynu dowlad noqonno, waxba yaan laysku qarin. Iyagaa gacanta ku haya Koonfur (Soomaliya), iyagaa gacanta ku haya ictiraafkeennii. Xagga Illaahay bay ka iman doontaa kolka caalamku ina ictiraafayo, caalamku danteenna ma wado ee Illaahay baa danteenna wada, laakiin waa inaynu gobonimadeenna ilaashanaa, innagaa gacanta ku hayna oo laynoo yeedhin maayo dowladnimadeenna, wixii ina dhexmara waa inaynu hadal iyo isu-tanaasul ku dhammaysanaa, dowladdeenna raggaasaa u madax ah, madaxdeenniyeey haddaad isu tagtaan, heshiiya oo wanaajiya hadalka oo abbaara halkuu hadalku yahay,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariim.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories