HomeMuxuu Wasiirka Beeraha Somaliland kala soo Guryo-noqday Safarkii Dalka Turkiga?

Muxuu Wasiirka Beeraha Somaliland kala soo Guryo-noqday Safarkii Dalka Turkiga?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Muumin Seed oo Safar ugu maqnaa Dalka Turkiga, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

 

Wasiir Seed oo uu safarkiisa Turkiga ku wehelinayey Madaxa Mashruuca Wajaale ee Wasaaradda Beeraha Somaliland, ayaa waxa Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyay Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha oo uu hoggaaminayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Dr. Axmed Cali Maax.

mumin seed

Wasiir Seed oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Dalka, ayaa markaa ka dib Saxaafadda yu faahfaahiyey Guulaha Somaliland uga soo hoyatay Safarka uu ku tagay Dalka Turkiga oo uu kaga qayb-galay Bandhigga Carwo Sannad leh oo lagu soo bandhigo Agabka loo adeegsado Wax soo-saarka Beeraha iyo Xoolaha, Bandhigaasi oo markii uu dhamaaday uu Wasiirka iyo Masuulka la socday uu kulamo la yeeshay Madaxda Dawladda Turkiga Qaarkood.

 

Wasiir Seed oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Turkiga waxaanu kaga qayb-galnay Carwada Afraad ee ugu weyn Dalka Turkiga oo la nagu marti-qaaday, taasi oo ka dhacday Magaalada la yidhaahdo Ismiir, Carwada si wanaagsan oo milgo leh ayaa la noogu soo dhaweeyay, waxaanu ka soo baranay Saaxiibbo badan maaddaama oo Turkigu yahay waddamada dhanka Wax soo-saarka ugu horreeya. Turkigu 2012-kii wuxuu ahaa waddanka 7-aad ee ugu wax soo-saarka badan, sannadkii 2016-kiina uu noqday waddanka labaad ee ugu badan wax soo-saarka.”

soo-dhawaynta

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Carwadu markay noo dhamaatay waxaanu u kicitinay Magaalada Koonyo oo ah Magaalada ugu badan dhinaca Warshadaha, halkaa waxaan kula kulmay Madaxa Shirkadda ugu weyn Shirkadaha Qalabka Beeraha soo saara, ahna Masuulka ugu sareeya Wasaaradda Beeraha oo aanu si wanaagsan u wada-hadalnay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray

 

“Waddanka Turkigu waa Waddan danaynaya Somaliland inaynu xidhiidh badan yeelano, waana waddan horumar badan ka gaadhay xagga beeraha oo ku dayasho mudan. Waxaanu ka qayb-galnay Xaflado badan oo Wax soo-saarka Beeraha lagaga hadlayey, Turkiguna waa Waddan oo ka mid ah Waddamada xilligan lagaga daydo Xagga Wax soo-saarka.”

soo dhaweynta muumin

Wasiir Axmed Muumin Seed waxa kale oo uu sheegay Qorshaha Wasaaradda Beeraha ee Mustaqbalka dhow iyo faa’idooyinka uu Dalka uga soo hooyey Turkiga “Maaddaama oo aanu rabno inaanu wax ka yar beddelno Nidaamkii hore ee Beeraha waxaanu Turkiga ka soo samaysanay Saaxiibbo badan, waxaana dhawaan bixi doona Shaqaale Wasaaradda Beeraha ah oo ka socda Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo u kicitimi doona Dalka Turkiga oo ay noo soo tababbarayaan, weliba wixii ku bixi lahaa oo dhan ay iyagu damaanad qaadeen, Annaga oo rabna inaynu barrano Habka Adduunku wax u beerto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waad ogaydeen inaanu berigii dhawayd wax ku biirnay Biyaha Roobka, laakiin imika waxaanu rabnaa inaanu biyaha Dhulka hoostooda la soo baxno, si wax soo-saarka Dalka kordhino, taas ayaanu u tagnay Turkiga.”

soodhawaynta

Ugu dambayn, Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL, Md. Axmed Muumin Seed waxa kale oo uu hadalkiisa ku sheegay in muddadii ay halkaa ku sugnaayeen la kulmeen Shirkadaha Maalgeshiga “Intii aanu joognay Turkiga waxa kale oo aanu kulamo badan la yeelanay Shirkadaha daneeya Maalgelinta.” Ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed.

soo dhawynta soodhawyntaa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories