HomeMuxuu Wasiir Xirsi ka yidhi Mansabka Raysal-wasaare ee Mucaaradku u Cumaamadeen?

Muxuu Wasiir Xirsi ka yidhi Mansabka Raysal-wasaare ee Mucaaradku u Cumaamadeen?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horeysay ka hadlay eedaymo xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ugu jeediyey madaxweynaha inuu meel kaga dhacay Dastuurka dalka isla markaana uu Wasiir Xirsi ka sareysiiyey wasiirrada kale ee xukuumaddiisa.

Xisbiga Waddani ayaa madaxweynaha ku eedeeyey inuu wasiirka madaxtooyada u magacaabay xilka Raysal-wasaare oo aan meel kaga qorsheyn dastuurka dalka, iyaga oo eedayntooda uga jeeday hadal uu madaxweynuhu ka sheegay kulan madaxtooyada uu Axaddii todobaadkan kula yeeshay maayarrada iyo badhasaabbada dalka, halkaas oo uu sheegay hadal hal-xidhaale ku noqday mucaaradka markii dambena fasiraaddii uga soo baxday noqotay in wasiirka madaxtooyadu hayo mansab ka sarreeya xilalka wasiirrada kale, marka laga reebo shaqooyinka uu madaxweynuhu u igmado.

Wasiir XirsiWasiirka Madaxtooyadda oo qoraal uu arrintan kaga jawaabayo ku baahiyey bog uu internetka ku leeyahay oo la yidhaahdo guusha.com, waxa uu xisbiga mucaaradka ah ku dhaliilay inay kala garan-la’yihiin wixii ay ku dhaliili lahaayeen xukuumadda.

“Haddii Qoladii mucaaradka ahayd jahadii ka luntay oo ay waayeen wax ay dadka u sheegaan waxaan leeyahay siyaasad noqon mayso hebal baa caynkaa yidhi iyo hadalka madaxweynaha turjumaada khaldan aad ka samaysaan.

Waxay ahayd madashii loo dhamaa ee lagu marti qaaday Maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka waxaanu ahayn 4 xubnood oo wasiirro ah, waxaana dhinaca Madaxweynaha noogu xigay Cali Warancade hadalkana isagaa noogu horeeyey, markii uu madaxweynuhu qaatay hadalka wuxuu ku hadal qabsaday Waran-cade oo yidhi Sidaa Wasiirku yidhi, kadibna raaciyey wasiiradu isagoo uga gol leh in laba Wasiir goobta ka hadleen. Balse ninka shaydaan qaato beentana sheegayaa xaqiiqada uma baahdo ee wuxuu yidhaahdaa wixii uu doono,” ayuu wasiir Xirsi ku yidhi qoraalkiisa.

Waxa kale oo uu intaas kudaray, “Hadii aanad Xishoonayn waxaad doontaba samee Waxaa muuqata in hadalkii inta laga dhex-saaray intii isku xidhaysay in laga dhigay Been cad oo odhanaysa ‘Wasiirka Wasiirrada’ Bal waxaad eegtaa waxaa meesha Fadhiyey Afar Wasiir ee maxaa Xirsi Gaar u tilmaamay? Dee kuwa siyaasada ku saaqiday ee aan garnayn wax aan qabyaalad ahayn, ayaa shaqo ka dhigtay Xirsi Madaxweynaha ayay isku reer-yihin iyo wax aan macno weyn lahayn,” ayuu yidhi Xirsi.

Wasiir Xirsi waxa uu mucaaridka ugu baaqay in dalku doorasho geliyo oo ay la tartamayaan xukuumadda,waxaanu yidhi, “Gebagabadii waxaan leeyahay Axsaabta Mucaaradka: Aynu ku tartano wax-qabad dalkuna doorasho ayuu galayaa ee u soo diyaar garooba hana carqaladaynina. Wa Bilaahi Tawfiiq.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories