HomeMuxuu Wasiir Biixi ka yidhi in Xumadda Loollanka KULMIYE ka baajisay safarka...

Muxuu Wasiir Biixi ka yidhi in Xumadda Loollanka KULMIYE ka baajisay safarka Madaxweynaha ee Ireland iyo Ujeeddada uu xambaarsan yahay?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maxamed BiixiHargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadlay sababata uu uga hadhay hadhay weftiga uu hoggaaminayo madaxweyne Siilaanyo oo dorraad u kicitimay dalka Ireland, kaas oo warar soo baxay ku xidhiidhiyeen inuu wasiirku uga hadhay loolanka siyaasadeed ee ka dhex-aloosan xisbiga Kulmiye iyo qaban-qaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 10-ka bisha October ee Khamiista Berri bilanaysa.

Maxamed Biixi, waxa uu sheegay inaanay jirin olole siyaasadeed ah oo uu uga hadhay weftiga madaxweynaha, balse ay tahay arrin la xidhiidha hawlaha qaranka iyo sidii uu u qaabili lahaa wefti balaadhan oo ka socda shirkadda Mediterranean Shipping Company oo dalka yimi Isniintii todobaadkan, taas oo ka mid ah dhawr shirkadood oo danaynaya Maalgeshiga dekedda Berbera.

Wasiir Biixi waxa uu ku dooday in ay isku soo beeg-meen bixitaankii wefiga madaxweynaha iyo imaatinka weftigan ka socda shirkadda Mediterranean Shipping Company oo hore loo qorsheeyay in isagu uu qaabilo, waxaanu intaas ku daray wasiirku in isaga iyo xubno kale oo Wasiirro ahi ay maalmaha soo socda ka daba tegayaan weftiga madaxweynaha.

Wasiirka oo ka hadlayey ujeeddada safarka madaxweynaha iyo doorkii uu isagu ku lahaa, waxa uu yidhi, “Wasaaradda khaarajiga Somaliland ayaa ka soo shaqaysay arrintaasi oo madaxweynaha Ireland inuu casuumad soo siiyo dawladda Somaliland iyo madaxweynaha Somaliland. markaa wasaaradda khaarajiga ayaa casuumadda uga soo qaban qaabisay madaxweynaha Ireland, in   uu soo casuumo madaxweynaha Somaliland.

Aniguna waan tegayaa, oo marti-qaadka uu madaxweynaha Jamhuuriyada Ireland u fidiyay, waxa weeye marti-qaad aad u balaadhan, oo aanu doonayno in aanu cilaaqaad cusub kula yeelano dawladda Ireland. Waan ka daba tegayaa weftiga madaxweynaha, waxaanan ku biiraynaa aniga iyo xubno kale oo wasiirro ahi maalmaha soo socda, afarta bisha October ee soo socota ayaanu ka baxaynaa Dubai.”

“Waxaanu la kulmi doonaa madaxweynaha iyo wasiirka khaarajiga ee Jamhuuriyadda Ireland.   Waxa kale oo aanu la kulmi doonaa ganacsatada iyo qolooyinkii nabadda ka shaqayn jiray ee Ireland, iyo qaybaha bulshadda rayidka ah ee Irland. Waxa kale oo aanu la kulmi doonaa   jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Ireland, waxaanu tegaynaa magaaladda caasimadda ah ee Babbling” ayuu yidhi wasiir Biixi.

Mar uu ka hadlayay arrinta maalmahan sida weyn la iskula dhex-marayay ee ah sababta uu weftiga madaxweynaha uga hadhay, waxa uu yidhi “Wax allaale iyo wax ka jiraa arrintaasi ma jiraan.   Waxaan u hadhay waxay ahayd, oo aan imikana la joogaa oo aanu caawa casho u samaynay wefti balaadhan oo ka socda shirkadda la yidhaahdo Mediterranean Shipping Company oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn caalamka, ee danaynaya dekedda Berbera inay maalgashadaan,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi oo isagoo Hargeysa jooga u warramay Wargeyska Afka Dowladda ku hadla ee DAWAN.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories