HomeMuxuu Taliye Nuux Taani Kala Soo Laabtay Safarka Dalka Ethiopia?

Muxuu Taliye Nuux Taani Kala Soo Laabtay Safarka Dalka Ethiopia?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Tani Iyo Saraakiil kale oo safar shaqo ugu maqnaa Dalka Ethiopia, ayaa galabta ku soo laabtay Dalka, waxaana garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey Saraakiisha u sarreeya Ciidanka Qaranka.

Taliyaha iyo Saraakiisha Ciidanka Qaranka, waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole International Airport ee Addis Ababa ku soo sagootiyey Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalab-sida ee Ethiopia Sarreeye Guud Birhanu Julana iyo Saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Qaranka oo shalay gaadhay Addis Ababa, waxa uu kulan la qaatay Dhiggiisa dalka Ethiopia Birhanu Julana iyo saraakiil kale, waxaanay labada dhinac ka wada-xaajoodeen iskaashi dheeraad ah oo dhexmara militariga labada waddan.

Dowladda Ethiopia oo war ka soo saartay safarka Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland markuu shalay gaadhay, waxa lagu sheegay inay labada Talis Ciidan ka-wada hadleen iskaashiga Ciidamada isla markaana kulankooda ku soo qaadeen heshiiska is-afgarad ee horaantii bishan dhexmaray dowladaha Ethiopia iyo Somaliland.

Somalilandpost Media Inc.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories