HomeMuxuu taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland ka yidhi in Sarkaal Sare oo Ciidaankiisa...

Muxuu taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland ka yidhi in Sarkaal Sare oo Ciidaankiisa Ka Tirsan Lagu Dilay Hargeysa Iyo Sababaha Xadhigga Afar Weriye oo Maalintii afraad Xabsiga ku jira?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa been-abuur ku tilmaamay warar lagu baahiyey saxaafadda oo sheegay in sarkaal ka tirsan Ciidaanka Booliska Somaliland shalay Khamiistii lagu dilay xaafadda Siinay ee Magaalada Hargeysa, isaga oo dhanka kalena sharaxaad ka bixiyey hawlgalo ciidanka bileysku ka sameeeyeen Magaalada Hargeysa.

Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan oo maanta u waramay qaar ka mida Warbaahinta, waxa kale oo uu sheegay inuu xidhiidh wanaagsani ka dhaxeeyo Ciidaanka bileyska iyo warbaahinta dalka ka hawlgasha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo la weydiiyey wax aka jira in war uu maanta daabacay Wargeyska Hubaal kaas oo sheegayay in xalay dabley hubeysan toogatay Sarkaal ka tirsan Ciidaanka Booliska Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Wax Alliyo wax ka jiraa ma jiro, waa war been abuura oo sal iyo raad-toona lahayn warkii ku soo baxay caddadkii maanta 357 ee Wargeyska Hubaal,kaas oo ciwaankiisu ahaa (Rag laga shakiyey oo xabsiga loo taxaabay iyo Sarkaal SPU-da ka tirsan oo shalay galab la toogtay),” ayuu yidhi taliye Fadal.

taliye fadalSidoo kale, Mar la weydiiyey Taliyaha wax aka soo kordhay hawlgalo Ciidanka Boolisku maalintii shalay ee Khamiistii ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Magaalada Hargeysa waxa soo kordhay ee dhacay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Hawlgalkii aanu shalay (Khamiis) ka sameynay Caasimada Hargeysa waxa uu ahaa hawlgaladayadii caadiga ahaa ee amniga lagu xoojinayey,wax kale oo soo kordhay ma jirto dalkuna waa nabadgelyo.”

Taliyaha oo la weydiiyey, sababta ay xabsiga ugu taxaabeen afar Suxufi oo maalintii Salaasada ee todobaadkii hore ay ciidamada boolisku qabteen, waxa uu ku jawaabay, “Mudaharaad aan sharci ahayn, oo aanay warqad ogolaanshiyo ahna u haysanin ayey galeen oo ay ku eedeeysan yihiin,” ayuu yidhi taliye Fadal, waxaanu intaas ku daray, “Weriyayaasha waxaanu horgeynay maxkamada, oo maxkamaduna way rumaan-gareysay, markaa hawshaasina annaga (Ciidaanka Booliska) wey naga gudubtay oo waxay u taala maxkamada.”

Mar la weydiiyey Taliye Cabdilaahi Fadal waxa ka jira warka sheegaya inay Ciidaanka Booliska Somaliland ay bar-tilmaameedsanayaan Weriyayaasha oo ay xidh-xidhayaan? Waxa uu ku jawaabay, “Arrintaasi wax ka jiraa ma jirto, in Weriyayaasha si gaara loo bar-tilmaameedsanayo oo waa been abuur sal iyo raad-toona lahayn,wax aan amar ku bixiyeyna ma jirto,waana wax u dhaqana Wargeyska Hubaal inuu been qoro oo waa war raqiis ah,” ayuu yidhi Taliye Fadal.

Taliyuhu waxa uu ka hadlay halka uu marayo xidhiidhka ka dhexeeya Ciidanka Booliska iyo Warbaahinta,  “Wax xidhiidh xumo ah oo soo kala dhexgalay Ciidaanka booliska iyo Saxaafadda Somaliland ma jirto,iyaguna (Saxaafadda) hawshooda ayey wataan, annaguna (Ciidaanka Booliska) hawshayadii ammaanka nabadgelyada ee aanu u xil-saarnayn ayaanu qabanaa,” ayuu yidhi Taliye Fadal.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories