HomeMUXUU SHARCIGU KA QABAA?: ‘Xildhibaanka baarlamaanka ka tirsani yuu wakiil ka yahay?...

MUXUU SHARCIGU KA QABAA?: ‘Xildhibaanka baarlamaanka ka tirsani yuu wakiil ka yahay? Ma xisbi, mise ummaddii soo dooratay?’

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Iyada oo maalmihii ugu dambeeyay uu muran ka taagnaa xubnihii baarlamaanka ka tirsanaa ee shaaciyay inay ka guureen Xisbiga UCID iyo weliba sharcinimada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada inuu ku metelayay xisbigii uu ka soo baxay iyo inuu ku fadhiyo codka ummadii dooratay. Si arrimahaas loo kala fahmo, waxaanu qormadan u adeegsanaynaa Dastuurka dalka u yaala iyo waxa uu ka qabo waxay yihiin.
Haddaba, sida uu sheegayo Qodobka 5aad, faqradiisa 9aad; Ururka siyaasadeed loo ansixiyo xisbi, kuma biiri karo Xisbi kale doorashooyinka ka hor iyo ka dib, sidoo kale waa inay xeerkiisa ku caddaataa inaan laga saari karin/eryi karin xisbiga xubin ama xubno loo doortay Golayaasha sharciga ah hadii aanay ka hor imanayn xeerarka dalka iyo xeerka xisbiga (Xeer Lr..14/2011).
Midda kale, xeerkani miyaanu cadaynaynin in xataa xubnaha laga saari karo haddii ay xeerka xisbiga ku xad-gudbaan? Haddii laga saari karo, waxay cadaynaysaa in uu isaguna ka bixi karo. Ama ha ka baxo ama ha laga saaree, xeerkan waxa nuxurkiisu tilmaamayaa in uu xildhibaanka goleyaasha sharciga ku jira oo Wakiiladu ka mid yahay, ka ahaan karo dibedda xisbi isaga oo aan luminaynin xubinnimadiisa!
Qodobka 9aad: Xuquuqda Muwaadiniinta (Xeer Lr..14/2011). Muwaaddin kasta oo qaangaadh ah, wuxuu xaq u leeyahay:-
1. Inuu/inay ka qayb-qaato hawlaha siyaasadda.
2. Inuu/inay ku biiri karo xisbi ama urur siyaasadeed kuu/kay doorto.
3. Xubnaha ururku ama xisbigu waxay leeyihiin xuquuqo isku mid ah xaqa doorashada iyo codayntaba marka lagu guda jiro xilliga doorashada xisbiga/ururka gudihiisa.
4. Xubin kasta oo doonaysa inay ka baxdo xil xisbi ama urur.
b) Waa in xubinta xisbiga/ururku u soo gudbisaa arjiga is casilaada.
t) Waa in xisbiga /ururku ku aqbalaa ama ku diidaa 14 maalmood gudahood is
casilaada xubinta.
5. Xubinina kama wada tirsanaan karto laba Xisbi/Urur ama Xisbi iyo Urur isla wakhti
keliya.
Qodobkanina waxa uu cadayn karaa in:
A. Muwaadinku guud ahaan, xildhibaan ama qof caadiya ha noqdee, xor u yahay siyaasaddiisa xisbina aanu ku xidhnayn xorriyadiisu. ”xubin kastaa” way ka bixi kartaa xisbi kuna biiri kartaa kay doonto. Mar haddii aanay xubinnina ka wada tirsanaan karin laba urur ama xisbi mar kaliya, wuu baxayaa kii hore haddii uu mid kale ku biiro, waxaana cadaynaysa xubinta 5aad ee qodobka kor ku xusan. Sidaa darteed, xildhibaannada UCID ka huleelay laguma laha 14ka maalmood inay sugaan ee ikhtiyaarka iyo xorriyadda qofka muwaadinka ah oo ka mid ah mabaadii’da Dustuurka iyo nuxurkiisa ayaa ka sareeya wax kasta.
Qodobka 10aad: Sababaha Lagu waayi karo Xubinnimada (Xeer Lr..14/2011). Xubin ka tirsan Xisbi ama Urur waxa laga saari karaa oo keliya marka:
b) Ay samaysato urur kale
t) Ay Ka qayb-qaadato urur kale oo la samaynayo
j) Ay Ku biirto urur kale ama si caam ah ugu ololaysa samaysiga urur kale
x) Ay ku gefto xeerka u yaala xisbiga/ururka
Qodobkanina waxa uu cadaynayaa oo uu taageerayaa falkii ay xildhibaannadu sameeyeen inuu si dabiici ah uga saaray xisbigii kale ee ay ka tirsanaan jireen, sababta oo ah, waxyaalaha lagu waayi karo xubinnimada waxa kamid ah.
Qodobka 27aad: Laalis (Xeer Lr..14/2011):
1. Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda (Xeer Lr. 14/2000) waxa bedalay Xeer Lr..14/2011
2. Xeer kasta oo ka soo horjeeda Xeerkani waa waxba kama jiraan (null and void)
Qodobkani waxa uu meesha ka saarayaa xeerkii hore ee kaabidda lagu sameeyey ee sannadkii 2000 la ansixiyey. Xeerkaas qodobkiisa 4aad faqradiisa 9aad ayaa u qornaa sidan hoos ku qoran:
Qodobka 4aad faqradiisa 9aad (Xeer Lr..14/2000); Ururka siyaasadeed ee loo ansixiyo xisbi, kuma biiri karo Xisbi kale doorashada ka hor, sidoo kale waa inay xeerkiisa ku caddaataa inaan laga saari Karin/eryi Karin xisbiga xubin ama xubno loo doortay Golayaasha sharciga ah, xubnaha loo doortay golayaashana aanay ku biiri karin xisbi kale. Halkaa waxa ka cad in aanu Inj. Faysal Cali Waraabe aanu ka warhayn isbeddelka lagu sameeyay shuruucdii shaqadiisa khusaysay. Qodobkan waxa lagu bedelay qodobka 5aad faqradda 9aad ee xeerkan dambe ee bishii August 2011 lagu sameeyay kaabidda, eeg qodobka ugu sareeya qoraalkan oo ah ka lagu bedelay kan uu cuskanayo Inj. Faysal Cali Waraabe.
Intaa marka laga yimaaddo, waxa Dustuurka Somaliland caddaynayaa waxyaabaha lagu waayi karo xubinnimada Golaha Wakiilada, inay cidi bedeshaana waxay u baahan tahay in wadanka AFTI laga qaado oo aqlabiyadda ummadda ay ciddaasi heli karayso, hadii kale arrintu waa ‘Ku quuso qudhaanjoy!’
QODOBKA 50AAD
WAAYIDDA XUBINIMADA GOLAHA WAKIILADA
Xubinimada Golaha Wakuda waxa la waayi karaa haddii:¬
1. Xubintu geeriyoota ama uu ku yimaado xanuun suurto gelin waaya gudashada xilkeeda;
2. Xubintu istiqaalad dhiibto, iskeedna shaqada uga tagto; Goluhuna ka oggolaado;
3. Uu jabo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay; ama uu gudan waayo xilkiisa;
4. Uu ku dhaco xukun ciqaabeed kama dambays ah oo maxkamad horteed kaga caddaaday;
5. Uu ka maqnaado Golaha 20 (Iabaatan) fadhi oo isku xiga idin la’aan.
Qodobkan faqradiisa 3aad waxay sheegaysaa in lagu waayi karo haddii la waayo shuruudaha lagu soo doortay, hadaba maxay yihiin shuruudahaasi? Waxa cadaynaya isla dustuurka qodobkiisa 41aad.
QODOBKA 41AAD: SHURUUDAHA QOFKA ISU-TAAGAYA DOORASHADA
Qofka isu-taagaya xubinimadda Golaha Wakiilada waa inuu yeesho shuruudaha soo socda:¬
1. lnuu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka
2. Inuu Muwaadin yahay, da’diisuna ka yaraan shan iyo soddon sano {35 sano}.
3. lnuu jidh ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa.
4. lnuu leeyahay aqoon dugsi sare ama wax u dhigma ugu hoosayn.
5. lnaanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah oo maxkamad horteeda kaga caddaaday shantii sano ee ugu dambaysay.
6. Inuu yahay xil-kas; akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna toosan yihiin.
7. Uma bannaana qof shaqaale Dawladdeed ah inuu isu taago doorasho haddaanu muddada xeerku cayimay ka hor shaqo ka tegid codsan taas oo in laga aqbalaana ay waajib tahay.
Intaa marka laga yimaaddo, waxa jirto su’aal asaasi ah. Xildhibaanka baarlamaanka ka tirsani yuu wakiil ka yahay? Ma xisbi ayuu u yahay mise ummaddii soo dooratay? Tusaale ahaan, Madaxweynaha Somaliland ee la doortay ma waxa uu wakiil ka yahay xisbiga soo doortay mise codka shacabka soo doortay? Ma xisbiga ayaa eryi kara, mise ummadda soo dooratay? Eeg qodobka 39aad ee dustuurka JSL oo qeexaya cidda Golaha Wakiiladu ka wakiil yihiin. Qodobkaasi waxa uu caddaynayaa in xildhibaanku wakiil buuxda ka yahay ciddii soo dooratay, gobolkii iyo constituency-gii laga soo doortay oo uu metelo, kalsoonidoodana ku fadhiyo. Qodobkanina waxa uu mar kale muujinayaa in aanay cidina indhaha ka ridi Karin dimuqraadiyadda iyo xeerarka wadanka u yaalla. Isla markaana waxa cadaan ah in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ah ninka saxeexay xeerka u bannaynaya xorriyaddiisa siyaasadeed aan la odhan Karin waxa uu khalad ka geli karaa xeerarka iyo dastuurka dalka u yaala.
Dhinaca kale, marka loo baahdo in la bedelo xubin golaha wakiillada ka banaanaata sidee loo bedelayaa? Ma komishankaa xisbigu warqad u qortaa? Ma maxkamadda saraa? Mise Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa Komishanka ka dalbada cidda xaqa u lahayd jagada bannaanaata. Taas marka loo fiirsado, waxa la odhan karaa nidaam ahaan Guddoomiye Faysal muu marin wadadii ku haboonayd.

Xigasho: Ogaal

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories