HomeMuxuu sameeyey? - W/Q: Cali Cabdi Coomay

Muxuu sameeyey? – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...
Cali Coomay
Cali Coomay

Isagoo maraya meel aan naga fogayn oo u socda si ay ku jirto miyir qab, maamus qab iyo milgo qab, ayuu gaadhi ordaya oo askar fara badani saaran tahay oo aan dheg la qabto lahayni hal mar ag-joogsaday, intay sida roobka uga soo daateen ayey marqudha toban askari ku dageen sidii yeydii. Markaasay isugu dareen lag, feedh, budh, dhirbaaxo iyo garaacis aan loo aabo yeelin. Ka dib sidii shaadh la maydhayo ayey mar dhulka ku dhuftaan marna cirka u tuuraan. Mar qudha ayaanu ku soo xoonay falkan ay noociisu beri hore inoogu dambaysay, waana wakhtigii Max’ed siyaad dawladiisi. Waxaanu ku dhawaaqaynay “ muxuu sameeyey” iyo war uma haysaan , falkuu ku kacay.

Markay jilciyeen ayey sidii kiish bariis ah si wada jir ah gaadhigii ugu tuureen. Dadkayagii meesha ku soo ururay ayaa doodani na dhexmartay. Yaa garanayeyninkan? Qof gartaa la waayey. Dee wuxuu u ee kaa wadaada wax qarxiya? Ilaahaaga ka baqo wadaada xumaanta dusha ha u saarin. Waa runteed ninku wadaad ayuu ahaa, kuwan qabtayna, waxay ahaayeen R.R.U. booliska loo yaqaa. Oo maxay ahaayeen R.R.U-du? Waxa lagu xantaa ashahaado la dirir oo wadaad ayuu bay eryadaan.

 Oo ninku khamiis muu xidhayn, gadhkana wuu xiiray? Haa waa runtaa, laakiin kooxaha wadaadada qaar ka mid ahi gadhka ayey xiiraan,markaa sidaasi ula soco. Waynu siganay, waabu ina galaafan gaadhay. Oo muxuu inagu fali masaakiintan ciida cunaysa, waa halkii Sh.Aadan-siiree.  Oo kuwa maalin kasta adduunka lagu xasuuqo miyaanay masaakiin ahayn? Waa sidaa aad sheegtay, oo dadkan lagu qarxiyo dalka aynu  jaarka nahay ee Soomaaliya, ee maalin kasta ay dad shacab ahi dhuxul noqdaan, marka la qarxiyo. Laakiin ninkan weli wax dambi ah laguma cadayn karayo, waayo maxkamadi may xukumin. Waar iska aamus dambiile qiil ha u samayne.

Wuxuu noqon lahaaba nafba kamay kicin. Dee dawlada waa in laga baqdo, haddii kale cid kastaa way u soo qosli. Waar waxba ku hadli mayside, dawlad laga cabsado way ina soo martay, oo Max’ed Siyaad ayaa 21 sano xabad, garaacis, cagojuglayn iyo xadhig inagu waday, markaa dadka waa inay dawladu la saaxiibto, haddii kale waxay ina xasuusinaysaa keligii taliyihii madax adkaa. Adeer isku soo wada duuboo waa in dawlada laga baqo, iyana waa inay dadka u naxariistaa, ileyn tan waxba uma kala qarsoonee, waa halkii M/weyne Rayaale.

         Cali cabdi coomay

          Suxufi, qoraa ah.

         B.A in Journalism

        Hargaysa, somaliland

        calicoomay@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories