HomeMuxuu qoray Dr. Baadiyow: Ma Warqad? Mise Warqas? - Boobe Yuusuf Ducaale...

Muxuu qoray Dr. Baadiyow: Ma Warqad? Mise Warqas? – Boobe Yuusuf Ducaale oo Qalinka u qaatay Aflagaaddo ka soo yeedhay Siyaasi reer Muqdisho ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blank“Qalinyahow mindiyo,
Ii noqo maddane,
Ku marrimo dhiig,
Kuna meydho ciin.
Khadkan hoo murka,
Kii macallinka ah,
Ee midab-caska ah,
Ku dhig heestan milil,
Maaleey qadhaadh,
Dacar lagu mergado,
Maarrahaan sitiyo,
Kalaashkoofka mudan,
Midig aad tartide,
Meded baan ku idhi,”

Maansada Mandela ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye),
Muqdisho, Juulay, 1980kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@gmail.com, cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.net

Waa maalmo maantood. Waa maalmihii nin debcaa dhan uga guran jiray ee dabka loogu xiddigin jiray. Maantana nin Baadiyow la yidhaa ayaa seerihii isaga oo is-moog soo galay. Waa maalmihii tiigsiga arareed iyo toocinta hadalkuba ay reebbanaayeen. Toos ayaynu u abbaareynaa innaga oo soo gaaggaabsanayna isla markaana xabbad-qaadayna.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow, 19kii Meey, 1991kii wuxu qoray:

In ay SNM 17/5/1991kii ku dhawaaqday in ay Gobolladii Woqooyi ka goysay Soomaaliya inteedii kale kuna dhawaaqday dawlad yar oo gaar ah. Wuxu intaa ku daray in aanay SNM fikraddaa caqligeeda ka keenin, bal se ay ka danbeysay dawladda Israa’iil. Nuxurkii ayaynu soo qaadannay.

Laba qodob ayaa halkan is-barkan: Ku-dhawaaqidda Jamhuuriyadda Somaliland oo caalimkan belaayada ah ugu muddeysan 17kii Meey, 1991kii iyo fikradda oo ah mid leh baadi-sooc Israa’iili ah oo Yuhuudeed. Caalim Baadiyow Warqad-ku-sheegtan Warqasta ah wuxu u qorayaa Jaamicadda Carabta oo uu Somaliland ka ashkataynayo.

Aan xabbad-qaadno. Aan ku horreynno 17kii Meey. Somaliland ma 17kii ayaa lagu dhawaaqay mise 18kii Meey, 1991kii? Qof kasta oo qormadan akhriyaya ayaan marag-gashanayaa. Odeyga Guunka ah ee Google ee aan reerna ahayn waxaad ii weydiisaan oo aad ku qortaan: 17ka Meey, 1991ku maxay Somaliland ka tahay? 18ka Meey se maxay Somaliland ka tahay? Wixii ka soo baxa maragga noogu kala fura. Haddii ay 17ku awrnaato Dr. Baadiyow waa runlow, haddii ay 18ku awrnaatana waa Dr. Beenaale. Kaasi waa nabar aan ka-kac lahayn.

SNM iyo ku-dhawaaqidda Somaliland Israa’iil ayaa ka danbeysay muxuu Digtoorkeennan belaayada ahi u daliishanayaa? Muxuu u cuskanayaa? Goor maa inoogu danbeysay Yuhuud la isku ashkateeyo? Had maa laga tegay warkaa? Miyaan hadda loo kala dheerayn? Bartaana waad ku dilan tahay. Digtoor, daliil keen oo abbaartaada sababee haddii kale hadaaqii fadhi-ku-dirirka Xamarna waad ka hoos martay. Marfeshyada Hargeysana hawaysanba maysid. Sawtii culimada taariikhdu ee aad sheeganaysaa doodaha soo bandhigi jirtay, qodobayn jirtay ee daafici jirtay? Miyaanad weligaa mawduuc doodeed soo dhigin oo aanad daaficin? Horta maxaad ku qalin-jebisay, haddii aad qalin-jebisayba?

Ma hayo taariikh uu leeyahay e’, sidan ayaa loo dhigay sooyaalkiisa gaaban: Xubin Guddi-ku-sheegga Wada-hadallada Soomaaliya & Somaliland, La-tallyaha Xasan Cali Kheyrre ee siyaasadda iyo dibuheshiisiinta isla-markaana ka tirsan Aasaasayaashii iyo Golaha Dhexe ee Urur-diimeedka Al-islaax.
Bal hadda aan xabbad-qaadno dhowr qodob oo warqastiisa ku qornaa:

Qodobka 1aad:

“Sababaha ay SNM u cuskato kala tagga ma aha qaar Diini ah oo dadku boqolkiiba boqol waa muslin, luqad keliya ayay ku hadlaan oo dagaal luqadeed ma dhex yaal”.
La-soo-noqoshada madax-bannaanida Somaliland waxay ku timid halgan hubaysnaa oo 10 sannadood socday oo aan wax loo dhigaa Soomaali hore u soo marin. Soomaaliya iyo Somaliland laba dal oo isku tegay, isla markaana 5 Soomaaliyeed midaynayay ayay ahaayeen. Israacii lama mahadin. Beelaha Waqooyiguna intay Burco ku shireen ayay go’aansadeen inay madax-bannaanidoodii la soo noqdaan, xaqna way u lahaayeen. Midnimo-ku-sheeggu wax Somaliland ku qasban tahay maaha. Waa wax Soomaali u yaalla. Annagaa ikhtiyaarkayaga Xamar ku tagnay, isla ikhtiyaarkiina waanu kaga soo noqonnay.

Qodobka 2aad:

Dr. Baadiyow waxa kale oo uu qoray:
“Ma jirto dhibaato Koonfur ama Woqooyi gaar ku ahi, dalka oo dhami sida uu farxadda u qaybsado ayay dhibaatadana u qaybsadeen”.

Bal wuxu ku hadlayo eega! Wuxu innaga dhaadhicinayaa in aanay goboladii Waqooyi wax dhagar ah oo iyaga ku gaar ah loo geysan. Markaasuu wuxuu inna leeyahay Koonfur iyo Waqooyiba dhibtii nidaamkii Siyaad Barre waa loo sinnaa. Ma wixii Hargeysa ka dhacay ayaa dalka ka dhacay? Ma wuxuu innaga dhaadhicinayaa dhagartii Mudug ka dhacday iyo berkaddihii la qarxiyay ayaa loo sinnaa? Ninka waxan qorayaa waa taariikhyahan lagu jabay sida ay innaga dhaadhicinayaan. Wuxuu inna leeyahay magalaalo-madaxyadii gobolada oo dhan ayaa la burburiyay. Oo waa kuwee? Waa magalaadee? Halkee dayuuradi intay ka kacdo madaar ay magalaadii madaarka lahayd duqaysay oo aan Hargeysa ahayn?
Waxba ku tiigaali mayno oo mowduucu waa mid weyd ah, qofka qorayna waa mid garashadu ku gaaban tahay oo aan adduunkaba la socon. Waa ninka maanta Jaamicadda Carabta ka ashkataynaya Israa’iil oo dalalkaa intooda badan la saaxiib ah.

Bal ka warama ninkan sidii dhallaanka u hadaaqaya. Urur-diimeed ayuu ka tirsan yahay. Dhaqan iyo diinba wuu sheeganayaa. Haddana isagoo aamminsan in Somaliland dhalashadeedii ay Israa’iil ka dambaysay, ilaa immikana aamminsan ayuu inna leeyahay ergo ayaan ahay. Haddii uu aamminsan yahay in firkaddan Somaliland ku samaysantay Israa’iili tahay miyaanu dawgu ahayn in uu Israa’iil ugu tago ergo? Miyaanay munaafaqnnimo ahayn in uu Somaliland ergo ugu tagaa, isaga oo sheeganaya inuuu wax la ogyahay aamminsan yahay? Qiyamkiyo akhlaaqiyaadkii diineed maye?

Ugu dambaynta diktoorkeennii wuxuu hadalka kusoo xidhayaa go’itaanka Somaliland waxa ka faa’iidaysanaya Israa’iil iyo Itoobiya. Dr. Baadiyow waa La-taliyaha Xasan Cali Khayrre iyo Farmaajo. Habeen iyo maalin wuu la joogaa, Itoobiyana waa ay isu raacaan. Waa la ollog. Toloow miyaanu diktoorku is-maqal? Ma magaalo qayrkaa u cay, adna ha dayn baa?. In kasta oo aanad mudnayn, haddana qoraalkaa kooban ayaan kuugu deeqayaa, si’ aad u tidhaahdo: “anigaba Boobe beri ayuu wax iga qoray taasoo aad ku naaxin doonto sooyaalkaaga weyda ah”.

Gaarriye ayaa maansadiisii Gurmad ee 2005tii ku yidhi:

“Golxoo dhami maaha dhalan,
Marbay ged kaleeto tahay,
Dibnahoo ku gariira iyo,
Gengida waxa keenta been”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories