HomeMuxuu Qalday Kulmiye?

Muxuu Qalday Kulmiye?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

QALINKA: Mustafe Sh. Cumar Geeddi

Nin Yuhuudi ah oo ka guurayay Ruushka ayaa markii uu marayay Madaarka Moscow waxaa saraakiishii Garoonku ku qabteen Sanam uu ka soo sameeyay hoggaamiyihii la odhan jiray Lenin. Sarkaalkii Kastamka ayaa waxaa uu weydiiyay waa maxay waxani.?

Yuhuudigii waxaa uu ku jawaabay, su’aashaadda wax baa ka qaldan. ha odhan waxaani waa maxaye. waxaad i weydiisaa waa kuma ninkani?

Waa hoggaamiye Lenin, waa aas-aasihii nidaamka hanti-wadaagga ah iyo horseedkii barwaaqada ummadda Ruushku ku naaloonayso. Waxaan u sitaa xasuus ahaan Geesigeennan.

Sarkaalkii kastamka Moosko fadhiyay  isaga oo qiiraysan, ayuu ninkii Yuhuudiga ahaa u ogolaaday inuu sii wato safarkiisa isaga oo aan wax danbe oo su’aallo ah weydiin.

Haddana, Madaarka caasimiadda Israel ee Telaviv (Talaabiib),ayaa sarkaalkii kastamka fadhiyay isla su’aashii hore oo kale (Waa maxay waxani) weydiiyay ninkii Sanabka Lenin sitay.

Yuhuudigii waxaa uu ku jawaabay mar kale, su’aashaadda wax baa ka qaldan. ha odhan waxaani waa maxaye. waxaad i weydiisaa waa kuma ninkani?

Waa Lenin, waa Inkaarmihii shuuciga ahee ee igu khasbay inaan Yuhuudi ahaan uga soo barakaco Ruushka. waxaan u sitaa si aanan u hilmaamin xumaantiisa oo u nacdalo goor walba.

Sarkaalkii Kastamku waxa uu su’aashii ka bixiyay raali-gelin, waxaana uu u ogollaaday ninkii inuu qaato Sanabkiisa oo iska baxo.

Ninkii labada kastam ka soo gudbay, waxaa uu casuumay saaxiibadii. mar kale waxaa la su’aalay Sanabkii. isna tabtii hore ayuu la soo booday ha khaldin su’aasha, Sanamka waxaan ka sameeyay Lenin. waa ninka ii soo badbaaday Tobannaan Kiiloo oo dahab ah cashuur la’aan.

Halkan, waxa ku duuggan, cashar muujinaya in shay qudha siyaabo kala duwan loo fasiri karo, iyada oo sharraxaad kasta oo laga bixiyayna keenayso in lagu qanco oo aan wax su’aallo ah laga keenin.

Cidda qaabkan inay u fikirto laga rabaa waa siyaasiga, waa in uu aragti kali ah hadba dhinac ugu dhigi karaa bulshada kala duwan, islamarkaana abuuri karaa xamaasad shidaal u noqota oo u xanbaarta yoolka uu hiigsanayo.

Doorashadan isku sidkan haddii aynu u soo noqono, waxaa inoo muuqanaysa in Xisbiga Kulmiye hoos u dhac laxaad leh kala kulmay, iyada oo kaalinta labaad uu ku soo dhacay. halkii uu doorashaddii tan ka horraysay ka sarreeyay taageero ahaan isku darka labadda xisbi ee la loolamay.

Waxaa laga yaabaa in sababaha ay qayb ka noqon karto kala duwanaanta labada doorasho. Laakiin, haddii aynu si kale u dhigno lafteeda, waxaa cad inuu ka hooseeyo Xisbigii UDUB ee talada uga horreeyay. UDUB doorashadii Golaha Wakiillada ee 2005 waxaa uga soo baxay 33 mudane, isaga ayaana ugu sarreeyay, halka Xisbiga Kulmiye oo waqtigan talada haya ay u soo bexeen 30 mudane, kaalinta labaadna uu ka galay. Waxaana taas keenay qanaacad la’aan bulsho oo sababaha keenay ay ka mid tahay baalasha uu ku duullayay oo aan ahayn kuwii ku habboonnaa ee shacbiga u sharxi kari lahaa siyaasaddooda wax-qabad iyo wax qabad la’aanba.

Tusaale ahaan, Xukuumadda Kulmiye ee waqtigani waxyaabaha ugu waa weyn ee loo arkayay inay xoogga saareyso waxaa ka mid ah shaqo abuur (Shaqo-Qaran). Hay’adda shaqaalaha dawladda ee maantana waxaa lagaga kalsoonni badnaa aragtidayda Xiligii Xukuumaddii Siilaanyo oo aanay shaqo-qaran jirin. sababtu wax kale maaha, waqtigaas waxaa hoggaaminayay wiil aan khibrad badan oo hoggaamineed lahayd balse dhallinyaradda rajo-badan geliyay. haddana, innagga oo aan dhalliilaha gudaheeda loo tiriyo iyo dhaqaallaha badan ee dib u habaynta baanka Adduuku ku bixiyay eegin, cid badan oo ka war qabtaa ma jirto hawlaha ay ku fooggan tahay.

Marka la soo ururiyo Madaxweyne Muuse Biixi, maadaama muraayadda xisbigiisu taageerada ku kasban karo ama ku waayi karaa ay tahay Xukuumadiisa, waxaa looga fadhiyaa inuu dib u eego cidda siyaasiyan la shaqeysaa inay yihiin kuwo iib-geyn kara talaabooyinkiisa iyo in kale. Tan beddelkeeda waxaa Mucaaradka gaar ahaan Xisbiga Waddani laga rajaynayaa inuu dardarta kordhiyo oo aanu hoos uga dhicin kaalinta koowaad ee uu maanta halabsaday.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories