HomeMuxuu M/weyne ku-xigeenka Somaliland ka Yidhi in Gurigiisa laga soo Istaadho Khilaafka...

Muxuu M/weyne ku-xigeenka Somaliland ka Yidhi in Gurigiisa laga soo Istaadho Khilaafka Wakiillada iyo Aragtida Xukuumaddu ka Qabto Muranka Sharci ee laysku Mari la’yahay?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland
Madaxweyne ku-xigeenka SomalilandS

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay dhaliilo mucaaradku ugu jeediyaan inuu hormood ka yahay isla markaana gurigiisa laga soo abaabulo qalalaasaha kala qaybiyey golaha Wakiillada iyo mooshinnada ay xildhibaannada Kulmiye ku doonayaan inay wax kaga beddelaan shir-guddoonka golahaas.

Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo maanta warbaabintu wax ka weydiisay arrintan isaga oo ku sugnaa munaasibad uu ku dhagax-dhigayey maanta qayb cusub oo lagu kordhinayo madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa yeeshay in xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ay xaq u leeyihiin inay fadhiistaan ama ku shiraan gurigiisa iyo ka madaxweynahaba, balse waxa uu xukuumadda ka difaacay inay wax faro-gelin ah ku leedahay khilaafka ka dhex-aloosan garabyada golaha Wakiillada, waxaanu ku dooday inay xildhibaannada golahaas ku kooban tahay murannada dhinaca sharciga ee ka dhexjiray Aqalka wakiillada Somaliland.

Md Saylici oo arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Eeddaasi waxba kama jiraan.Qarankan taladiisa iyo wanaaggiisa waa lawada leeyahay, xildhibaannada Kulmiye ka soo jeeda ee 50-ka kor u dhaafsanina xaaraan kama aha inay gurigayga ama guriga Madaxweynaha fadhiistaan. Nin kasta oo masuul ah ama xisbi hoggaamiyana, in kasta oo la Afkaar ahi gurigiisa way fadhiistaan. Talo aan ahayn in lagu dhiso qaranimada dalka kagama talino.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay aragtida ay ka qabto xukuumadda uu ka tirsan yahay qodobbada sharci ee gun-dhiggga u ah khilaafka kala qaybiyey golaha Wakiillada Somaliland, waxaanu sheegay inay xukuumad ahaan si qalloocan ula muuqatay arrimaha gun-dhigga u ah khilaafka oo masuuliyaddeeda uu dusha ka saaray guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu ku eedeeyey.

“Talo aan ahayn quruxda lagu dhisayo qaranka mooyaane, kama talino mid qaranka lagu burburinayo, golena kagama talino, laakiin waxa jira tallaabooyin dhaca oo bani’aadamku marka hore inay la toosan tahay ula muuqda u arkaan, laakiinse dadka kale ula muuqda inay khaldan tahay. Waxaan qabaa wixii ka dhacay golaha inay ku jireen wax badan oo deg-deg ahi,” ayuu yidhi Eng Saylici.

“Golaha Baarlamanku waa gole naga madax-bannaan oo aanu wada-shaqayn leenahay, talo wixii qurxin ah ee wax lagu dhisayo mooyaane, wax faro-gelin ah kuma lihin. Xildhibaannadu fekerkooda iyagaa u madax-bannaan, fekerkanina iyaga ayuu ka dhex-dhashay, iyagaana imika isku haya. 42-ka uu shalay Cirro ogolaaday inuu ka dhigo nimankii ay siddeeda sanno is-ag fadhiyeen, labadaa dhooloodna uu ka qoslayey maalintii uu haystay 50-ka, maanta inay la fool-xumaato waa nasiib-darro, immikana kuwii uunbaa leh raggu 42 ha wada-noqdaan,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlayey qodobbada sharci ee murankoodu ka aloosan yahay golaha Wakiillada.

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ee la xidhiidha aragtida xukuumaddu ka aaminsan tahay khilaafka golaha wakiillada, ayaa ku soo beegmaya wakhti ay wali mudaneyaasha golahaasi ku kala qaybsan yihiin wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobbo ka mid ah xeer-hoosaad cusub oo dhowaan lagu ansixiyey fadhi uu yeeshay golhaaas, kaas oo jidaynaya in guddoomiyaha Golahaas xilka lagaga qaado karo 55 cod oo ka mid ah 82 mudane ee golahaas, halka guddoomiye ku-xigeennada uu xeerkaasi u jideeyey in xilalka lagaga qaadi karo 42 cod, arrintaas oo ilaa immika muranka ugu weyni ka taagan yahay.

Guddiyo ay iska soo xuleen garabyada uu u kala falliidhmay golaha Wakiillada Somaliland oo maalmihii u dambeeyey isugu imanayey kulamo ay kaga doodayeen sidii xal dhex-dhexaad ah loogu soo afjari lahaa khilaafkooda, ayaa shalay ku kala kacay kulamadoodaas, waxaanay arrintan xalkeeda gacanta u galiyeen guddi odayaal ah oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, kuwaas oo maantaba labada dhinac ka saxeexay inay ku qanci doonaan go’aanka ay guddi ahaan soo saaraan.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories