HomeMuxuu Madaxweyne Siilaanyo kaga jawaabay tabashooyinkii Madax-dhaqameedka Beelaha Awdal ka uga gudbiyeen...

Muxuu Madaxweyne Siilaanyo kaga jawaabay tabashooyinkii Madax-dhaqameedka Beelaha Awdal ka uga gudbiyeen Saami-qaybsiga Dawladda?

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guddi u xil-saaray u-kuurgelista iyo daraasaynta tabasho xambaarsan saluug dhinaca saami-qaybsiga hay’adaha dawladda ah oo madax-dhaqameedka iyo wax-garadka Beelaha gobolka Awdal oo muddooyinkii u dambeeyey socdaal ku joogay magaalada Hargeysa qoraal ahaan ugu gudbiyeen.
Md Axmed Siilaanyo waxa uu digreeto uu maanta soo saaray ku magacaabay guddi ka kooban todoba xubnood oo ka tirsan Golihiisa Wasiirrada, kuwaas oo uu u wakiishay inay daraasad ku sameeyaan tabashooyinka madax-dhaqameedka Awdal si xog dhammaystiran iyo baadhis ugu sameeyaan cabashada deegaanka gobolka Awdal.

siilaanyoGuddiga Daarasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal ee madaxweynuhu magacaabay oo uu guddoomiye ka yahay Wasiirrada Wasaaradda Gaashaan-dhigga, waxa xubno ka ah Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta.

Digreetada madaxweynuhu ku magacaabay guddigan oo lagu faafiyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, waxa uu Md Siilaanyo ku xusay inay ka fursan wayday guddi heer wasiirro ah oo u xil-saaro tabashada loo gudbiyey si xaqiiqo-raadin loogu sameeyo dhinacyada cabashooyinku ka taagan yihiin.

“Waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin xoogan ay ii soo gudbiyeen Salaadiinta iyo Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal oo ay kaga cabanayaan saami qaybsiga iyo jagooyinka shaqo ee Deegaanka Awdal. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan noqotay in Guddi heer Wasiiro ah loo magacaabo hawshan si ay daraasad iyo xaqiiqo raadin uga sameeyaan arrintan.

Haddaba Mudanayaal, si xog iyo macluumaad dhab ah looga soo uruuriyo cabashadan; waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka arrimaha laga cabanayo ee qoraalka ku xusan, waxaana Guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidaa darteed Mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan,” sidaa ayuu madaxweynuhu ku yidhi digreetada uu ku magacaabay Guddiga ka kooban xubnaha wasiirrada ah ee uu u wakiishay xaqiiqo-raadinta tabashooyinka reer Awdal.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories