HomeMuxuu Madaxweyne Siilaanyo ka Yidhi inuu U Xuub-siibtay Hoggaamiye KALI-TALIS ah?

Muxuu Madaxweyne Siilaanyo ka Yidhi inuu U Xuub-siibtay Hoggaamiye KALI-TALIS ah?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo wax laga weydiiyey sida uu u arko dhaliilo loogu jeediyo inuu nidaam Kali-talisnimo u rogay hannaanka dimuqraadiyadeed ee loogu doortay inuu ku hoggaamiyo dalka isla markaana ay xukuumaddiisu ku tumanayso xoriyatul-qawlka, ayaa ku dooday inaanu ka baydhin Dimuqraadiyaddii lagu doortay, dalka iyo dadkana uu iyada ku hoggaamin doono intuu nool yahay, balse aanay dimuqraadiyaddu qofka u fasaxayn inuu wax kasta samayn karo.

siilaanyo vs RayaaleMd Siilaanyo oo ka hadlayey eedaymo loogu jeediyo inay xukuumaddiisu xad-gudub ku samaysayo xoriyatul-qawlka iyo Suxufyiinta oo la weydiiyey, waxa uu ku dooday inuu dalku leeyahay nidaam caddaaladeed oo uu ku kalsoon yahay isla markaana aanu isagu cidna xidhin, cid kale oo xabsiyada ku jirtana sii-deyn karin, isaga oo sheegay in go’aannada ay maxkamaduhu soo saaraan waafaqsan yahay dambiyada loo haysto qof kasta oo dacwadi ku socoto.

Madaxweyne Siilaanyo oo la weydiiyey Su’aal u dhignayd, ‘Madaxweyne, Afar Sanno oo aad Xilka Haysay, Xukuumaddaadu waxay u dhaqmaysaa Hab Dictatorship (Kali-talis) ah, ma wax aad doonaysaa inaad noqoto hoggaamiye Xukun Milatari dalka ku sii haysta?’ Waxa uu madaxweyne Siilaanyo kaga jawaabay, “Dhegayso, dalkani waa waa dal Dimuqraadi ah, Maxkamadaa wax xukuma, anigu qofna iskama xidho, qofka ma sii daayo, Maxkamad baa xukunta, waxa maxkamaddu ku xukunto uunbaa jira. Dalkani Dimuqraadiyaddiisu wax Alla waxaad doonto aad samaysid maaha, dimuqraadiyaddu xeerar bay leedahay oo aanu ku dhaqmaynaa oo dalka iyo dadka ku maamulaynaa, waan ku faanayaa,” ayuu yidhi Md Siilaanyo.

Md Siilaanyo waxa kale oo uu taabtay kalsooni-darrada waddamada caalamku ka muujiyeen ammaanka Somaliland, balse waxa uu ka gaabsaday inuu fasiro sababaha ay xukuumaddiisu Ammaanka ka jira dalka ugu qancin waayeen waddamo dawladda Ingiriisku ku jirto oo muwaadiniintooda uga digay inu safraan Somaliland.

“Dawladda Ingiriiska iyo cid walba oo caalamka ahi way ka war-qabtaa Somaliland, waa la ogyahay Somaliland meel nabad-gelyadeedu ka fiican tahay ma jirto marka arrinka Soomaaliyeed la eego, marka loo eego Xamar waxa ka dhacaya iyo waxa Somaliland ka dhacaya, waa la ogyahay. Markaa waxa weeye, kolley dunida Siyaabo fara badan waa loo dhaqmaa, laakiin Somaliland nabad-gelyadeeda la wada-ogyahay,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida uu u arko dhaliilo loogu jeediyo inay xukuuumaddiisu ku guul-darraysay inay ku qanciso Dawladda Ingiriiska Ammaanka ka jira Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories