HomeMuxuu Madaxweyne Siilaanyo ka yidhi Dhex-dhexaadinta Ismaacil Cumar Geelle iyo Heshiiska dhexmaray...

Muxuu Madaxweyne Siilaanyo ka yidhi Dhex-dhexaadinta Ismaacil Cumar Geelle iyo Heshiiska dhexmaray Xasan Sheekh?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hadlay is-faham iyo heshiis maanta dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhexmaray magaalada Djibouti, waxaanu sheegay inay xukuumaddiisu soo dhawaynaysa wax-wada-qabsi iyo wada-shaqayn dhex marta dawladaha iyo shacabka dalalka Somaliland iyo Somalia.

DSC_0010Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somalia oo ay wehelinayeen wufuud ka socotay labada dawladood oo marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa kulamo xalay ilaa maanta gelinkii hore socday ku yeeshay magaalada Djibouti, waxaanay labada dhinac ka soo saareen War-murtiyeed lagu shaaciyey qodobbo ay ku heshiiyeen.

Madaxweyne Siilaanyo oo warbaahinta kula hadlay madasha labada madaxweyne ku kala saxeexdeen war-murtiyeed, waxa uu ballan-qaaday inay dawladdiisu diyaar u tahay isla markaana ay fulinayso qodobbada ay kala saxeexdeen, isaga oo xusay in xukuumaddiisu soo dhawaynayso is-kaashi iyo wax-wada-qabsi dhexmara shacbiga labada waddan.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ugu horeyn dhiggiisa Jabuuti iyo dawladdiisaba uga mahad-celiyey dedaalka ay ugu jiraan Isu-soo-dhawaynta iyo wax-wada-qabsi dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Madaxweynaha Jabuuti, dawladdiisa iyo shacbigiisaba waan uga celinayaa sida qiimaha iyo qaayaha leh ee lanoo soo dhaweeyey, sida ay walaalnimadu ku dheehan tahay iyo dedaalka ay u muujiyaan ee mar walba in dadka ay walaalaha yihiin ee reer Somaliland iyo reer Soomaaliya ay isu-yimaaddaan oo wax wada-qabsadaan, mandaqadda nabadgelyadeeda iyo deggenaanshaheeda laga shaqeeyo, aad iyo aad baan uga mahad-celinaynaa waananu ku bogaadinaynaa.”

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey xidhiidh iyo wada-shaqayn dhexmarta labada dawladdood iyo shucuubta Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Walaalkey Xasan Sheekh Maxamuud, weftigiisa iyo dawladdiisaba aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa oo aanu uga mahad-celinaynaa wada-hadalka iyo is-fahamka fiican ee aanu kuwada gaadhnay, mar walba inaynu dedaal ugu jirno in umaddeena iyo dadkeennu ay is-fahmaan oo wax wada-qabsadaan oo isla gartaan inaynu nahay dad walaalo ah oo aynu ognahay taariikh baynu leenahay. Waxay ognahay muddo badan baynu ahayn dad markii horena dedaal ku jiray inay isku yimaaddaan. “

Madaxweynaha oo ka hadlayey heshiiska dhexmaray dhiggiisa Soomaaliya, waxa uu intaas ku daray, “Umadda Somaliland iyo umadaha kale ee Soomaalidu way fara-badan tahay, Geeska Afrika oo dhan dhinacyo badan bay leedahay, markaa mar walba inaynu wixii danta iyo maslaxadda iyo is-fahamku ku jiro oo ka wada-shaqayno waanu soo dhawaynaynaa. Is-afgaradka iyo Heshiiska aynu maanta Jabuuti ku gaadhnayna aad iyo aad baanu uga mahad-celinayaa dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti. Insha Allahu waxaanu ku dedaalaynaa inaanu buuxinno dhankayaga wixii lanooga baahdo ee shuruudo ku xidhanna aanu annagu dhinacayaga si buuxda fulinno. Insha Allahu Tacaalaa, wanaag iyo wada-shaqayn, walaalnimo, wada-shaqayn iyo wada-jir ayaynu isku ognahay,” Sidaas ayuu yidhi Md Axmed Siilaanyo.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories