HomeMuxuu Madaxweyne Muuse Biixi kala soo laabtay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta?

Muxuu Madaxweyne Muuse Biixi kala soo laabtay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Muuse Biixi from UAE March 2019 (6)

Madaxweynaha iyo weftiga oo hoggaaminay oo safar shaqo oo lix maalmood qaatay ugu maqnaa dalka Imaaraadka, ayey diyaarad khaas ahi kasoo dejisay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana madaxweynaha madaarka kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo maamulka gobolka Maroodi-jeex.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland

 Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo weftiga kamid ahaa, ayaa Socdaalka madaxweynaha iyo guulihii horumarineed ee safarkiisa shaqo uu qaranka usoo hooyey saxaafadda uga warramay.

 

 Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweynaha iyo masuuliyiinta dawladda Imaaraadku waxa ay kaga wada-hadleen kulamadooda arrimo badan oo ay kamid yihiin ammaanka guud iyo horumarka mandaqadda Geeska Afrika, xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, koboca dhaqaalaha, maalgashiga, macdanta iyo Tamarta, Iibka xoolaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Dalxiiska,  horumarinta xeebaha iyo kalluumaysiga, isu socodka labada shacbi iyo isu-furka suuqyada dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta iyo dardargelinta heshiisyadii iyo hawlihii horumarineed ee mashaariicda waaweyn ee ay labada dal muddooyinkii ugu dambeeyey wadaagayeen.”

Muuse Biixi from UAE March 2019 (1)

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa muddadii ay safarka ahaayeen kulamo la lahaa madaxda iyo saraakiisha kala duwan ee ee ugu sarraysa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxana ay kulamadaasi kusoo dhammaadeen guul iyo is Af-garad buuxa.

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories