HomeMuxuu Madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Xisbiga Kulmiye?

Muxuu Madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Xisbiga Kulmiye?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Anigu waxan dhisayaa Prof. Yaasiin, dad baa jira la yidhaahdo AHLU BEDER oo maalintay adkayd dalkan wax ka qabtay.” – Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta qasriga madaxtooyada ku qaabilay dhammaan xildhibaannada golaha wakiillada uga soo baxay xisbiga KULMIYE doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomay.

Xubno kamid ah xildhibaannada cusub ee golaha wakiillada oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Bashiir Xuseen Xirsi oo kasoo baxay gobolka Awdal, xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex, Xildhibaan Cabdilaahi Muuse Cabdi oo kasoo baxay gobolka Saaxil, Xildhibaan Jaamac Abbokor Dubbe oo kasoo baxay gobolka Togdheer, xildhibaan Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo laga soo doortay gobolka Sool iyo xildhibaan Saalax Maxamed Diiriye oo kasoo baxay gobolka Sanaag oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah uga mahadnaqay marti-qaadka uu madaxweynuhu u fidiyey mudaneyaasha cusub, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay xildhibaanno ahaan isku duuban yihiin, kana go’an tahay danta xisbiga ay kasoo baxeen iyo danaha qaranka is waafajiyaan, guul weyn oo uu magaceeda xisbiga KULMIYE leeyahayna ay kasoo hooyaan golaha wakiillada ee ay dhawaan ka hawlgeli doonaan.

blankWasiirrada wasaaradaha Horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa sharraxay shaqada muhiimka ah ee laga sugayo mudaneyaasha cusub iyo waxyaabaha qarankoodu uga fadhiyo inay qabyo tiraan ee dhinacyada curinta shuruucda kala duwan ee baahida loo qabo.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa xildhibaannada cusub ku hambalyeeyey guusha ay gaadheen, waxana uu ka codsaday inay cududdooda isugu geeyaan sidii uu xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) u noqon lahaa guddoomiyaha golaha wakiillada, taas oo noqon karta guul kale uu xisbigu gaadhay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhinaciisa si waafi ah ula dardaarmay xildhibaannada cusub ee golaha wakiillada uga soo baxay xisbiga KULMIYE, waxana uu tilmaamay inay sugayso jid dheer oo shaqo, loogana fadhiyo in iyagoo metelaya bulshadii soo dooratay iyo qarankoodaba ay kaalin miisaan leh ka qaataan horumarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn xubnaha cusub ee golaha wakiillada xisbiga KULMIYE dardaaran iyo hogo-tusaalayn u jeediyey, waxana uu xubnaha cusub usoo jeediyey inay midnimada dhexdooda ilaaliyaan, kana shaqeeyaan danta deegaannadii laga soo doortay iyo danta guud ee qaranka.

blankMadaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inuu madaxweyne ahaan dhisayo oo ay ka go’an tahay sidii uu xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir u noqon lahaa guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, isaga oo sharraxay sababaha keenay inuu noqdo qofka ugu mudan ee golahaas hoggaamin kara.

“Anigu waxan dhisayaa Prof. Yaasiin, dad baa jira la yidhaahdo AHLU BEDER oo maalintay adkayd dalkan wax ka qabtay. Badhasaabkii ugu horreeyey ee 1991kii iyada oo dadka oo dhami qori wada sito ninkii ka hortegay ee nabadeey yidhi buu ahaa, Toddobadii shir ee Bari lagu qabtay ninkii ku jirey buu ahaa, dawladdii ugu horraysay iyo tii Cigaal ba ka mid buu ka ahaa, Taariikhdaas buu ku leeyahay, nasiibna wuu ku leeyahay,” sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay guusha xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda ka dhalatay kasoo hoysay doorashadii igoleyaasha wakiillada iyo deegaanka iyo sida ay kor ugu qaadday aaminnaadii iyo sumcaddii ay beesha caalamku ku qabtay Jamhuuriyadda Somaliland.

“Caalamka oo dhan iyo Somaliland, ayaa KULMIYE u qirtay inuu danta Somaliland iyo ictiraafkeeda ku hawl jiro uga markhaati furay, waxaa markhaati dhacayaana, KULMIYE ayey u dhacayaan, KULMIYE-na waynu u simannahay oo madaxweyne ma leh, guddoomiye ma leh wasiirna malaha laakiin waa loo kala badan yahay, laakiin qof kasta oo KULMIYE ah ayuu guushaas Somaliland oo dhan mucaarid iyo muxaafidba u u qirayaa, caalamkuna u qirayaa,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories