HomeMuxuu Madaxweyne Biixi u sheegay Hablaha Saraakiisha Booliska ka tirsan ee uu...

Muxuu Madaxweyne Biixi u sheegay Hablaha Saraakiisha Booliska ka tirsan ee uu maanta la kulmay?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay hablo dhallinyaro ah oo katirsan ciidanka Booliska, kuwaas oo u dallacay derejada sarkaalnimo.

Kulanka uu madaxweynuhu ku qaabilay hablahan katirsan ciidanka Booliska Somaliland, ayaa waxa ku wehelinayey taliyaha ciidanka Booliska, sarreeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) iyo taliyaha ciidanka birmadka gaashaanle sare Cabdi Axmed-tiir iyo ku-xigeenkiisa, gaashaanle dhexe Khadar Maxamuud Cabdilaahi, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo, laguna dhiirrigelinayo hablaha Booliska ah ee dallacay.

blankUgu horrayn taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi iyo taliyaha ciidanka Birmadka, gaashaanle dhexe Cabdi Axmed-tiir oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay kaalinta dhiirrigelinta iyo taageerada leh ee uu ka qaato ciidanka Booliska iyo dhismihiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey hablaha dhallinyarada ah ee ka tirsan ciidanka Booliska, kuwaas oo maanta u dallacay derejooyin cusub, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waan idin soo dhaweynayaa, waan idin hambalyeynayaa qolodiinna dallacday, tacliinta sii wada oo sii kordhiya, waana idiin ducaynayaa inaad horumar badan samaysaan dhinac walba.”

Madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday kaalinta ay haweenku ugu jiraan bulshada iyo sida ay shacabku ugu kalsoonyihiin shaqooyinka ay gacanta ku hayaan iyo filashada wanaagsan ee ay astaanta u yihiin, “Dumarku awood bay u leeyihiin inay dadka wax ka dhaadhiciyaan, weliba dadku hablaha way maqlaan, waayo waa Hooyo, waa naxariis, markuu qofku dumar yahay qofka soomaaliga ahi waxa uu ka filayaa waa naxariis, taakulayn iyo waxtar,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu hablaha katirsan ciidanka Booliska kula dardaarmay inay si hufan bulshadooda ugu adeegaan, shaqada ay qaranka u hayaanna u hagar baxaan.

blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories