HomeMuxuu Madaxweyne Biixi ku soo Arkey Garoonka Kubadda Cagta Hargeysa iyo Xarumaha...

Muxuu Madaxweyne Biixi ku soo Arkey Garoonka Kubadda Cagta Hargeysa iyo Xarumaha Laamaha Dowladda qaarkood oo uu kormeeray?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Istaadiyam oo ay si habmsi leh uga socdaan ciyaaraha gobollada Somaliland iyo xarumo kale oo ay dawladdu leedahay, kuwaas oo uu u kuur-galay hannnaanka ay shaqada qaranka ee maalinlaha ahi uga socoto.

Madaxweynaha oo socdaal lug ah kaga baxay xafiiskiisa, ayaa ugu horrayn kormeeray xafiisyada wasaaradaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Waxbarashada iyo Sayniska iyo Arrimaha gudaha, gashaandhiga, xarunta badhasabaaka gobolka Maroodi-jeex iyo Xarunta Guddida komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka waxana uu halkaa kula kulmay kuna soo dhaweeyey masuuliyiinta kala duwan ee xarumahaa kuwaas oo ku gudo-jirey hawl-maalmeedkooda, islamarkaana madaxweynaha warbixin ka siiyey hannaanka ay shaqooyinku u socdaan.

blankIntaas kaddib, waxa uu madaxweynuhu kormeer shaqo oo gaar ah ku tegay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Istaadiyam, halkaas oo ay ka socdaan ciyaaraha kubbadda cagta ee gobollada Jamhuuriyadda Somaliland oo haatan maraya heerka afar-dhammaadka, waxana uu indhihiisa ku arkay diyaar-garowga ka socda garoonka iyo hawsha culus ee ay ku jiraan hawl-wadeennada ciyaaraha hagaya iyo ciidamada amniga sugayaa, waxana uu isla garoonka dhexdiisa kula kulmay salaadiinta, cuqaasha iyo siyaasiyiinta degmada Axmed-dhagax ee uu garoonku ku yaalla, kuwaas oo taageerayaasha kala duwan iyo ciyaaryahannadaba farriimo u diray.

Ugu horrayn, Suldaan Barre xaaji Xuseen Carraale oo kamid ah salaadiinta waaweyn ee Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha ku ammaanay inuu kormeero garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa, waxana dhallinyarada taageerayaasha ah iyo ciidamada ammaankaba uu u diray farriimo salka ku haya in amniga wada-jir loo ilaaliyo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “waxan leeyahay dadkan yaryarow ciidanku ciidan meel ka yimi ma aha, ciidan ajanabi ahna ma ahee waa inamadiinnii, Booliskana waxan odhan lahaa sidaas si le’eg waa carruurtiinnii, kollayna nin wax lagu dhugtay waa damqanayaa, laakiin waxa la iidinka baahan yahay dulqaadasho.”

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi, ayaa isaguna dhankiisa cambaareeyey shaqaaqadii shalay ka dhacday garoonka, isaga oo shacabkana ku adkeeyey inay la shaqeeyaan ciidamada amniga ilaalinaya oo aanay cadow u arkin, waxana uu yidhi, “Wixii shalay halkan ka dhacay aad baan u xunnahay, wax cid loo nisbeeyana ma ahayne waxa ciyaaraha ka dhacay kamid uun buu ahaa, wax xaafad loo nisbeeyana ma ahayn, dadweynahana waxan leeyahay ciidankiinan qoryaha haysta ee idin ilaalinaya ee habeen iyo maalinba idiin soo jeeda ee aad faraha la laacaysaan hallaga daayo gacmaha.”

Wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka Booliska, Badhasaabaka gobolka Maroodi-jeex iyo siyaasi Jamaal Caydiid oo iyaguna hadalka u kala dambeeyey ayaa ku dheeraaday ujeedda qaran ahaan laga leeyahay ciyaaraha kala duwan ee gobollada oo haatan gebogebo ku dhaw, waxana ay taageerayaasha ugu baaqeen inay caaddifaddooda xakameeyaan, ciyaarahana u arkaan kuwo loogu talo galay inay bulshadu isku dhexgasho oo ay kaga baxdo kala qoqobnaanta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo hadalka soo gunaanaday, ayaa sheegay in ciyaaraha gobollada ee haatan dalka ka socdaa ay Somaliland usoo jiideen sumcad, islamarkaana ay muujisay awoodda xirfadeed ee ciyaaryahannada Somaliland leeyihiin, waxana uu yidhi,“Waxan Ilaahay ugu mahadnaqaynaa sidii wanaagsanayd ee ciyaaruhu inoogu socdeen iyo ciyaartii adduunka oo dhammi ka yaabay inay Somaliland awooddaas ciyaareed leedahay, maamulkaas iyo kooxahaas sida fiican u ciyaaraya Ilaahay baa lagu mahadiyaa, Ilaahayna waxan ka rajaynayaa inay inoo sii socdaan oo ay noqdaan hawl fiican oo aynu dhammaanteen isla oggolnahay oo sumcaddeenna iyo dhallinyaradeennaba kor u qaadday, waana aannu sii wadaynaa ciyaaraha haddii Allah yidhaahdlo.”

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay ciyaaruhu si nabad ah u socdaan, isagoo ammaanay ciidamada ammaanka ee amniga dhawraya, “Qaranka, dadweynaha Hargeysa deggen, ciyaartowda iyo madaxda ciidamada waxan leeyahay waa nabad ciyaaruhuna nabad bay ku soconayaan, waynu ku filanahay, ciidamadana waan ku ammaanayaa dulqaadka iyo siday u shaqeeyeen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu u duceeyey dhammaanba ciidamadii iyo taageerayaashii kala duwanaa ee ku waxyeelloobay shaqaaqadii ka dhacday ciyaartii shalay dhexmartay gobollada Hawd iyo Daad-madheedh, waxana uu dhallinyarada ku waaniyey inay shucuurtooda kaantaroolaan xilliyada ciyaaruhu socdaan, isaga oo warbaahintana uga digay inay baahiyaan inay warar fidno iyo amni-darro abuuri kara gaadhsiiyaan dhegaha dadweynaha.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories