HomeMuxuu Madaxweyne Biixi ka yidhi Kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya...

Muxuu Madaxweyne Biixi ka yidhi Kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Codsi Raysal-wasaaraha Itoobiya u soo jeediyey?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi  Farmaajo, kaddib marti-qaad uu ka helay Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

blankMudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in kulanka dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya uu ahaa mid kedis ah oo aan hore loo sii qorsheyn kaddib markii uu Raysal-wasaaraha Itoobiya ku marti-qaaday xafiiskiisa, kaddibna ku war-geliyey inuu la joogo isla markaana u imanayo madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi oo arrintan kaga hadlay khudbad-sannadeedka dastuuriga ah oo uu ka jeediyey fadhi ay isugu yimaaddeen laba Gole baarlamaan, waxa uu sheegay in kulankaasi ahaa mid saddex-geesood ah oo dhexmaray saddexdooda hoggaamiye oo kali ah, halkaas uu Raysal-wasaaraha Itoobiya ugu soo jeediyey inuu dhex-galo oo uu dib u furo wada-hadalladii u dhexeeyey labada dal.

Madaxweynaha oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Waxaynu wada ogayn in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya muddo hakad ku jireen. Hase yeeshee, 11-kii Bisha February 2020, ayaa aniga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, si kedis ah ugu kulannay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

09-kii February 2020, waxaan safar shaqo ugu baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si aan u xoojiyo wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda, oo ka ololaynayey wufuudii Shirka 33-aad ee Midowga Afrika iskugu timi. 11-kii Bisha February 2020, waxa igu marti-qaaday Xafiiskiisa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Dr. Abiye Ahmed. Salaan, soo dhawayn iyo kulan kooban kadib, waxa uu ii sheegay in Madaxweynihii Soomaaliya uu isna soo galayo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha in yar kadib. Halkaa ayuu ka bilaabmay kulan kedis ah, oo saddex geesood ah, oo aan hore loo sii qorshayn, oo dhexmaray saddexdayada.”

Md Muuse Biixi Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu soo jeediyey in uu dhex-galo dhibaatada dhex-taala labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama ay tahay qadiyad ka aloosan Gobolka Geeska Afrika, oo uu Ra’iisal Wasaaruhuna u ololeeyo nabadda, horumarka iyo Iskaashiga Gobolka Geeska Afrika. Dabcan, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ah shakhsi ku guulaystay Abaal-marinta Nabadda Adduunka ee (Noble Peace Price), isla markaana hoggaamiya dalka labaad ee ugu dadka badan Qaaradda Afrika; Somaliland ahaan waanu aqbalnay soo jeedinta Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

Kulanku intaas ayuu ku ekaa. Waxa loo ballamay in faah-faahinta iyo ajendaha la galo wixii intaa ka dambeeya. Waxa jira Dawlado kale oo iyaguna hore ugu hawlanaa wada-hadalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, kulanka Ra’iisal Wasaaraha lagagama wada-hadal wax tafaasiil ah oo ku saabsan cidda ka qayb noqon doonta wada-hadalka, waxaanu ku koobnaa kulankaasi soo-jeedin iyo aqbalaad.”

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories