HomeMuxuu Madaxweyne Biixi ka yidhi Go'aanka Wakiilladu ku diideen Laba Xubnood ee...

Muxuu Madaxweyne Biixi ka yidhi Go’aanka Wakiilladu ku diideen Laba Xubnood ee Xisbiyada Mucaaradka u metelaya Komishanka?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka dareen-celiyey go’aanka ay Golaha Wakiillada maanta ku hor-joogsadeen labada xubnood ee Guddiga Doorashinka u metalaya xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland.

blankMadaxweynaha oo ay weheliyaan guddoomiyeyaasha labada Xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani oo si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada, waxa uu tallaabada golaha wakiillada ku tilmaamay go’aan lama filaan ah oo aan golaha looga fadhiyin, balse ay ku ixtiraamayaan maadaama oo ay waajibkooda shaqo guteen.

“Golaha wakiilladu waa sharci oo way madax-bannaan yihiin, go’aankoodana iyagaa xor u ah, sharciyan baannu taas u arkaynaa, waanna aqbalaynaa wixii ay soo saareen oo ma diiddanin, laakiin talada dalka iyo danta dalku maanta waxa  ay ku jirtaa inaynu is wadanno, Komishanka dhibtiisu waxa uu ina gaadhsiiyey laba sano iyo dheeraad, wejiyaal badan buu lahaa, khilaaf badan baa ka jirey, weynu soo af-jarnay.

Iyada oo dalku maanta midaysan yahay oo wax walba laga heshiiyey oo xisbiyadii mucaaridka ahaa la oggolaysiiyey inay labadii keenaan oo ay ahayd inaynnu midnimada u dhaqaaqno oo aynnu doorasho higsanno, midnimada iyo wada-jirka dalkuna ku jireen maanta inay ansixiyaan labadaas xubnood, arrintaasi maanta kammaannu filayn, qarankuna kama uu filayn, sabab loo soo celiyo nimankaas, waase gole oo waa u xor wixii uu gaadhay,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in arrintaas talo la isaga noqon doono hadday tahay axsaabta Qaranka, xukuumadda iyo Golaha Wakiillaba, islamarkaana uu ku han weyn yahay in lasii ambo-qaadi doono geeddi-socodka loogu jiro sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen waqtigooda.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories