HomeMuxuu Madaxweynaha Somaliland kala hadlay Dibloomasiyiinta Midowga Yurub iyo UK oo maanta...

Muxuu Madaxweynaha Somaliland kala hadlay Dibloomasiyiinta Midowga Yurub iyo UK oo maanta kulan dhexmaray?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda dalalka Midowga Yurub iyo waddanka UK oo Somaliland u yimi indho indhaynta doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo Isniintii shalay ka qabsoomay dalka.

Weftiga diboomasiyiinta ah ee madaxweynuhu kulanka la yeeshay, waxa ka mid ah Safiirka Denmark Ambassador Ole Thonke, Safiirka waddanka Finland Ambassador Erik Lundberg, Safiirka Sweden Ambassador Valentin Zellweger , Ku-xigeenka safaaradda Talyaaniga, Mr. Massimiliano Bertollo, Ku-xigeenka safiirka safaaradda Norway Mr. Stian Christensen, madaxa xafiiska safaaradda Ingiriiska ee Somaliland Mr. Stuart Brown, Johan Svensson oo ka socda safaaradda dalka Sweden, Oliver Unverdonben oo ka socda safaaradda dalka Germany, Josefine Jensen oo ka socda safaaradda dalka Denmark iyo Tomas Kirchener oo ka socda Midowga Yurub.

blankWar-saxaafadeed ka soo baxa xafiiska afhayeenka madaxweynaha oo lagu faahfaahiyey arrimaha lagaga hadlay kulanka madaxweynuhu la qaatay dibloomaasiyiinta reer Galbeedka, ayaa u dhignaa sida hoos ku qoran:-

:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha weftiga uga mahadnaqay imaanshiyahooda Somaliland iyo muhiimadda ay siiyeen inay kormeeraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay shacabka Somaliland ku soo dooranayeen goleyaashii meteli lahaa, waxana uu tilmaamay inay Somaliland tahay dal ay si buuxda uga hanaqaadday Dimuqraaddiyaddu.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha Safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira u caddeeyey inay Jamhuuriyadda Somaliland ka go’an tahay inay sii waddo isku filnaanshaha, jidka Dimuqraaddiyadda iyo horumarka, si loo xaqiijiyo hammiga shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu weftiga u sheegay in shacabka Somaliland yihiin shacab bislaaday oo dhawraya nabaddooda iyo deggenaanshaha qarankooda, islamarkaana ay taasi ka muuqatay hannaankii nabadgelyada lahaa ee ay codkooda ku dhiibteen iyo sidii lexejeclada lahayd ee ay u weeleeyeen dardaaranadii kala duwanaa ee uga soo yeedhayey madaxdooda maalmihii doorashada ka horraysay.

blankSidoo kale, madaxweynuhu waxa uu u sheegay xubnaha ka socday dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub iyo UK in Jamhuuriyadda Somaliland ay madax-bannaanayd in ka badan muddadii ay Soomaaliya midnimadu ka dhaxaysay, waxaanu madaxweynuhu xusay sidii uu horeba dunida uu uga sheegay shirkii wada hadalada ee Jabuuti in aanay Somaliland marnaba ka suurageli karin inay dib ugu laabato midnimadii guul-darraysatay ee ay shacabka Somaliland ku hungoobeen 1960-kii.

Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee muujiyey bisaylka iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin doorashooyinka qof iyo codka ah ee caalamku inagu majeerto, hay’adaha amniga oo xil weyn iska saaray in doorashooyinkii shalay inoogu qabsoomaan qaab nabadgelyo ah, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqay xisbiyada Qaranka oo kaalin muhiima ka qaatay in ay inoo dhacdo Doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanku, waxa kale oo madaxweynuhu mahadnaq ballaadhan u diray Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo kaalin lama illaawaan ah ka qaatay in dalka ay ka qabsoonto laba doorasho oo is-barkan.

blankSidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqay goobjoogayaashii caalamiga, diblomaasiyiinta iyo safiirada, saxaafadda maxaliga ah iyo ta caalamiga ah sidii quruxda badanyd ee ay uga qayb qaateen doorashooyinka is-barkan.

Dhinaca Safiirada iyo diblumaasiyiinta oo dhammaantood hadlay ayaa bogaadiyey nidaamkii loo agaasimay doorashooyinka ka qabsoomay Jamhuuuriyadda Somaliland guud ahaan iyo bisaylka dulqaadka siyaasadeed ee ka muuqday shacbiga Somaliland ee u dareeray doorashooyinka inay indhahooda ku soo arkeen shacbi kala duwan oo rag iyo haween leh, xisbiyo kala geddisanna taageersan oo safaf dhaadheer ugu jira in qof walba codkiisa si nabadgelyo ah u dhiibtaan, iyadoo aanay saamaynayn xisbiga qofku uu yahay.

blankKulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirka arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaagashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka iyo taliyeyaasha ciidamada Militeriga, Booliiska, Asluubta iyo Sirdoonka.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxweynaha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories