HomeMuxuu Madaxweynaha Somaliland Kala Hadlay aqoonyahanka Gobolka Awdal?

Muxuu Madaxweynaha Somaliland Kala Hadlay aqoonyahanka Gobolka Awdal?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay aqoonyahanka gobolka Awdal, waxaana kulanka diiradda lagu saaray horumarinta gobolka, iskaashiga xukuumadda iyo bulshada deegaanka, iyada oo sidoo kalena lagu sharraxay waxyaabaha xukuumaddu gobolka ka qabatay iyo sida ay ugu hagar baxday.

Qaar kamid ah aqoonyahanka gobolka Awdal oo kulanka ka hadlay, ayaa madasha kasoo jeediyey talooyin iyo afkaar muhiim ah oo lagu horumarinayo gobolka iyo guud ahaanba qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo sharraxaad dheeri ah ka bixiyey habab fudud oo bulshada gobolka iyo xukuumaddu u wada shaqayn karaan.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Dr. Axmed Aadan Buuxane oo halkaas ka hadlay, ayaa bulshada gobolka Awdal ku adkeeyey inay isku duubnaadaan, xukuumaddooda wax la qabsadaan, isku-tashi iyo isku duubnina muujiyaan.

Wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Biyaha iyo waxbarashada iyo sayniska, Mudane Cali Xasan Maxamed iyo Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo aqoonyahanka la hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay waxqabadka ay xukuumaddu ka hirgelisay gobolka Awdal iyo sida hagar la’aanta ah ee ay gobolka uga fulisay mashaariic bulshada manfac u leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo aqoonyahanka kasoo jeeda gobolka Awdal, ayaa ugu horrayn uga mahadnaqay sida milgaha iyo aqoonta leh ee ay usoo bandhigeen afkaartooda, isaga oo ku ammaanay talooyinka lexejeclada leh ee ay halkaas kusoo bandhigeen iyo fahankooda sarreeya ee dhinaca dawladnimada.

Ugu dambayntii, qaar kamid ah aqoonyahankii madasha ku sugnaa, ayaa madaxweynaha halkaas ku weydiiyey su’aalo kala duwan oo ku saabsan Barnaamijyada kala duwan ee ay xukuumaddu ka hirgelisay gobolka Awdal, kuwaas oo uu madaxweynuhuna mid mid uga jawaabay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories