HomeMuxuu Komishanka Doorashooyinka Somaliland ka yidhi Go’aanka Madaxweyne Siilaanyo ku kala diray?

Muxuu Komishanka Doorashooyinka Somaliland ka yidhi Go’aanka Madaxweyne Siilaanyo ku kala diray?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Afhayeenka Guddida Doorashooyinka
Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa ka hadlay qoraal la sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo ku kala diray, ka dib markii muddo-xileedkii ay hayeen dhammaaday.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Md Maxamed Xirsi Geelle, ayaa sheegay inay ka war-hayaan wargelin loogu gudbiyey Golaha Guurtida iyo Axsaabta Mucaaradka ah inay soo magacawdaan u metalaysa Guddida doorashada oo wakhtigoodu ku eg-yahay dhammaadka October ee sannadkan, haseyeeshee waxa uu sheegay inaanay jirin waraaq madaxweyne kaga hadlayo muddo-xileedkooda oo iyaga soo gaadhay, wakhtiganna ay guddi ahaan hawshooda sii wataan.

“Marka la arkay wakhtigii oo dhamaaday,talada guud ee asxaabta mucaaradka, xukuumadda iyo qadhaan bixiyayaashuba is waydiiyeen waxa ay ahayd,in mudo ka hor komiishan la magacaabo ama iyagiiba la daayo, taas ayay taladii noqotay,taas oo markii danbe go’aan madaxwaynaha somaliland ka gaadhay. Markaas warqada uu madaxwaynaha Somaliland soo saaray ee uu u qoray Dadkii soo magacaabayay Komiishanka, taasay ahayd laakiin anaga warqad nalagu kala diray habayaratee ma jirto,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo maanta warbaahinta qaarkeed ugu warramay Hargeysa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhawaan u diray Warqad uu ku socodsiiyey labada xisbi mucaarad oo sharcigu u oggol yahay midkiiba inuu hal xubin ku yeesho Komishanka Doorashooyinka, inay diyaaariyaan xubnaha ay ku beddelayaan guddiga wakhtigu ka dhammaaday.

Golaha guurtida Somaliland, ayaa iyaguna laba xubnood oo ay ka soo xulaan bulshada qaybaheeda kala duwan u magacaaba Komishanka halka saddexda soo hadhayna uu madaxweynuhu magacaabo.

Xubnaha wakhtigoodu dhammaaday, ayaa muddadii shanta sanno ee ay xilalka hayeen, waxa ay dalka ka qabteen doorashooyinka Madaxtooyada ee sannadkii 2010-kii ka dhacay dalka iyo doorashadii goleyaasha deegaanka ee muranka dhalisay oo dalka ka qabsoontay dabayaaqada sannadkii 2012-kii.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories