HomeMuxuu ka tegay? – W/Q: Yaasmiin M. Kaahin

Muxuu ka tegay? – W/Q: Yaasmiin M. Kaahin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Midkoodna in cid ka xoog badani ugaadhsato ma jecla oo xayawaanka iyo bani’aadamkuba way ka siman yihiin. Wuxuu dhex fadhiyey fasal ka mid ah kuwa uu maalinlaha uga xaadiro oo ah halka uu rabay  inuu ka bilaabo noloshiisa berri iyo waxa uu noqon doono. Waa u caado oo deegaanka ku xeeran ayay ka mid noqotay in ay isaga iyo dhiggiisu maalin walba maqlaan waxaanay dhegahoodu jeclaysan, la kulmaan waxaan naftooda raalligelinin. Balse way ku qasbanaayeen in ay ku noolaadaan marxaladdaas. Dibin-qaniinka, hoos-u-qammuunyoodka iyo  guuxa qalbigiisa ku oogan maaha mid kali ku ah, balse wuu uga xanuun badnaa inta kale.

Qorshaha noloshiisa waa mid aan ka faaruqin siduu culayska maskaxeed iyo nafeed ee saaran uu isaga qaadi lahaa. Go’aan iyo tashi noocaas ahina waa mid aanay dhiggiisu ku dhiiranayn, balse way soo dhaaftay in dhibaatadu ku koobnaato hoos-u-guux iyo ciil u gaar ah. Wuxuu qaatay in uu gooni ula baxo guuxiisa, si aanay dadka uu la degan yahay u ogaan xanuunkiisa. Gooni-u-bixintaankaas waxa ka mid ahaa in uu bedelo magacii hooyadii iyo kii aabbihii u bixiyeen. Laba ujeeddo ayuu ka lahaa magacaa uu bedelay oo kala ah; in uu ka midho-dhaliyo isbedelka uu doonayay e gubayay iyo in wakhtigaa la dilay nin magac wayn ku lahaa, kaas oo uu magaciisa qaatay.

Yaasmiin+MMidho-dhal iyo guul ay gaadheen kuwo badan oo la deris ahaa oo sidiisa oo kale iyagoo taagyar uga baxay inay xoroobaan, iyagoo u marayay nidaam jabhadeed oo ay isku xoreeyeen, iskagana riixeen wxii caadaadis in badan dusha ka saarnaa.

Meles Tekele wuxuu ka soo jeeday qoomiyadda Tikreega, waxaana dilay dadkii wakhtigaa gacanta ku hayay talada ee Dhergiga. Sidaasi darteed, ayuu Legesse Zenawi  uu ula baxay Meles. Meles Zenawi wuxuu ahaa mid ka dhabeeyey fikirkiis dib-u-xorayneed iyo kii magacsiisaba. Macnaha Meles, afka soomaaliga waxay ku noqonaysaaJawaab, wuxuuna ku soo biiray inta afrikaan faro-ku-tiris ah ee meel gaadhay, jawaabna u noqday bulshada aan madoobayn.

Nolosha ayaan waayin caqabado, cid xumahaaga sheegta iyo in kale oo cadaadis ku saartaba. Balse, Meles wuxuu gaadhsiiyey nolosha dadka ku dhaqan Itoobiya halkii uu rabay inuu gaadhsiiyo oo ah in midnimo, jacayl iyo sinnaan ay ku wada noolaadan. Walow inta aadmigu nool yahay aan la waayayn cid cabata oo sheegata in xaqooda la duudsiyay, haddana qiyaas dad kala qoomiyado ah, kala diimo ah, kala dhaqamo iyo caadooyinba ah oo wada nool, waliba heshiis ku ah, dal kaliya iyo calan qudha. Wuxuu ka soo qaaday nidaam cabudhin, cadaadis iyo caqli ka-gumaysi ah, wuxuuna soo gaadhsiiyey nidaam xoriyadeed oo xadaysan, kuna dhisan caqli toosan iyo cudud buuxda. Way dhici kartaa in dadka qaarkood ay yidhaahdaa xorriyaddu ma dhama oo warbaahin baa la cabudhiyaa, siyaasi baa la xidhaa iyo dad baan hadli karin. Balse, xoriyaadka hadaan la xadayn ama aanu u fikiri lahayn in xoriyadda iyo xakamayn la isugu darin, dadku ma barteen waddaniyada iyo is-jacaylka, lexo-jeclada dalka iyo ixtiraamka dadka la nool ee kale. Haddiiba aanu dabri lahayn, waxa xadhkaha inay goostaan dhici lahayd maskaxo cadaadis iyo cabudhin saarnayd oo ay ka suurtoobi karaysay inay si khaldan u fikiraan.

Ilaahay wuxuu ku abaal-marinayo waa mid qoran, isaga ayaana Ilaahay diintiisa ku sheegay waxa ka horreeya. Balse, muxuu la hoyday, muxuuse ka hoyday? Meles wuxuu dalkiisa uga tegay dhaxal ku filan haddii sideeda loogu dhaqmo. Wuxuu ka tegay fac aan yaraan ku guuxayn sideed isaga riixda cadaadis jira, waa tii uu soo maray markii uu yaraaye. Hase ahaatee, ku fikiraya oo ku taamaya sidee ayaad u diyaarisa shahaadada waxbarasho ee ku xigta tii aad dhamaysay? Wuxuu ka tegay gole baratan aqooneed, dhaqaaleed, waddaniyadeed iyo dal dhisan. Dal uu soo gaadhsiiyey dalalka kale ee Afrika, badhkoodna uu dhaafiyey, kaas oo hiigsanaya dalalka la sheego inay ka horumareen dhinaca dhaqaalaha. Wuxuu uga tegay in muwaadinka dalkiisu ku faani karo Itoobiyaan-nimo, karaamo ku leeyahay dalkii kale ee uu sharaf ka doono iyo in uu afrikaannimo ku doodo.

Wuxuu mataaneeyey oo uu caddeeyay inay is-turjumayaan magacii u la baxay, hammigiisii iyo halkuu hiigsanayay.

W.Q: Yaasmiin Maxamed Kaahin

Email: qalinbila01@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories