HomeMuxuu Guddoomiye Cirro kaga Jawaabay Shirka Wada-tashi ee Madaxweynuhu ugu baaqay Xisbiyada...

Muxuu Guddoomiye Cirro kaga Jawaabay Shirka Wada-tashi ee Madaxweynuhu ugu baaqay Xisbiyada Mucaaradka?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa soo dhaweeyey Shir wada-tashi ah oo madaxweynaha Somaliland ugu soo jeediyey Xisbiyada Mucaaradka ah si heshiis looga gaadho muranka Siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, tallaabadaas oo labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland ku gacan-saydheen.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada, ayaa sheegay in madaxweynuhu gogol wada-hadal oo muranka siyaasadeed lagu xalinayo u fidiyey Xisbiyada mucaaradka ah.

cirroHaddaba, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay shirka wada-tashi ee Madaxweynuhu ugu baaqay Mucaaradka, waxaanu sheegay inay xisbi ahaan soo dhawaynayaan gogosha wada-hadal, balse waxa uu sheegay in ajandayaasha iyo waxyaabaha lagaga wada-hadlayo shirkaas ay wada-jir uga tashanayaan Xisbiga Mucaaradka ee UCID.

War-saxaafadeedka Cabdiraxmaan Cirro oo sidoo kale loogu mahad-celiyey beesha Caalamka ee danaysay nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Mabda’ ahaan, Xisbiga WADDANI wuxuu soo dhaweynayaa Gogosha wada-hadalka iyo wada-tashiga ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Fidiyey.

Waxa Xisbiga WADDANI aaminsan yahay in ay wax badani ugu hagaagayaan wada-hadalka Somaliland marka la eego marxaladda maanta la marayo.

Qaabka loo galayo wada-tashiga Qaran iyo Ajendayaasha laga hadlayo, waxaanu wada-tashi kala galaynaa Xisbiga aanu mataanaha nahay ee Mucaaradka ah ee UCID, hal-doorka iyo talo-qabeenka Somaliland.

wwWaxaanu mahadnaq ballaadhan u soo jeedinaynaa beesha Caalamka ee danaysa horumarka iyo dimuqraadiyadda Somaliland ee heeganka u ah qabsoomidda Doorashooyin Xor iyo Xalaal ah oo ka hirgala Somaliland wakhtiga Guddiga Doorashooyinku cayimay ee 1st June, 2016.

Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani waxay ku rejo-weyn yihiin, dal iyo debedba, in lagu guulaysan doono wada-hadalladaas,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Cabdiraxmaan Cirro.

War-murtiyeed maanta ka soo baxay xafiiska magaalada Hargeysa ee dowladda Ingiriiska oo ka wakiil ah beesha Caalamka ee taageerta nidaamka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, ayaa lagu sheegay in beesha caalamku walaac xooggan ka qabto go’aan Golaha Guurtidu Isniintii todobaadkan muddo kordhinta Sannad iyo 10 Biloodka ah ugu kordhiyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, waxaanay ku baaqeen in la laabto go’aankaas isla markaana wada-tashi deg-deg ah laga yeesho sidii loo suurto-galin lahaa Doorashinka oo lagu qabto xilliga Komishanka doorashooyinku u muddeeyeen oo ku beegan bisha June ee sannadka Dambe.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories