HomeMuxuu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland U Sheegay Madax-dhaqameedka Reer Muqdisho Oo Kulan...

Muxuu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland U Sheegay Madax-dhaqameedka Reer Muqdisho Oo Kulan Dhexmaray?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madax-dhaqameed ka yimi Muqdisho oo shalay soo gaadhay Hargeysa, ayaa maanta la kulmay shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland.

Madax-dhaqameedka oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen inay shir-guddoonka u sheegeen ujeeddada socdaalkooda oo lagu sheegay inay doonayaan sidii ay dhex-dhexaadin uga dhex-bilaabi lahaayeen dowladda Somaliland iyo Garaaddada Beelaha Dhulbahante oo hormuud ka ah colaadda ka taagan Laascaanood.

In kasta oo aanu jirin War ku saabsan kulanka oo Golaha Guurtidu soo saaray, haddana xogo la xidhiidha kulanka oo aanu helnay ayaa tibaaxay inuu guddoomiyaha golaha Guurtidu soo dhaweeyey hawsha nabadeynta ee ay u socdaan, balse maadaama oo ay madax-dhaqameed yihiin ay muhiim tahay inay arrintan kala hadlaan Bahda Dhaqanka ee Somaliland si ay isu waafaqaan hawsha ay u socdaan iyo Mansabka ay xambaarsan yihiin.

Madax-dhaqameedka ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxaana gegida diyaaradaha ee Egal International Airport ku soo dhaweeyey Guddi madax-dhaqameed ah oo madaxweyaha Somaliland hore ugu xil-saaray inay wada-hadallo la galaan Garaaddada Bariga Gobolka Sool.

Madax-dhaqameedka Somaliland ee soo dhaweeyey Odayaasha Muqdisho waxa ka mid ah Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi iyo Suldaanka Beelaha Gobollada Awdal iyo Selal Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal iyo Xubno kale.

Madax-dhaqameedka iyo odayaasha Muqdisho ayaa dhammaadka bishii March ee sannadkan socdaal ku tagay magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool kaddib markii ay magaalada Garowe kulamo kula yeesheen qaar ka mid ah Garaaddada hormuud ka ah Colaadda Gobolka Sool.

Dagaalka ka Socda magaalada Laascaanood oo bishii Saddexaad galay, ayaa u dhexeeya Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaad deegaanka u dhashay oo taageero ka helaya kooxo Argagixiso ah, Ciidamada maamul-goboleedka Puntland iyo maleeshiyaad xuduudaha ka soo tallaabay oo hayb qabiil kaga qayb-qaadanaya Dagaalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories