HomeMuxuu Fu’aad Aadan Cadde ka yidhi Inuu U Goostay Maamul-goboleedka Puntland?

Muxuu Fu’aad Aadan Cadde ka yidhi Inuu U Goostay Maamul-goboleedka Puntland?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

fu'aadHargeysa (SLpost)- La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha gobolada Bari Fu’aad Aadan Cadde, ayaa ka hadlay warar lagu sheegay in uu ka daba-tagay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo u goostay dhinaca maamul-goboleedka Puntland,

Fu’aad Aadan Cadde oo ku sugan miyiga degmada Xuddun ee gobolka Sool oo uu ku sugnaa muddooyinkii dambe, ayaa warar lagu faafiyey mareegaha Internetka qaarkood ku xidhiidhiyeen inuu isu-diyaarinayo sidii uu ugu goosan lahaa maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ka dib markii uu todobaadkan u gacan galay maamulkaas wasiirkii hore ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade oo shalay lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe.

Fu’aad Aadan Cadde oo khadka Telefoonka uu kula xidhiidhay tifatiraha guud ee shabakada Gudgudenews isla markaana uu wax ka weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in Fu’aad Aadan Cadde uu u tegay dhanka Maamul goboleedka Puntland kana goostay Somaliland maalin ka dib markii lagu soo dhaweeyay Puntland Axmed Cabdi Xaabsade ooh ore u ahaa Wasiirkii Hawlaha Guud ee Somaliland laakiin xil ka qaadistiisa ka dib ka baxay Somaliland,ayaa ku jawaabay. “Horta imika waxaan ku suganahay miyigii oo reerkii ayaan la joogaa iyo odayaashii laakiin warkaa imika ka hadli maayo,” ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde.

Fu’aad Aadan Cadde oo aanu mar labaad weydiinay imika waxa uu kaga jawaabayo in uu Puntland u galay kana tegay Somaliland, sida warbaahintu qortay, ayaa mar kale ku celiyay oo yidhi, “Waxaan hadda arrintaa ka odhanayaa ma jirto laakiin mar kale ayaan ka hadlayaa.”

Fu’aad oo aanu mar kale waydiinay in uu Somaliland siyaasiyan quus uga taagan yahay waxna diidan yahay ayaa mar kale ku adkaystay oo yidhi, “Taana ka hadli maayo laakiin arrintaa warkeeda dib ayaan ka sheegi doonaa.”

Fu’aad Aadan Cadde oo lagu yaqaanay hadal caddaan iyo in aanu hadalka la gabban oo waxa uu diidan yahay mar walba ka hadla, ayaan arrintn uga hadal sidii lagu yaqaanay isla markaana in uu goostay oo uu Puntland galay iyo in uu Somaliland uu aaminsanaa ku adagyahay midnaba aan sheegin.

Hadalka maldahan ee uu kaga jawaabayFu’aad Aadan Cadde weydiinta su’aashan,ayaa u muuqata mid ku lammaan mawqif siyaasadeed oo wali aanu diirka ka qaadin isla markaana soo bixi doona maalmaha soo socda waxase aan la garanayn in uu ku adkaysan doono mawqifkiisii Somalilander-ka ahaa iyo in uu u ka daba-tegi doono Axmed Cabdi Xaabsade.

Xigasho: Gudgudenews.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories