HomeMuxuu Ciidanka Qaranka Somaliland Uga Baxay Laascaanood?

Muxuu Ciidanka Qaranka Somaliland Uga Baxay Laascaanood?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Nin Hubaysan ayaa caawa fiidkii Rasaas Oodda kaga qaaday Ciidamada Ammaanka Somaliland ee Ku sugan gudaha magaalada Laascaanood.

Arrintan ayaa sababtay inay rasaas is-weydaarsadaan ciidamada Ammaanka Oo Ka jawaabayay rasaasta ninka dableyda ah, taasoo sababtay in rasaastii ciidanku haleesho ninkii dablayda ahaa oo isla goobta ku geeriyooday.

Warkan oo aanu ka helnay saraakiisha ammaanka ee magaalada oo in magacooda la xuso ka gaabsaday, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu sheegay in Ciidamadu toogasho ku dileen qof shacab ah, balse uu ficilka Ciidammada ammaanku ahaa is-difaacis iyo jawaab ay ka bixiyeen rasaasta uu ninka dableyda ahi huwiyey.

Waxa Ciidamada Amniga Gudaha Laascaanood ku sugan Rasaas Ku Furay Nin Hubaysan, ciidankuna way ka jawaabaan Rasaasta, ka jawaabistaasina waxay keentay in uu dhinto ninkii ciidanka rasaaska ku furay,” sidaas ayuu yidhi sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka eek u sugan Laascaanood oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso.

Warku waxa uu intaas ku daray inay isla markiiba goobta yimaaddeen saraakiisha sare-sare ee laamaha ammaanka isla markiibana la xidh-xidhay oo qoryahaya laga furay ciidamadii ammaanka ee ay rasaasta is-dhaafsadeen Qofka dableyda ah si loo xaqiijiyo sababta uu ku yimi falka goobta ka dhacay.

“Waxa isla markiiba la xidh-xidhay ciidamadii goobtaasi ku sugnaa, madaama Meesha ay timid dhimasho, waxa isla markiiba tallaabo degdega laga qaaday laguna xidhay dhammaantood ciidankii ku sugnaa halkaasi si loo baadho loona hubiyo sida ay wax u dhaceen,” Sidaas ayuu yidhi Sarkaalka aanu warkan ka soo xigannay.
Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, ayaa maalmihii u dambeeyey Bandoo ahayd kaddib markii ay amniga iyo gacan-ku-haynta magaalada ay la wareegeen ciidamada Qaranka ee Somaliland kaddib markii bannaan-baxyo dhimasho iyo dhaawac sababay ka dhaceen magaalada toddobaadkii hore.

Bannaan-baxyada oo ay sameeyeen dhalinyaro iyo haween ka gadooday Dil aan la aqoonsan cidda fulisay oo magaalada laascaanood loogu geystay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Hadraawi, waxa ay sababeen geerida dhowr qof oo shacab ah kaddib markii ay isku dhaceen ciidammada ammaanka iyo dadka mudaharaadka sameeyey.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories