HomeMuxuu Ciidanka Qaranka Somaliland Kala Kulmay Degmada Boocame ee Xuduudka Soomaaliya?

Muxuu Ciidanka Qaranka Somaliland Kala Kulmay Degmada Boocame ee Xuduudka Soomaaliya?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Maamulka Gobolka Sool iyo ka degmada Laascaanood oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa gaadhay degmada Boocame ee gobolkaas, kuwaas oo dadweynaha deegaanku si diirran u soo dhaweeyeen.

Degmada Boocame ayaa 78km dhinaca Koonfur-Bari kaga beegan magaalada Laascaanood, isla markaana masaafo ku dhaw Dhowr iyo Soddon KM u jirta Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa ka hadlay socdaalka masuuliyiinta iyo Ciidamadu ku gaadheen degmada Boocame, waxaanu bulshada deegaankaas ku ammaanay sida ay u qaabileen weftigaas oo uu ku tilmaamay tallaabo ka tarjumaysa baahida bulshadu u qabato dowladnimada iyo nidaam maamul oo si rasmi ah uga shaqeeya degmadaas maadaama ay tahay degmada gobolkaas ugu dhow xuduudka u dhexeeya labada waddan.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay maamul-goboleedka Puntland oo dhaq-dhaqaaqyada Ciidanka Qaranku ku gaadheen deegaankaas dareen sas leh ka muujiyey.

“Dawladda Somaliland marna inay xuduud kale iyo dawlad kale faro galin ku samayso diyaar uma aha, hadallada xanafta leh waxba ka odhan maayo, waxaan xaqiijinayaa in maamulka gobolka Sool iyo Ciidamadu gaadheen degmo ka tirsan gobolka Sool.

Qolada Puntland oo hadallo ka maqlayey waxay kala garan waayeen soo jiibtii iyo jaantii Soo-dhaweynta iyo Xabbaddii. Dawladda Somaliland way ku qasban tahay meel kasta oo shacabkeedu ugu yeedhaan inay tagto, dadka deegaanka ammaan badan ayaannu u ahaynaa,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Wasiirka oo maan shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories