HomeMuxuu Boqor Cismaan Buur-madow ka yidhi Jabhadda laga Iclaamiyey Galbeedka Gobolka Sanaag...

Muxuu Boqor Cismaan Buur-madow ka yidhi Jabhadda laga Iclaamiyey Galbeedka Gobolka Sanaag oo isaga lagu xidhiidhiyey?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Boqor Cismaan aw-Maxamuud Buur-madow oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa iska fogeeyey inuu wax lug ku leeyahay ama ka dambeeyo Koox sheegatay inay tahay Jabhad hubaysan oo Khamiistii todobaadkii hore lagaga dhawaaqay Galbeedka gobolka Sanaag.

blankMuuqaal laga soo duubay Kooxda Jabhadda ku dhawaaqday, ayay ku sheegeen inay ka cabanayaan caddaalad-darro ay ka tirsanayaan xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxase ay hadalkooda ku sheegeen kuna hanjabeen inay jawaab ka bixin doonaan wax ay ku tilmaameen Xadhig xukuumaddu u qorshaysay Boqor Cismaan Buur-madow oo isagu dhawaan sheegay in madax-dhaqameedka Somaliland lagu daro ergooyinka ka qayb-qaadanaya wada-hadallada Soomaaliya.

Boqor Cismaan Buur-madow oo xilligan ku sugan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxa uu sheegay in cid kasta oo isaga ku xidhiidhisa inuu ka dambeeyo aasaaska Jabhadda ay duullaan ku tahay sharaftiisa, balse waxa uu Boqor Cismaan ugu baaqay xukuumadda inaanay fududaysan oo jawaab ka bixiso cabashada ka soo yeedhay malleeshiyaadka ku dhawaaqay Jabhadda oo uu ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin Ciidammada dalka.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Boqor Cismaan oo u Warramay Telefishanka Bulsho, waxa uu warraysiga kaga hadlay arrimo dhowr ah.

 

Somalilandpost.net

somalilandpost@live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories