HomeMuxuu Baashe Maxamed Faarax ka yidhi dhex-dhexaadinta Ethiopia ee Somaliland iyo M/goboleedka...

Muxuu Baashe Maxamed Faarax ka yidhi dhex-dhexaadinta Ethiopia ee Somaliland iyo M/goboleedka Puntland, Shirweynaha Kulmiye iyo tabashooyinka Beelaha gobollada Bari?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Baashe Maxamuud FaaraxHargeysa (SLpost)- Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee gobolka Wakiillada Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax oo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ugu jira Golahaas, ayaa ka war-bixiyey aragtidiisa la xidhiidha qaabkii loo qabtayh shirweynaha xisbigiis Kulmiye oo shalay la soo gabo-gaboobay iyo tabashooyin dhinaca saami-qaybsiga oo beelaha gobollada Bariga dalka oo uu ka soo jeedo ay ka tirsanayaan xukuumadda iyo xisbigeeda.

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha wada-hadal dhowaan dalka Itoobiya ku dhex-maray Xukuumadda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland, kaas oo lagaga hadlay arrimo la xidhiidha nabad-gelyada gobolka.

Md Baashe Maxamed Faarax oo maanta warbaabinta ugu warramay magaalada Hargeysa, waxa uu sidoo kale ka hadlay xilliga uu madaxweynaha Somaliland labada Aqal baarlamaan u jeedinayo khudbad-sannadeedkiisa dastuurkiga ah, taas oo uu kaga hadlo arrimo door ah oo khuseeya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo wax-qabadka xukuumaddiisa

“Goluhu fasax buu ku jiray waxaannu furmaya Sabtida subaxnimadeeda, Guurtida lafteeduna waa nala mid oo Sabtiday furmaysa, marka Madaxweynaha laga sugaya waqtiga uu soo cayimo, isagaanannu u tegayna oo waydiinayna waqtiga uu qabanaayo. Ilaa haddana nalaguma wargelin, marka goluhu furmaa la isa soo wargelinaya,” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax oo ugu horreyn ka hadlayey khudbad sanneedka madaxweynaha.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaadaad ee Golaha Wakiilladu, waxa uu tilmaamay in xisbiga KULMIYE dimuqraadiyad gudihiisa ka jirta awgeed ku yimaaddaan khilaafyada doodaha ka dhasha , balse shirweynahiisa si wanaagsan oo bilaa khilaafa ku dhammaaddo, waxaanu yidhi;“Shirkii KULMIYE waad ogaydeen guusha uu ku dhammaaday wax badan ha laga sheego, muddo badana dib ha u dhaco, caaddada KULMIYE ayaa sidaa ahaan jirtay ilaa intii uu mucaaridka iyo muxaafidka ahaa sidaasu ahaa oo ilaa shirkii Burco waad ogaydeen oo sidaasay dooduhu u jireen, waana xisbi dimuqraadi ah oo dad badan oo kala afkaar kala duwan baa ku jira, waa la is qabtaa, laakiin caado wuxuu u leeyahay aakhirka in la isu tanaasulo oo waad arkayseen in la isu wada tanaasulay oo nin walba hankie uu lahaa la noqday si loo badbaadiyo xisbiga KULMIYE.  Marka caada ay u leeyihiin xisbiga KULMIYE in la yidhaa way is qabsadeen. Hoggaanku doorashadii Madaxweynaha iyagaa ahaa, tii golayaasha deegaankana iyaga ahaa, marka waxa la isku raacay in hoggaanka loo daayo mar haddii aanay wax dhibaato ah keenin oo guul soo hooyeen, waxaannu rajaynayna in doorashada soo socotana ay guul keeneen.”

“Ragga xisbiga waa raggii dalka dhiiggooda u soo horay, iyagoo dhallinyaro yar ah oo darajo fiican haysta, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin dalkan wax ka weyn bay u soo qabteen, magac iyo sharafna dalka way ku leeyihiin, haddii hoggaanka xisbiga loo daayey in lagaga dabo tago maaha, waa mujaahidiin, dhallinyaray ahaayeen, nin walba shaqo fiican buu haysta, marka shaqadoodii iyo cimrigooda intii fiicnayd waxay ku dhamaysteen dagaal, marka hoggaanka xisbiga haddii loo doortay wax ka weyn bay istaahilaan, haddii Ilaahay yidhaana way heli doonaan abaalkooda,” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Wakiillada waxa uu sheegay in shacabka gobollada bariga ay xaq u leeyihiin inay cabashadooda sheegaan, xaqna u leeyihiin in la siiyo wixii ay heleen degaannada la midka ah,

“Cabashada bani’aadamku waligii way jirtaa, gobollada dhexe laftigoodu cabasho way ka jirta, cabasho waannu qabnaa, laakiin cabashadayadu waa mid aanu dawlada Somaliland kala hadlayno, gaar ahaan Madaxweynaha, wixii aan is leenahay way ka maqan yihiina  xaq baannu u leenahay inaannu sheegano, hebel maxa loo siyey oo qolodan maxay u heshay lama odhan karo, marka gobollada dhexe waa dad badan, marka qoloba qolay isku dherarisa, marka wixii naga maqan cidii nala siman baannu doonayna waxay heshay oo xaq u leenahay.”

Md. Baashe oo la waydiiyey aragtidiisa ku aadan wadahadalka dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Putland u dhex maraya wuxuu yidhi;“Wadahaladu waa sidaynu daris ugu noolaan lahay, xuduuda Somaliland gorgortan ma leh, cid lagala hadlayaana ma jirto, waana xuduud la yaqaan, waanay calaamadsan tahay, marka wadahadlku maaha in xuduuda Somaliland laga wadahadlaayo, marka waxa laga wadahadlaya in la is xaq dhawro oo daris la ahaado, mar hadday dadku daris  yihiina nabadgelyo iyo waxyaabe kale ayay ka wada-hadlayaan,”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories