HomeMuwaadin U Dooro Hoggaaminta Shanta Sanno Ee Soo Socota Halgamaa Samo Talisa...

Muwaadin U Dooro Hoggaaminta Shanta Sanno Ee Soo Socota Halgamaa Samo Talisa Oo Hal-Adayg Iyo Hadaf Cad Lagu Yaqaano – Qalinkii: Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

gadhleNin daneeya baahida dalkoo danaha guud eega    

Nin daryeela maatida dadkoo dayrin noloshooda

Daldaloolka nin naga awdayoo naga daboolaaya

Daba socodka duumada qabiil naga dawaynaaya

Dulqaadkaaga Eebow adaa lagu dakeeyaaye

Deeqdaadu Eebow adaa dunida gaadhaaye

Qofkaad doorto Eebow adaan cidina diidayne

Noo door Allahayow adaan kaa dalbanayaaye

Erayadii iyo Qalinkii:Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle .

Waa qormo kalsan iyo kor waayeel loogu wanqalay,waa qormo kama”a iyo kasba laga ilaashay,waa kalmado ku haboon in Bulshada S/land loogu iftiimiyo Sooyaalka Halgamaa Samo Talisa,Hogaamiye Hido dhwara oo nolosha Bulshada ku dhaqan S/land aqoon gaara u leh,hogaamiye tacabka Xoolo dhaqashada iyo wax soo saarka Beeraha jecel,hogaamiye aan jeclaysan in uu ku noolaado dalka dibadiisa iyo qurbaha,hogaamiye Dulqaad,Daacadnimo,Hall-adayg,Karti,Kalsooni badan,iyo Go”aan Qaadasho Lagu Yaqaano.

Waa qormo Bulshada S/land ugu iftiiminayo Sooyaalka halgameed iyo Hogaamineed ee Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye,Muj Muuse Biixi Cabdi, oo kaalin mug leh ku lahaa Halgankii dib u xoraynta qaran,Shirarkii dib u heshiisiinta Beelaha S/land,dib u dhiskii dalka iyo soo celintii hanaankii dawladnimo ee burburay,iyadoo si gaara farta ugu fiiqi doono kartidii  iyo kalsooniduu muujiyay uguna soo dhabar adaygay,Duruufihii Qalafsanaa ee S/land ka jiray bilawgii Sannadihii Sagaashamaadkii,iyadoo Bulshada S/land marnaba iloobi Karin dhibtii iyo hadimooyinkii u soo dhabar adaygay in ay Bulshada S/land ku noolaato Nabada ay maanta ku nooshahay,isagoo Muj Muuse Biixi Cabdi hormood u noqday Masuuliyiintii u guntaday in ay Ciidamadii wadooyinka taagnaa ee xoogagii Snm noqdaan Ciidan Qaran .

Dhinaca hogaaminta Muj Muuse Biixi wuxuu gudoominayay Shirkii Balay- gubadle, Shirkaasi oo lagu soo doortay Madaxwaynihii u horeeyay ee S/land, Alle ha u Naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali (tuur),mudadii uu shirka hagayayna waxaa lagu xasuustaa hal adayg ,hawlkarnimo,hogaamin suuban.

Sidoo kale Muj. Muuse Biixi waa shaqsiyad karti badan oo u dhabar adayga waayaha uu dalkiisa iyo dadkiisu ku sugan yihiin,waxaanu kaalin mugleh ku lahaa dib u heshiisiintii iyo midayntii xoogagii Snm,waxaanay taariikhdu ka marag kacaysaa inuu yahay halgamaa samo talisa,waa hogaamiye Wadaniya Wadankiisana jecel, iyadoo aan marag uga dhigayo habka nololeed ee uu u raadiyo nolosha qoyskiisa.

Mar kale waxay Taariikhda ku xusan in Alle ha u naxariistee Marxuum Madaxwayne Maxamad X Ibraahin Cigaal,markii lagu soo doortay Magaalada Boorama ugu magacaabay Muj Muuse Biixi Wasiirka Arimaha Gudaha,waqtigaas oo dalku ku jiray Duruufo qalafsan,Burbur Dhaqan, Dhaqaale,Nabadgalyo  daro,iyo Dawlad la,aan,waxaanu Gudoomiye Muuse Biixi kaga gudbay Dulqaad,Daacadnimo,Hall-adayg, Karti, Kalsooni badan,iyo Dhabar adayg.

Mar kale taariikhdu waxay ka marag kacaysaa in uu muddo xileedkiisii ku guulaystay,qaramaynta ciidamadii Snm ee wadooyinka taagnaa,isagoo kaashanaya Guurtidii iyo Wasiiradii,sidoo kale isagoo kaashanaya Golihii Wasiirada iyo Golayaashii Wakiilada iyo Guurtida,waxuu ku guulaystay in la soo celiyo nidaamkii dawladeed iyo kala dambayn S/land ka hano qaada, waxaanu kaalin mug leh ka soo qaatay soo celinta Maamulkii iyo kala dambayntii,isagoo muddo xileedkii Muj Muuse Biixi Wasiirka Arimaha gudaha uu dhamaystiray in la soo celiyo Cashuur ururinta Cashuuraha Dawlada Dhexe si ay Dawlada S/land dhaqaale u hesho .

Sidoo kale Muj Muuse Biixi wuxuu kaalin mug leh ka soo qaatay dib u dhiskii iyo dayactirkii guud ahaan Xafiisyada Wasaaradaha iyo Xarumaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Burburay,sida Kastamada Dugsiyada,Saldhigyada, Sariimadaha, Cusbitaalada .

Isku soo wada duuboo waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye,Muj Muuse Biixi Cabdi in uu guulo la taaban karo ka soo hooyay xilkii loo igmaday waqtigaasi,maantana Muj Muuse Biixi Cabdi waa Murashaxa Madaxwayn ee ugu mudan in loo doorto Madaxwaynaha S/land Maalinta doorashada ee ku beegan 13/11/2017, ugu dambayn waxaan qormadan ku soo gunaanadayaa Gabay Duco  ah .

Nin daneeya baahida dalkoo danaha guud eega

Nin daryeela maatada dalkoo dayrin noloshooda

Daldaloolka nin naga awdayoo naga daboolaaya

Daba socodka duumada qabiil naga dawaynaaya

Duulaan colaadiyo ninaan dirirna keenaynin

Darifyada nin wada gaadhayoo dacalna seegaynin

Noo door Allahayow adaan kaa dalbanayaaye

Noo door Allahayow adaan kaa dalbanayaaye

Noo door Allahayow adaan kaa dalbanayaaye

Erayadii iyo Qalinkii: Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle .

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories